SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Ciidamada Dowlada KMG ah Oo Dhac aan kala Go, kala Lahayn Ka Gaysanaya Qaar ka Tirsan Muqdisho
  • Xarakada Mujaahidiinta al-shabaab Oo Sheegay Talaabada Kordhinta waqtiga AMISOM ay Tahay Mid Cadownimo ah

Ciidamada Dowlada KMG ah Oo Dhac aan kala Go, kala Lahayn Ka Gaysanaya Qaar ka Tirsan Muqdisho

Ciidamada dowlada FKMG ah ee ku sugan magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa la sheegay in ay ka bilaabeen deegaanada degmoyinka gobolka banaadir dhac ay u gaysanayaan dadka shacabka ah taasoo mudooyinkan ahaa kuwo laga raystay .

Degmada Shibis ee magaalada muqdisho oo ah degmooyinka fara ku tiriska ah ee aan laga barakacin ayaa qaar ka tirsan ciidamada dowlada FKMG ah ee ku sugan halkaasi waxay ka bilaabeen dhac ay u gaysanyaan dadka shacbka ah iyagoo xiliga habeenkii iyo maalintiiba ka qaadnaya hantida ay wataan sida telefoonada gacanta ,adeega yar yar iyo waxyaalaha ay ka dhici karaan guryaha ay degan yihiin dadka shacabka ahi .

Sidoo kale Sida ay saxaafada u sheegeen dad ku dhaqan deeganka degmada shibis ee gobolka banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowlada KMG ahi ku bilaabeen dhac aan kala go, lahayn oo habeen iyo maalin joogta ah kuwaasoo aysan jirin cid ka kala hadlaysa ama ka qabanaysa .

Mid ka mid ah dadka degmadaasi ku dhaqan oo magaciisa gaabaday dhinaca amaanka awgiis ayaa saxaafada u sheegay inay ciidamada dowlada eek u sugan xafadaha degmada shibis ay u gaysanyaan dhac joogta ah oo ay ka qaadnayaan wax kasta oo hanti ah ha yaraatee ama ha badnaadane kuwaasoo ay ugu badan yihiin telefoonada gacanta iyo lacgaha ay kusoo adeeg doontaan hooyiinka iyo haweenka xaafadaha .

Maaha markii ugu horaysay ciidamada dowlada KMG ah dhac iyo boob u gaysataan shacabka ka daalay dagaalada cul culus ee ka ka dhacaya magaalada muqdisho kuwaasoo dhaca maalmihii ugu dambeeyey dhac aan loo aabe yeelin ka gaysanayey degmada shibis oo ay hore u joogeen ciidamo ka tirsan xoogaga midowga maxaakiimta islamrkaana ay iminka kala wareegeen ciidamada dowlada KMG ah

Xarakada Mujaahidiinta al-shabaab Oo Sheegay Talaabada Kordhinta waqtiga AMISOM ay Tahay Mid Cadownimo ah

Xoogaga xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ayaa go’aano kasoo saaray hadalkii lagu sheegay in waqti kale oo dheerad ah loogu kordhiyey joogitaanka ciidamada AMISOM islamrkaana tilmaamay in cadaawad loo kordhiyey umada muslimiinta ah ee soomaaliyeed .

Afhayeenka Cusub ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo galabta saxaafadda Shir Jaraa’id u qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay 4-qodob oo xasaasi ah kuwaasoo oo uu uga hadlay marxadihii ugu dambeeysay ee ku soo kordhay Siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale sh,cali dheere ayaa ugu horayn ka hadlay Qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ee ahaa in waqtiaga ay ugu dareen joogitaanka Ciidamada nabad Ilaalinta ee Miwoga Africa taasoo uu sheegay in ay tahay kordhin la sii kordhiyay Cadaawada uu sheegay in loo qabo shacabka Muslimiinta iyo in lagu ciyaaro nabadda ka jirta Soomaaliya.

“Qaraarka ka soo baxay qolooyinka Gaalada ah ee isku Magacaabay Golaha Ammaanka ee ay ugu kordhiyeen nimankaan Gaalada ah ee Soomaaliya ay u soo dirsadeen ee isku Magacaabay AMSIOM,waxaanu leenahay Annaga Arigti ahaan Waxaa waaye kordhin la sii kordhiyay cadaawadda ay u qabaan muslimiinta”ayuu yiri Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Afhayeenka al shabaab Sh, Cali Dheere ayaa fariin u diray ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada caasimada ah ee muqdisho kuwaasoo oo uu sheegay in ay yihiin kuwo la qiyaanayayo oo la rabo in la bur buriyo maadaama sida uu sheegay golaha Ammaanka ee fadhigoodu yahay New York aysan gaarin Is Qarxinta iyo Rasaasta uu tilmaamay in ay ridayaan Ciidamada Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay isagoo ugu baaqay inay dalka isakaga baxaan hadii kale oo ay ku adkaystaan joogitaanka soomaaliyana ay la kulmi doonaan dagaal ay ku hoobtaan

Dhinaca kale Afhayeenka xarakada mujaadidiinta ee al shabaab sh cali dheere ayaa bahda Warbaahinta ku tilmaamay inay iibsan yihiin islamrkaana aysan jirin dhex dhexaadnimada ay sheeganayaan oo ay dhinac u jan jedhaan isagoo ugu baaqay bahda warbaahinta in loo baahan yahay in ay joojiyaan magacyada ay u adeegsadaan Mujaahidiinta isagoo intaa ku daray in loo baahanyahay in loogu yeedho Magaca Xarakada Mujaahdiinta Al Shabaab hadii kalena la iska dhaafo .

“Hadii gaaladu ay cadaadis idin saartay waxaan inka cosdanaynaa in aad nagala leexataan waxaad wadaan Ama Magaceena noogu yeedhaan oo ina dhahdaan xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab hadii kale Sida kuwa kale ay magacyada u sheegteen oo maalin waliba aad carabka ugu adkeysaan ee aad ku dhahaysaan dowladda KMG iyagaba waxaa beenta ah ee ay sheegtaanba waad u sheegtaana waxa runta ah ee aan leenahay inoo sheega ‘’ayuu yiri Sheekh Cali Max’uud Dheere.

Sheekha ayaa kaloo ka hadlay baaqii uu madaxweyne shariif sh ,axmed uu beesha Caalamka kaga dalbaday in laga taageero in lagaga hortaga kooxo uu ugu yeeray in ay yihiin kuwa ku soo duulay dalka Soomaaliya,waxaana uu Cali Dheere sheegay in cida uu yeeranayo madaxweynaha ay tahay Waxa uu ku tilmaamay Shaydaan islamrkaana uu shaydaanka ka dalbanayo iyo gaalada taageero .

“Waxaan idin dhihi lahaa inta ay goori goor tahay gaalo wax adiin tari maysee Shaydaana sidoo kale in aad muslimninmadiinii ku soo laabataan oo diintiinii aad u soo noqotaan oo Gacmaha Mujaahidiinta aad isku soo dhiibtaan Illaaheyna aad u towbad keentaan Taas ayaa maslaxadiina ah”ayuu yiri cali dheere .

yaasiin faytin
yaasinfayin@hotmail.com

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo Waqtiga AMISOM u kordhiyey ilaa Janaayo 31, 2010

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa Talaadadii May 26, 2009 soo saaray qaraar #1872 (2009) kaas oo ah in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya waqtigii loo kordhiyey ilaa Janaayo 31, 2010. Qaraarkaas oo ay si wadajir ah (15-0) ugu codeeyey xubnaha golaha ammaanka ee UN-ta.

Safiirka UN-ta u fadhiya Britain oo warfidiyeenada la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in uu fahamsan yahay lacagta muddada halka sano ee soo socota ku bixi doonta AMISOM in u dhaxayso $200 million ilaa $300 million oo doolar, taas oo uu sheegay in marka ay UN-tu isku raacdo in lacagtaas oo loo xaqiijin doono AMISOM, sida ay werisay reuters.

deadlineArrintan kordhinta waqtiga ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegantahay xilli ay muddo bil ah ka dhiman tahay waqtigii ay talada kusoo jeediyeen Gudiga Musaalaxada Culimada in ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya June 28, 2009. Qodobka kale ee xilligaas ay culimadu soo jeediyeen oo ahaa hirgelinta shareecada waa lagu dhaqaaqay.

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: