Baazi: "Waxay si waxashnimo leh u dileen Jamaal"
- Ibraahim Saalax | SomaliTalk.com, Denmark |
July 12, 2009
Argagax, naxdin iyo yaab daran ayay ku noqotay dhammaan dadkii daawaday
ama arkay meydkii Jamaal Sheekh Baana, kadib markii meydkiisa oo ay si weyni uga
muuqdaan dhaawacyo waaweyn uu soo bandhigay nin u hadlayay ciidanka DFKMG,
laguna magacaabo Farxaan Carsaanyo.
Haddaba, waxaa ii suurtowday inaan la kulmo Cabdulqaadir Cumar (Baazi)
oo adeer u ah wiilka la dilay ee Jamaal Sheekh Baana, isagoo ii muujiyay sida uu
uga xun yahay geerida naxdinta leh ee la soo gudboonaatay Jamaal, wuxuuna aad
ula yaabay dhiiranaanta uu Farxaan Carsaanyo ugu dhiiraday inuu Jamaal uga
xayuubiyo jinsiyaddiisa soomaalinimo, kuna sheego inuu ka yimid dalalka Aasiya.
"Si daran ayay noo xanuujisay sidii foosha xumeyd ee ay u dileen
wiilkeena Jamaal, waxay falkaas weyn ku sii darsadeen inay yiraahdeen wuxuu ka
yimid Pakistan ama Afghanistan" ayuu yiri Baazi oo wejigiisa ka muuqatay murugo
daran, wuxuuna intaas sii raaciyay:
"waan ku qasbannahay inaan u hoggaansamo qaddarka uu gooyo Allaah
(sw), hase ahaatee waxaan marnaba hilmaami doonin sidii naxariis darrada lahayd
ee loo dilay Jamaal Sheekh Baana oo 20 jir ahaa, wuxuu ahaa wiil fiican oo jecel
ku dhaqanka diinta, baari u ah waalidkiisa oo jecel inuu xiriiryo oo uu ka
warhayo reerka, maxay u dileen, muxuu galabsaday oo intay dileen haddana u
oranayaan wuxuu u dhashay Pakistan ama Afghanistan. Miyeynan Allihii abuuray ka
cabsanayn. Waa hubaal inaanan cafin doonin kuwii dilay, waxaa jirta maalin ay
kuwii dilay ay hor imanayaan caaddilka weyn ee Allaah (sw)", ayuu yiri Baazi oo
si weyn uga tiiraanyeesan geerida ku timid Jamaal Sheekh Baana oo ku noolaan
jiray
gobolka Minnesota, dalka Mareekanka, laguna dilay
Muqdisho July 11, 2009.
Cabdulqaadir Cumar oo loo yaqaano Baazi iyo dhammaan qoyskiisa ayay
mashquulisay geerida wiilkooda Jamaal Sheekh, isagoo ii sheegay inuu isaga iyo
waalidkiisa ay maantoo dhan xiriir la sameenayeen qoyska Jamaal Sheekh Baana oo
ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareenkanka.
Ciidamada uu madaxweynaha u yahay Shariif Sh. Axmed
ayaa dilay Jamaal Sheekh Baana, iyagoo kuna sheegay inuu ka mid ahaa waxay ugu
magac dareen “shisheeyaha argagaxisada" ee taageera dagaalyahaniinta iyaga ka
soo horjeeda ee Xisbul-Islaam iyo Shabaabka.

Inkastoo ay dalka Soomaaliya ka baxeen ciidamada sida weyn
loola dagaalamayay ee Itoobiya, haddana waxaa maalmahan aan ku jirno ay dagaalo
qadhaadh ka dhex-aloosan yihiin ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo garab ah iyo
Xisbul-Islaam iyo Shabaabka oo iyagana garab ah, iyagoo dagaalaldan geestay
qasaarooyin lixaad leh oo ay ku naf beeleen dadyow soomaaliyeed oo fara badan,
halka ay ka qaxeena kumanaan Soomaali oo aan 19-kii sanno ee dagaallada
sokeeye ka socday Muqdisho aanan ka qaxin magaallada.
(Akhri warbixinta
wiilka la dilay)...
Ibraahim
Saalax
SomaliTalk | Denmark
Faafin : SomaliTalk.com | July 12, 2009
Wiil
Soomaali ah reer Minnesota ah oo Lagu Dilay Muqdisho iyo DFKMG oo ku
sheegtay Ajnabi pakistani/ Afganaistani..
wiilka hooyadiis oo ku sugan Minneapolis ayaa sheegtay in sawirada la soo
bandhigay ay...
Akhri |