Saraakiisha Maxkamadaha ee B/weyne oo ku Amray Cumar Xaashi
in uu san soo galin B/weyne asaga oo wata Maleeshiyaad ay Hor kacayaan
Aadan Garaase, Yuusuf Daba-geed, C/kariim Faarax Laqanyo…
Saraakiisha ugu waawayn Maxkamadaha islaamka ayaa ku amray Wasiirka
Amniga Qaranka Cumar Xaashi aadan in uusan la soo aadin Maleeshiyaadka
ay wataan ayna oo gali karin Gudaha Magaaladaasi.
Shir Jaraa'id oo uu magaalada B/weyne ku qabtay madaxa Amaanka
Maxaakimta Gobalka Hiiraan ayuu ku sheegay in aysan aqbali doonin in
gobalka ay soo galaan Maleeshiyaad dhawaan dowlada loogusoo tababaray
dalka Itoobiya.
Sheekh Ibraahim Yuusuf oo ah Madaxa amaanka Maxaakimta ayaa shaaca ka
qaaday in ay dagaal lageli doonaan Saraakiisha dowladda ee iskasoo
hubaynayo ismaamulka Somalida Itoobiya haddii ay magaalada B/weyne soo
galaan.
Saraakiisha ayaa waxay ku Wargaliyeen Hogaamiye Xaashi in aysan Macquul
ahayn in ay soo galaan Gobolkaasi kuwa cadowga shalay u adeegayay sida
ay sheegeen.
Cumar Xaashi iyo Xubnaha waheliya oo wata Gaadiid Dagaal oo badan iyo
Maleeshiyaad ayaa galabta Gabaldhicii ka soo gudbay dhanka Deegaanka
Feer-feer eek ala Qeybiya Xadka Itobiya iyo Soomaaliya.
Maleeshiyaadkan ayaa waxay gaarayaan ilaa 700- waxayna ku Hubeysan
yihiin gaadiid Dagaal iyo Hub aad u culus oo ay soo siisay Dowlada
Itobiya kuwaas oo la sheegay in ay ku soo wajahanyihiin Gobolada
Sh.Dhexe.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Hadalkii Prof. Ibbi ee November 25, 2007
xilli uu booqday Minneapolis