SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ALLAH!! SOO WAXAAN KABAQAAYEY MADHICIN!!

xuseen aadan kaneec
kaneecyare@hotmail.com

Waxay ahayd galab isniin ah oo aad loogu bogay, waa galab taariikhda soomaalida bog wayn looga qoray, waa galab uu aaskii habeenimmo siii dumayo, oo kii magaalo iyo miyiba kusugnaa uu dareemayo inay qoraxdii iftiinka badnayd ay sii iilatay si ay ugu hoyoto halkii eebe wayne ugu talo galay, qaybta aan dunida kajoognana ay kagalbanayso, maxusuusataa galabkaas? xagayse kudanbaysay guushaas?

Waa 7april 2006,waa galabkii ay maxakmadiihii islaamka ay kasaareen magaalada muqdisha hogaamiye kooxeedyadii koodii ugu danbeeyey, si ay gacanta ugu qabtaan magaalo dhib badan oo dunida oo dhan waxba kaqaban kari waysay,maalintaas maalinki xigay ayaan waxaan telefoonka gacanta la,istaagay isgoyskii Barmuda ee mooryaantii umadda HAH! iyo HUU kagayeersiin jirtay, anigoo aan kabaqanayn cid aan Eebe weyne ahayn,

Moobeelkaas oo aan isla galabtaas iibsaday, waxaad moodaa inaan nabaddaa lagaaray aan udabaaldagayo, mase kufikirin in sheekadu dhan kale isu rogi doonto, kaligayse ma'ahayn dadka jilbaysan ee soomaali oo dhanbaa ila qabtay xadrada, aniga iyo dadkaas marnaba kumaynaan kifirin in wadaadadan labaacsan doono hadana ay intay isasoo abaabulaan iyagii isbaacsan doonaan, wax badan kamasoo wareegin markaan goostay inaan nabaddaas kasoo guuro oo aan dhabihii kismaayo soo qaado, si aan kenya usoo galo,Allah soo waxan kabaqaayey madhicin!!!

wallee waa kuwan wadaadadii oo wadadayda soo haya, oo illaahay cadowgii amxaaraduu ku imtixaamay.Taasna waxay ahayd galab kaloo murugo badan lagase baxay kadib, waa galabkii 28/12/06 ay xoogaga itoobiyaanka Xamar agteeda kusoo caraabeen, waxay sheekadu sii socotaba ciidamadii soo duulay baxe oo dalka katage siday doonaanba haku baxaane, maxaa noo xigay taaas? waxa noo xigay wax kaloo aynaan filayan, Allah soo waxan kabaqaayey madhicin!!!

Waa tan galab kaloo yaab badan iyana, waa galabtii ay taariikhdu ahayd 30janaayo ee 2009 waa maalintii hogaamiyihii maxkamadaha loo doortay jagada madaxweynenimada qaranka ee aadka uculus, waa jago uusan kuriyoon waligiis xitaa xiligii uu yaraa uu kubar baaraayey magaalada yar ee Jowhar, waxay socotaba judhiiba waxay iska horyimaadeen saaxiibadiisii shalay oo layaabay sida fudud uu salaanka madaxweynimo kufuulay, runtii waa wax lalayaabo asii dunida kadhacda, waase madaxweyne sharci lagu doortay, waxa uu halkaas kusagootiyey kalimmadii uu wax ka alifay oo uu maanta layaaban yahay,Allah soo waxaan kabaqaayey madhicin!!!

Hebel waa murtadd iyo waa Gaal waxay ahaayeen waxaan shariif iyo saaxiibadiis looga horayn inay kuyiraahdaan shaqsiyaad islaamnimo lagu ogaa,waxaase igala yaab badnayd sida uu uga jawaabay markii saaxiibadaas ay dalbadeen inuu dalka kusoo rogo kudhaqanka shareecada islaamka oo la oran karo waxay ahayd xujo isaga laguxujaynayo aysanse dhanka ahayn.In shareecada islaamka lagu maamulo dalkastoo muslim ah, waa wax waajib ah oo ilaahay loogu dhawaanayo, cidii aan sidaas samayna ay hareer martay waajib diini ah oo qoran.

Wuxuu murankaa socdaba, sheekadu waxay kabadin wayday in isagana markiisa loo laqimo kalmadihii uu ku alifay hoteeelkii Ereteriya, Shariifku waa Murtadd, waa Gaalo asxaabtiisa, soo maahan waxa hadda taagan,ee uu dhakafaarka layahay,subxaaanka!! soo waxaan kabaqaayey madhicin!! maxaa inoo xigay. Waa tan maalinkaloo murugo badan, subax ay reer muqdisha kusoo tooseen fiyoowaan iyo cafaimaad qab,waa subax ay sabaaxal khayr isdhaasadeen balse aysan kuraagin sidaas,asii uun labanaysano wax islaamnimadaba kuxun, waa kan dagaal meel uu usocdo iyo meel uu kasocdo aan lagaranayn,qax iyo barkac uusan islaamka banayn ayaa labanaystay laakinse anigu aan ufahmay in lahirgalinayo hadafkii aan BBCda kadhagaystay,

Waan tan galabkaloo aan idaacada ay soomalida aadka udhagaysato aan anigana dhankayga dhagta kataagayo,mise Wariyaha Bbcda ee Washington ayaa war aan laqarin akhrinaaya, Caynte wuxuu leeyahay dowladda Maraykanka waxay qiratay inay dagaalkii tooska ahaa ay kulajirtay islaamiyiin dunida ay kufashilantay markaas maraykan wuxuu doorbiday in islaamiyiinta iyaga la,isku hubeeyo oo ay iyaga faraha islagalaan,taas soo waxan kabaqaayi ma'ahayn asii soo madhicin!!! saaxiib sidaas ma'u argtaa adigu?!

Waxaase layaab kale noqonaysa markii ay islaamiyiintu ay dagaalka siiwadaan, oo dowladiina yaabto, ciidamaddii shisheeye ee awalba laga cabanaayey kuwa aad ugabadan soogalaan dalka, maxay kuhadli doonaan markaas??? taase soo kumasocoto hadeerba maxaad kalabayrka kamaqlaysaa?? soo Ethiopia soo guuxi mayso? soo Ameerikankuna diyaar maahan?? ileyn wadaadu mawaanno qaataan?? ilayn wixii horeba maxusuustaan?? hadaysan taas dhicin oo ay guulaystaan hadana yaakala celinaya intii soo wada guulaysatay?? soo hadana dib udagaalami maayaan??? soo waxaan kabaqaayi madhici doonaa!!soo lama oran nin aan waxa jooga garan waxa soo socda magarto? Illaahay baana kamagan galaynaa wixii xun ee soo socda towfiiqdana warsanaynaaa

xuseen aadan kaneec
kaneecyare@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: