SHIR BALAARAN OO KUSAABSAN ISBITAALKA GUUD EE DHOOBLEY OO KADHACAY
MAGAALADA MANCHESTER (UK).
Shirweyne si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada
Manchester hoteelka layiraahdo Eastern Pearl 22/05/09, kaas oo ay kasoo
qaybgaleen dad tiradooda gaaraysa ilaa 95 qofood oo kakoobnaa
bulshaweynta Soomaaliyeed ee degan magaalada Manchester qaybaheeda kala
duwan, iyo wax garad isugu jiray rag iyo dumar. Marti sharafka shirka
waxa uu ahaa Honourable Tony Lloyd oo ah xubin kujira baarlamaan lagana
soo doorto bartamaha Manchester (Manchester Central Constituency). Sidoo
kale waxaa iyana goobjoog ka ahaa shirka Paul Morris oo ah lawyer udooda
xuquuqda Somalida qaxootiga ah xaga immigrationka iyo Martin Rathfelder
oo ah xubin katirsan xisbiga Labourka.

Sawirada Halkan ka eeg
Shirkan oo ahaa mid loogu talagalay in taageero samafaleed loo helo
isbitaalka laga dhisayo Dhoobley ayaa kadib markii lagu furay shirka
aayadaha Quraanka kariimka ah iyo wacdi kooban oo uu jeediyay Sh Abdalla
Farah, imaamka masaajidka Al Furqaan, ayaa shirgudoomiyaha shirka oo
ahaa Xaashi Muuse oo kamid ah odayaasha sidaweyn looga qadariyo
magaalada machester wax uu makrafoonka kusoo dhaweeyay Dr Cabdi Caydiid
Xiirey oo soo bandhigay warbixino laxiriira mashruuca isbitaalka oo
isugu jiray maqal iyo muuqaal kana hadlay heerarkii kala duwanaa ee uu
mashruuca isbitaalka soo maray iyo haatan halka uu marayo.

Waxaa sidoo kale ladhagaystay warbixin ay soo gudbiyeen gudiga
isbitaalka oo kusugnaa goobta dhismaha kasocdo, codsi iyo baaq taageero
oo kuwajan dadwaynaha Soomaaliyeed, Jaaliyadaha dibada, dadka kheyrka
jecel, hay’adaha samafalka oo ay kaga codsanayaan inay ka qayb qaataan
hirgalinta dhismaha isbitaalka kuwaasi oo si adag ugu dhiirigaliyay
dadkii kasoo qayb galay in loogu tabaruco kaalmo samafaleed mashruuca
balaaran ee isbitaalka.
Waxaa iyana goobta shirka kalmado kooban kajeediyay xubnihii
shirgudoonaka iyo martisharaftii shirka oo kala ahaa, MP Tony Lloyd,
Xaashi Muuse, Prof Xuseen Xaaji Fiiqow, Sheikh Abdalla Farah, Maxamed Sh
Maxamuud iyo xiriiriyaha shirka Abdi Yonis kuwaas oo si adag ugu
dhiirigaley dadkii ka soo qaybgaley shirka in loogu tabaruco kaalmo
samafaleed mashruucan balaadhan ee Isbitaalka. Waxaa iyana kalmado
kooban oo dhiirigalin ah, soona jiitay quluubta dadweynihii kasoo
qaybgalay shirka soo jeediyay Mudane Ahmed Cilmi oo ah samafale
uolaleeya dadka soomaaliyeed oo kudhibaataysan dhamaan gobolada ay
Somaliya kakooban tahay, iyo Xirsi Jama Gaani oo ah ganacsade
Soomaliyeed oo degan Manchester.
Ugu danbeyntii shirkan oo si xoogle loogu taageerey Mashruuca
Isbitaalka guud ee Dhoobley ayaa loogu yaboohay kaalmo wax ku ool ah oo
waxtar balaaran ah ayaa si habsami aheyd ku dhamaaday iyadoona goobta
shirka loogu balanqaadayIsbitaalka Dhoobley General Hospital lacag
gaaraysa $11920, waxaa iyana xusid in mashruucani samafaleed ee
Isbitaalka ay bulshaweynta Somaliyeed ee degan Manchester balanqaadeen
inay door wax ku ool ah kaqaadan doonaan hirgalitiisa.
Shirka waxa uu kudhamaaday si heer sare ah, iyadoo Dr Cabdi Xiirey
iyo Prof Xuseen Xaaji Fiiqow oo ah howlwadeenada Isbtiaalka si weyn ugu
mahadceliyeen Bulshaweynta Soomaaliyeed iyo dhalinyaradii
iskusoodubariday shirka.
Waxaa diyaariyay Adam Abdirahman. La xiriir:
aw_ih@yahoo.co.uk Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2009 |