Muqdisho oo laga sii qaxayo maalmahaan
Dadka guryahooda ka barakacayo oo muqdisho ku soo badanaya maalmahaan


Oonka
dhibka iyo gaajada aan ka baxnee dagaalka joojiya ayaa sida hees ahaan u
qaadayeen qaar ka mid ah dadka ka qeyb qaadanayey isu soo bax maanta ay
sameeyeen dadka ubarakacay duleedka waqooyi ee Magaalada Muqdisho oo
shegay in iyaga la iloobay.
Iyada oo ay si xoogeysaneyso cabdsida laga qabo in dagaal xoogani uu
Muqdisho ku dhaxmaro ciidamada dowlada iyo xoogaga dagaalka hubeysan
kala soo horjeedo ayaa tasi waxay sababatay in dad badan oo firxad ah ay
gaaraan goobo ay isleeyihiin waa ku badbaadi kareysaa waxaana ka mid ah
gobaha lagu sii qulqulayo deegaana ka baxsan Magaalada Muqdisho.
Deegaanada galgalato ,gubadleey ,Sh Cali Cabdulle ,dharkeyn,fiiqa
cisiley,Shiidaalka xeebyarey iyo agagagrka dekada ceelmacaan oo
dhamaantood ka wada tirsan xaafada heliwaa ee Magaalada Muqdisho waxayna
ahaayeen , goobaha ay iskuugu tageen barakacayaal guryahoodii uga
cararay ka dib markii dushooda lagu dagaalamay.
Shacabka halkaa dagan ayaa haatan lagu qiiyaasaa in ay garayaan 3700
oo qeys waxayna isugu jiraan dadkii deegaankaa deganaa markii hore iyo
marti kale oo barakacayaal ah oo aan haysan waxyaabaha nolosha kabi kara
ee sahla waxayna ka cabanayeen maanta mar aan tagay xeryahaas , biyo
.la.an ,waxbarasho la.aan , hoy la.aan cuno xumo , caafimad daro .nafaqa
dari dadka waaweyn iyo caruurta ah.
Inta badan dadkaan ayaa noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabaha ay ka
midka yihiin in ay so gurtaan xaabada la shito .kaawooyinka oo ay ka
shaqeeyaan, halka qaarkoodna ay qotaan jay ga guryaha lagu dhisto mana
ah dad ehel u ah tuugsida waxayna kuu shegayaan in ay helaan wixii alle
u qoray.
Deegaanadaan ayaa maanta waxaa ka dhacay banana bax nabadeed aan
cidina soo abaabulin ka dib markii waayeen cid u timaada oo ka socoto
hay.addaha deeqaha bixiya oo meelaha qaarkood xoogaa cunooyin ah geeya
waxayna ku dhaliilayeen in la iloobay dhanka waqooyi cidihii u barakcay
hay.aduhuna ay mashquul ku yihiin deegaanada ceelasha biyaha iyo
reerihii u barakcay koofurta Muqdisho.
Barakacayaashaan ayaa ku qeylinayey biyo la.aan doonimeyno, caafimad
la.aan doonimeyno , shaqo la,aan donimeyno,waxbarasho la.aan doonimeyno.
Waxaana qaarkood ii sheegeen in haweenku ay gedaha hoostoda ku umulaan
oo aanu jirin hay.ad cafimad oo ka howl gasha deegaanada ay u barakceen
boqolaal isugu jira kuwa cusub iyo qoysas hore u daganaa mana lah asidoo
kale ceel biyood.
Haweenka qaarkood ayaa ka codsaday dhinacyada dagalamaya in ay
heshiiyaan si umadu ay guryahooda dib ugu laabtaan waxayna ka cabsi
qabaan iyada oo lagu guda jiro xiligii roobka ay waayaan meel ay ka
galaan biyaha roobka iyo dhaxan tiisa waxayna dagan yihiin guryo ka
sameysan maryo duug ah ,iyo baarkado aan celein Karin biyaha roobka
,dhaxanta iyo qoraxda.
Dumarka ayaa ku qeylinayey dagaalku rag la.aan iyo dad alaa. Ayuu ina
dhigay ee naga daaya.
Barakacayaashaan ku nool duleedka magaalada Muqdiso ayaa ka kala
yimid 16 dagmo ee uu ka koban yahay gobolka banadir waxayna isugu jiraa
haween ,caruur, dad waaweyn iyada oo ay ku jiraan cuuryaamiin
indhoolayaal iyo dad waayeelo ah.
Barakacayaashaan ayaa maanta xeryaha qaarkood ka wada howlo nadaafadeed
oo ay sheegeen in ay hey.adda cogwo ka heleen howlo shaqo raashin ku
bedelasho ah taas oo ay ku amaanen hay.adda cogwo waxayan sheegeen in ay
rali ka yihiin kuna faaxsan yihiin howshaan hay.adda cogwo iyo haweenka
degaana dadka barakacay ka dhaxeyso.
Ugu danbeyntii dadkii ka qeyb qaadanayey mudaaharadka ayaa waxaa la
hadashay Maryan daqal oo ka tiran madaxda hay.adda cogwo oo u sheegtay
in sii wadi doonto hay.adda cogwo caawinaada iyo wax u qabashada dadka
guryahoodii ka barakacay.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666