SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

URURKA ARDAYDA JAAMACADAHA DALKA EE G/SAAXIL OO DEEQ WAXBARASHO GUDOONSIIYEY DUGSIGA DHEXE EE SICIID DAAUUD

Xaflad siwayn loo soo agaasimay oo lagu gudoonsiinayey deeq waxbarasho dugsiga dhexe ee Siciid Daud oo lagu qabtay hoolka Jaamacada Berbera ayaa waxaa kazoo qayb galay gudoomiyaha golaha deegaanka mudane Cabdale Maxamed Carab, xildhibaano, maamulayaasha dugsiyada, macalimiin iyo martisharaf kale.

Deeqdan waxbarasho oo ay ku deeqeen ardayda G/saaxil ee waxkabarata jaamacadaha dalka ayaa ka koobnayd hal computer iyo agab kale. Ugu horayn waxaa halkaa kahadlay gudoomiyaha ardayda G/saaxil ee waxkabarata jaamacadaha dalka Mr. Shabcaan C/laahi oo kawaramay sababaha loo aasaasay ururkan iyo ujeedooyinkiisa iyo waliba waxa uqorshaysan halkaas oo uu sheegay in ururkan ardaydu kashaqayn doono horumarinta waxbarashada G/saaxil.

Waxaa sidoo kale halkaa kahadlay mayorka magaalada Berbera Mr Cabdalle Maxamed Carab oo siwayn u amaanay ardaydaa isxilqaantay kuna dhiiri galiyey inay dadaalkooda halkaa kasii wadaan, mudan tahayna in lagu daydo ardaydaa dib uxasuusatay dugsigii ay kaqalin jabiyeen in ay wax uqabtaan, waxaa kale oo uu mr Cabdalle sheegay in ay deeqdani tahay fariin ku socota dhamaan bulshada reer saaxil oo usheegaysa in ay fadhiga ka kacaan oo ay gacmo wadajir ayay wax kugooyaane iskaashadaan oo wax uqabtaan gobolkooda.



Waxaa kaloo halkaa kahadlay maamulaha dugsiga dhexe ee Siciid Daud Mr Cali Cige oo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay ardaydiisii oo maanta dib usoo xusuusatay. Waxaa iyaguna halkaa kahadlay martisharaf isugu jirtay waalidiin iyo xildhibaano.

Ugu danbayntii waxay halkaa ardaydu ku gudoonsiiyeen maamulaha dugsiga dhexe ee Siciid Daud (x.saaxil) agabkii waxbarasho, waxa kale oo ay ardaydu gudoonsiiyeen mayorka Berbera shahaado sharaf uu kumatays tay sida uu uga qayb qaato horumarinta waxbarashada gobolka saaxil.


A/rahman Ahmed

Freelance Journalist

Berbera

Tell: 4474085

raxdo_ukraine@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: