Ra段isul wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka
Dalalka Sahel Sahara, Khamiistii ka dhoofay Garoonka Aadan-cadde
(Sawiro)
Ra段isul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo
wefdi uu hoaaminayo ayaa saaka ka dhoofay Garoonka Aadan-cadde
International Airport, isagoo ku sii jeeda magaalada Tripoli ee dalkaasi
Liibiya.
Ra段isul wasaaraha ayaa waxaa safarkiisan ku wehliyay wasiirada Dib u
dhiska iyo Waxbarashada, Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo Wasiirka
Waxbarashada C/llaahi Sheekh Maxamuud (Waayeel) iyo Sarakiil ka tirsan
xafiiska Ra段isul wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen Yaasiin Muuse Boqor
iyo Cawaale Cali Kullane.
Kulankan oo ka furmi doona dalkaasi Liibiya maalinta berri ah oo ay
taariikhdu ku beean tahay (29.05.2009), ayaa la filayaa inuu socdo ilaa
30-ka bishan May, iyadoo la filayo inay ka soo qeyb galaan dalalka ka
tirsan jiida Saahel oo kala ah, Somalia, Nigeria, Sudan Senegal,
Mautiritania, Mali, Burkina Faso, Niger, Chad iyo Ethiopia.
Ajendaha ugu weyn ee shirkan ayaa noqon doona arrimaha ku aadan
Caafimaadka iyo dhaqanka, waxaase la filayaa in si weyn diirada loo
saaro arrinta Somalia, gaar ahaana taageero ay dalalkani u fidiyaan
dowladda, sida arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dib u dhiska, Waxbarashada,
iyo Caafimaadka.
Ra段isul wasaare Sharmaake ayaa la filayaa inuu khudbo halkaasi ka
jeediyo, taasoo uu ku sharaxayo arrimaha dalka Somalia iyo sida ku
haboon ee loo taageeri karo dowladda Somalia, waxaana sidoo kale la
filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda dalalkaasi iyo kuwa
dalka Liibiya.