Ururka Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala
beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda…..
Magaalada Muqdisho oo inta badan laga barakacay ka dib markii ay ka
bilowdeen Dagaalo..
Ururka Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday
ciidamo ka tirsan Dowladda…..
Ururka Al-Shabaab oo ah urur diimeed si aad ah uga soo horjeeda Dowladda
Federaalka ayaa daboolka ka qaaday ama sheegtay in ay ka dambeeyeen qaraxii
ismiidaaminta ahaa eel ala beegsaday xarun ciidamada xoogga dalka Soomaaliyed ku
lahaayeen dugsigii sare ee Booliiska ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku
geeriyoodeen kudhawaad 8-askari oo ciidamadda Dowladda Federaalka iyo labo
qofood oo rayid ah.
Ururka Al-Shabaab waxa uu sheegay in ninka ismaadaamiyey lagu magacaabo C/qaadir
Xasan Max’ed Catiir, waxa uuna ururku sheegay in ay khasaare xoog leh gaarsiiyey
ciidanka Dowladda Federaalka, isla markaana ujeedadii laga lahaa
ismiidaamintaasi uu ururku sheegay in la gaaray.
Dowladda Federaalka ayaa horey waxa ay u sheegtay in ruuxa qaraxa fuliyey uu
ahaa ruux shisheeye ah, balse ururka Al-Shabaab arrintaasi waa uu beeniyey waxa
uuna sheegay in ruuxa ismaadaamiyey uu yahay ruux Soomaali ah isagoo ururku ku
tilmaamay ruuxaasi in uu shahiiday.
Haraagii qaraxa
Waa markii ugu horeysay oo ururka Al-Shabaab fal ismiidaamin ah la beegsado
ciidamada Dowladda Federaalka, waayo markii ay jirtay dowladdii C/llaahi Yuusuf
uu horkacayay ismiidaamintu waxay ku koobneed Xarumaha Ciidamada Itoobiya, kuwa
AMISOM iyo mas’uuliyiinta Dowladda, waxayna Dowladda Federaalka falkaan ku
tilmaantay mid ay ka dambeeyaan shisheeye.
Ururka Al-Shabaab waxa uu sheegay in falalka ismiidaaminta ah sii socon doonaan
inta laga saarayo dalka ciidamada shisheye iyo waxay ugu yeereen kooxaha
dabadhilifka u ah, waxayna ku soo beegantay ismiidaamintaan xili ay Magaalada
Muqdisho ka jiraan dagaalo u dhexeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha mucaaradda
ah.
Magaalada Muqdisho oo inta badan laga barakacay ka dib markii ay ka
bilowdeen Dagaalo..
Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya tirada dadka ka barakacaya
Magaalada Muqdisho kadib markii dagaalo aysan fileyn ay ka bilowdeen Magaalda
Muqdisho kaas kuwaa oo u dhexeeya ciidamad dowladda iyo kooxaha Islaamiyiinta ah
ee dowladda ka horjeeda.
Dadka ayaa waxay ka barakacayaan hubka culus ee ay labada dhinac
isweydaarsanayan kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad aan waxba galabsan,
waxaan ka mid ah xaafadaha sida aadka ah looga barakacay Degmooyinka Yaqshiid,
Wardhiigley, Boondheere, Hawlwadaag iyo Hodan, waxa uuna barkaacanaan ku soo
beegmay xili ay roobab ka da’ayaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku dhow dhow
kuwaas oo wata dhaxan iyo dabaylo.
Markaad dhex qaadid qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaad arkeysaa
dad teel teel ah oo qaarkood la sheegay in looga tagay guryaha si ay u
ilaaliyaa, waxaana mararka qaarkood ku galeysa cabsi iyo walal, sidoo kale
magaalada Muqdisho waxay isku bedeshay goobo biyo fariisad ah waayo waxaa biyaha
qaadi jiray socodka iyo gaadiidka faraha badan iyo dadka, waxaana goobaha
qaarkood isku bedelen harooyin waaweyn, sidoo kale waxaa magaalada ku soo batay
Eeyaha oo iyagu markii ay waayeen dadkii iska dhex socda xaafadaha dhexdooda,
waxaana dadka ka muuqata rajo la’aan ay ka qabaan in ay dib ugu soo laabtaan
guryahooda, waxayna qaarkood sheegeen in aysan dib ugu soo laaban doonin
magaalada ilaa iyo ciidamada shisheeye ka baxaan dalka.
UN waxay ku qiyaastay 57,000 qof in ay ka barakaceen dagaaladii u
dambeeyey ee Muqdisho.. hoos ka akhri
Qiyaastii Qarammada Midoobay ee dadka ka barakacay Muqdisho
unfortunately, due to heavy fighting on Friday 22nd, the number of displaced
from Mogadishu sharply increased. An estimate 8,000 were displaced on Friday
only, bringing the total number to 57,000.
The 57,000 people went to:
o 19,000 to the Afgooye IDP settlements
o 23,000 within Mogadishu or to IDP settlements along the outskirts of Mogadishu
§ 7,500 to Dayniile (incl. KM10-13 and Garas Baaley)
§ 4,800 to Kaaraan (incl. Jabuti Gode and Galgalato)
§ 4,600 to Dharkenley (incl. Kax Shiqaal)
§ 2,700 to Wadajir/Medina
o Another 15,000 have gone to places further away, including Lower & Middle
Shabelle, Lower Juba, and Gaalkacyo.
and came from:
o 19,000 from Yaaqshiid (incl. Towfiiq, Ceel Tubba Weyne, Fagax, Jungaal)
o 11,000 from Wardhiigley (incl. Cali Kamiin, Stadium, Hararyaale, Buur Hindi)
o 5,300 from Hawl Wadaag (incl. Warshadda, 30 street, Black Sea, Bar Ubah)
o 4,900 from Hodan
o 4,400 from Boondheere
o 2,000 from Shibis
Source: Roberta Russo
Associate Public Information Officer
UNHCR Somalia
Nairobi