- Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo Waqtiga AMISOM u kordhiyey ilaa Janaayo 31, 2010
- Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari oo ku Guuleystay in ay Sameystaan
Maamul....
- Ciyaartoyga Jaaliyada Soomaalida Qadar oo ku guulaysay Koobkii..
- Tirada barakacayaasha dagaaladii Muqdisho oo gaartey 62,000 qof
- Warbixin safarkii Axmed Walad Cabdalla ee Muqdisho
Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo Waqtiga AMISOM u kordhiyey ilaa Janaayo 31, 2010
Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa Talaadadii May 26, 2009 soo
saaray qaraar #1872 (2009) kaas oo ah in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya
waqtigii loo kordhiyey ilaa Janaayo 31, 2010. Qaraarkaas oo ay si wadajir ah
(15-0) ugu
codeeyey xubnaha golaha ammaanka ee UN-ta.
Safiirka UN-ta u fadhiya Britain oo warfidiyeenada la hadlay kulanka kaddib
ayaa sheegay in uu fahamsan yahay lacagta muddada halka sano ee soo socota ku
bixi doonta AMISOM in u dhaxayso $200 million ilaa $300 million oo doolar, taas
oo uu sheegay in marka ay UN-tu isku raacdo in lacagtaas oo loo xaqiijin doono
AMISOM, sida ay werisay
reuters.
Arrintan
kordhinta waqtiga ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegantahay xilli ay muddo bil ah
ka dhiman tahay waqtigii ay talada kusoo jeediyeen Gudiga Musaalaxada Culimada in ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya
June 28, 2009. Qodobka kale ee xilligaas ay culimadu soo jeediyeen oo ahaa hirgelinta shareecada waa lagu
dhaqaaqay.
Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari oo ku Guuleystay in ay Sameystaan
Maamul....
DGPL ayaa Talaadadii (May 26, 2009) golaha baarlamaanka Puntland waxay
horgaysay dastuur cusub ee DGPL, kaas oo ay bilowgii toddobaadka ansixiyeen
golaha xukuumadda.
Kulankii Baarlamaanka waxaa hadal ka jeediyey Madaxweynaha DGPL Dr.
Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole oo faahfaahin ka bixiyey
maraxalahii uu soo maray mudadii dib u eegista lagu samaynayey dastuurka,
sheegayna in ay waqti badan lagu bixiyey.

Wasiirudowlaha Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaal Dr. Cabdi Xasan
Jimcaale |
Hordhaca Dastuurka oo uu ku saxiixan yahay Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada ee
Dimoqaraadiyeynta Iyo Arrimaha Federaalka Dr. Cabdi Xasan Jimcaale ayaa
waxaa ku qoran hadal muran siyaasadeed ka dhaliyey Puntland kaas oo u qoran
sidan:
- Hordhac: Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari, waxa ay ku
guuleysteen in ay sameystaan maamul uu u dhameystiran yihiin Qaybaha
Dawladda, taas ooo ka dambeysay, markii waxgaradka Gobollada Waqoooyi-Bari
ay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe 15kii Maajo 1998kii. Bishii
Agoosto 1998kii waxaa halkaas loogu walqalay dhisme maamul cusub oo ka mid
noqda Dawlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan, kuna qotoma hannaanka
dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka. Puntland waxay rumeysantahay in
nidaamka Federaalka uuu yahay kan qura oo Soomaali isku raaci karto.
Dawlad-Goboleedkaas cusub waxaa loo bixiyay Puntland, magacaas oo cuskan
taariikh gaamurtay, macnihiisuna yahay “Dhulkii Udugga”.
Arrinta muranka dhalisay ayaa ah meesha muujinaysa in "Dadweynaha Gobollada
Waqooyi Bari" ay ku guuleysteen in ay sameystaan maamul. Taas oo lagu dhaliilay
in ay jiraan gobollo kale oo aan W/Bari ahayn laakiin ka tirsan maamulka
Puntland. Marka la sii akhriyo dastuurka qodobka 6aad waxa uu dhigayaa sidan:
Qodobka 6aad: DHULKA IYO SOHDIMAHA
- 1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool,
Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.
- 2. Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban
tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase
yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon
doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.
- 3. Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol
kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.
- 4. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka
hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka
bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah
Dawladda.
- 5. Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo,
lagumana xadgudbi karo.
Baarlamaanka DGPL ayaa hadda dastuurkaasi horyaal. Waxana uu ka kooban yahay
141 qodob. Linkiga hoose ka akhri dastuurka oo ka kooban 60 bog.
- Dastuurka Cusub ee Puntland WORD
ama PDF
Warbixin: Ciyaartoyga Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar oo
ku guuleysatay koob loo dhigay dhamaan jaaliyadaha ku dhaqan dalka qatar...
Koobka kubbada ee kooxaha jaaliyadaha ku dhaqan Qadar ayaa cayaartii koowaad
yeeshay kooxda jaaliyada Somalia vs Italy, waxa ayna 4-1 guusha ku raacday
kooxdii jaaliyada soomaaliya, cayaartii xigtayna waxaan la yeelanay kooxda
jaaliyada Somalia vs Indonesia, waxa ayna 5-2 guusha ku raacday kooxdii
soomaalida, tan xigtayna waxaan la yeelanay koox ku cayaareysay magaca Somalia
vs Qatar, waxaana 5-3 ay guusha ku raacday kooxda soomaalia sidaas ayeyna
Finalkii kusoo baxeen waxaayna sidaas ku kulmeen kooxda jaaliyada Masar oo ay
runtii si xarago leh uga qaadeen koobkii faraha kooxda Masar waxyna kusoo gaba
gabaowday cayartii 6-3 oo ay somalida guusha ku raacday waxaan ka soo qeyb galay
safiirka somalia ufadhiya dalka Qatar Mudane Ismail Qaasim Naaji iyo Xubna
shafarta Jaaliyad iyo Soomaalidii ku nooleed dalka Qatar, Talaado 26-05-2009
08:00pm Qatar University Doha - Qatar.

W/Diyaariye Mudane: Osman Abdullah Haji Warsame
La xiriir fulbay@hotmail.com
Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Q/midoobay oo socdaal aan la sii shaacin
ku yimid Muqdisho, kulamona la qaatay M/weynaha, R/wasaaraha iyo Wasiiro
uu ka mid ahaa Gaashaandhigga
(Daawo Sawiradii kulmadan)
Wakiilka xog-hayaha guud ee Q/midoobay Mr. Axmad Walad Cabdalla ayaa
shalay (25.05.2009), soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,
isagoo ka soo degay garoonka Aadan-cadde International Aiport, halkaasoo
ay amnigiisa sugaan cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM ee howlaha nabad
illaalinta u jooga dalka Somalia.

Wakiilka oo ay safarkiisa ku wehliyeen saraakiil sare sare oo ka tirsan
hay’adda UNDP-da ayaa soo gaaray Muqdisho abaara barqonimadii, isagoo
loo soo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada, halkaasoo uu ku sugnaa
madaxweynaha, wasiirada, Gaashaandhigga, Arrimaha gudaha, Garsoorka,
Gargaarka Bani’aadaminimada, iskaashiga Caalamiga, ra’iisul wasaare
kuxigeenka ahna wasiirka Maaliyadda, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo
weliba xubno kale.
Mr. Cabdalla ayaa salaanta kadib kulan albaabadu ay u xiranyihiin la
yeeshay xubnihii wasiirada iyo madaxweynaha, iyagoo muddo saacad ah ku
jiray shirkooda, waxaana sidoo kale markii dambe isku haray madaxweynaha
iyo Wakiilka Xoghayaha guud, halkaasoo ay muddo ku sii shireen.
Wakiilka ayaa haddana kulan gaar ah kula qaatay Qasrigiisa Ra’iisul
wasaaraha dowladda mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, halkaasoo ay
kaga hadleen arrimo fara badan.

R.wasaaraha iyo wakiilka.
Kulamadan ayaanan la shaacin waxyaalaha lagaga wada hadlay balse illo ku
dhow dhow xafiisyada madaxweynaha iyo kan Ra’iisul wasaaraha ayaa inoo
xaqiijiyay in mas’uuliyintani ay ka hadleen arrimo gaar ah oo
muhiimadoodana leh, isla markaana ku talo galku aanu aheyn in saxaafada
loo soo bandhigo, wallow la aaminsan yahay inay ka hadleen arrimo la
xiriira taageerida dowladda curdanka ah iyo sidii looga gacan siin lahaa
Difaaca kooxaha mucaaridka ku ah ee isku dayaya inay majo xaabiyaan.
Wakiilka xoghayaha guud oo ay safarkiisa ku wehliyeen xubno sar sare oo
ka socday hay’adda UNDP-da ayaa iyagu shirar gooni ah la qaatay madaxda
dalka, iyagoo ka wada hadlay sidii ay UNDP-du ugu fidin laheyd taageero
dhinacyo badan dowladda KMG.

M.weynaha, Wakiilka, R.W. kuxigeenka iyo G.Baarlamaanka.
Ugu dambeyntiina, wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay ayaa waxaa sii
sagootiyay madaxda ugu sareysa dowladda, wasiiro, xildhibaano iyo
saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, isagoo si nabad ahna uga dhoofay
garoonka Aadan-cadde, halkaasoo ay dib ugu celisay magaalada Nairobi ee
dalka Kenya oo uu ku leeyahay Xafiiskiisa siyaasada.
Safarkan ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah u lahaa labada dhinac dowladda
iyo wakiilka, maadaama aanu weli cagta soo dhigin dalka, tan iyo intii
ay dowladda uu hindisaheeda lahaa ay caasimadda soo saldhigatay, waxaana
sidoo kale muhiimada dowladdu ay u laheyd ay aheyd in mas’uul ka socda
Q/midoobay ahna xubin sare uu soo gaaro caasimadda soona booqdo
xafiisyada sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Axmed Cabdalla oo isa salaamaya


C.raxman Shakuur iyo wakiilka


Wasiirka gaahaandhigga iyo wakiilka xoghayaha guud
Tirada barakacayaasha dagaaladii Muqdisho oo gaartey 62,000 qof
The number of people displaced from Mogadishu since the 7th of May is
now 62,000.
These 62,000 people went to:
o 20,000 to the Afgooye IDP settlements
o 24,000 within Mogadishu or to IDP settlements along the outskirts of
Mogadishu
§ 8,200 to Dayniile (incl. KM10-13 and Garas Baaley)
§ 5,000 to Dharkenley (incl. Kax Shiqaal)
§ 4,800 to Kaaraan (incl. Jabuti Gode and Galgalato)
§ 2,700 to Wadajir/Medina
Large numbers also went to Middle Shabelle and to Galgaduud. A detailed
breakdown of displacement is attached.
These 62,000 people came from:
o 19,000 from Yaaqshiid (incl. Towfiiq, Ceel Tubba Weyne, Fagax,
Jungaal)
o 13,000 from Wardhiigley (incl. Cali Kamiin, Stadium, Hararyaale, Buur
Hindi)
o 5,800 from Hawl Wadaag (incl. Warshadda, 30 street, Black Sea, Bar
Ubah)
o 4,900 from Hodan
o 4,400 from Boondheere
o 2,000 from Shibis
Source:
Roberta Russo
Associate Public Information Officer
UNHCR Somalia
Nairobi
Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2009 |