SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Casmara: Ururka Dib-u-Xoraynta oo Hambalyo u diray Shacabka reer Eritrea 18-Guurada Xoriyadooda...

  • Xaafiiska Warfaafinta ARS ayaa Halkaan waxa uu maanta hambalyo uga dirayaa shacabka reer Eretria...

Anagoo ku hadlayna magaca shacabwaynaha Soomaaliyeed waxaan maanta oo ay bisha May tahay 24ta May 2009.


President Isaias' speech on the occasion of the 18th anniversary of Independence Day

Sawirada Xorriyada Eritrea...


Halkaan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa dhamaan shacabka reer Eretria gaar ahaan Dowlada Eretria runtii taas oon uga hambalyaynayno maanta oo ku aadan maalinkii ay ka madax banaanaadeen dowlada Ethiopia.

Waxaan u rajaynaynaa shacabka iyo dowldaba guul iyo baraare taa ka dib waxaan xasuusinaynaa dadwaynaha Soomaaliyeed dowlada iyo shacabka reer Eretria inay yihiin kuwii noo istaagay maalinkii dalkeena hooyo gumaysataha madoow ku soo duulay bilowgii 2007 ka ilaa maantana ay noo taagan yihiin.

Waxaan kale oon u cadaynaynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed inay dowlada Eretria dhibkii lagu hayay shacabka Soomaaliyeed dartiis ay uga baxay urur goboleedka IGAD maantana laga yaabo inay uga baxdo ururka midowga Afrika markii uu go’aan ku gaaray in la go’doomiyo ummada Soomaaliyeed.

Waxaan u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed in dowlada Eretria ay tahay dowlada kaliya afrikaanka ee ka dhiidhisa dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ay ku hayaan dowladaha dariska nala ah oo noo tashtay sida Kenya, Ethiopia,Ugaandha iyo kuwa kale ooy hor boodayaan .

Ugu danbayntii waxaan u rajaynaynaa guul dowlada Eretria ,shacabka Soomaaliyeedna waxaan leenahay ka digtoonaada hagardaamada iyo shirqoolada ay nagu wadaan dowladaha dariska nala ah.

Xaafiiska Warfaafinta ARS

Asmara    24/05/2009

isbahaysi@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: