War saxaafadeed
UNICEF WAXA AY CAMBAAREYNEYSAA BILILIQAYSI LOO GEYSTAY AGABKII NAF-BADBAADINTA
EE ARIMAHA BANI’AADAMNIMADA EE KA DHACDEY JOWHAR
NAYROOBI, 20ka Maajo 2009 : UNICEF waxa ay si adag u cambaareyneysaa
bililiqaysiga iyo burburinta agabkii bani’aadamnimada iyo qalabkeedii ay Jowhar
ugu geysteen maliishiyaad waxaana ay aad uga xannuunsatey raadka ay arrintani ku
yeelanayso barnaamijyada UNICEF ee taageeraya carruurta iyo haweenka
Soomaaliyeed, ayuu Christian Balslev-Olesen, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, ku
yiri war uu maanta soo saarey.
Ka dib markii ay Al Shabaab la wareegtey magaalada Jowhar – oo 90 kiilomitir
waqooyi ka xigta Muqdisho – 17kii Maajo 2009ka, ayaa waxaa soo ifbaxay warar
sheegaya in maliishiyaad ay soo weerareen xaruntii UNICEF ee Jowhar ayna
geysanayaan bililiqaysi iyo burburin xoog leh oo ay u geysanayaan agabkii,
hantidii iyo qalabkii loogu tala galay arimaha bani’aadamnimada.
Qalabkii qaboojiyeyaasha iyo kaydkii talaalka caruurta ayey arrintani saameyn
wayn ku yeelatay, halkaas oo ay ku baaba’een kumannaan tallaalka jadeecada,
dabaysha iyo tallaallo kale oo isugu jirey kuwa loogu talagalay in looga hortago
cudurrada halista ah ee ku dhaca carruurta Soomaaliyeed. Keydkii cuntada ka
hortagga iyo daaweynta nafaqo-darrada ba’an ee carruurta Soomaaliyeed haleeshay
ayaa asna la bililiqeystey.
Lunsashada iyo burburinta agabkan muhiimka ah ee loogu talogalay carruurta iyo
haweenka iyo kala go’a ku yimid joogtayntii saadka ayaa saameyn ba’an ku
yeelaneysa barnaamijyada guud ee UNICEF maaddaama oo ay Jowhar tahay saldhigii
adeegyada iyo agabka laga siinayey gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya
ku yaalla oo dhan.
“Barnaamijyadeenna, oo ay ku jiraan tallaalka ka hortagga cudurada halista ah
sida jadeecada iyo dabaysha, kaalmaynta xarumaha quudinta carruurta ay hayso
nafaqo-xumada ba’an, iyo fulinta Ololaha Maalminta Caafimaadka Carruurta, iyo
sidoo kale bixinta biyo nadiif ah ayaa arrintani carqalad wayn ku noqonaysaa,
taas oo halis gelineysa nolosha carruurta aadka u nugul iyo qooysaskooda.
In ka badan 50,000 oo carruur ay hayso nafaqo-darro ba’an, qarkana u saaran
marxalad naftooda halis ku ah, iyo in ka badan 85,000 kale oo iyaguna la
tabaalaysan nafaqo-xumo dhexdhexaad ah ayey kala go’a ku yimid agabkii nafaqada
iyo daawadu si toos ah u saamaynaysaa. Shilkaan ayaa qalalaase gelinaya
hirgelinta wejiga labaad ee Ololaha Maalinta Caafimaadka Carruurta oo lagu
beegsanayey in ka badan 1.2 milyan oo carruur ay da’doodu shan sano-jir ka yar
tahay iyo 840,000 oo haween ah oo la doonayey in la gaarsiiyo xirmooyin
caafimaad iyo nafaqo tayo-sare leh, naf-badbaadinna u ah.
“Falalkan bililiqaysiga iyo fara-xumaynta arxandarada ah ee halist weyn gelinaya
nolosha iyo wanaaga carruurta Soomaaliyeed, waa in ay joogsadaan,” ayuu yiri
Balslev-Olesen. “UNICEF waxa ay ku boorinaysaa dhammaan dhinacyada ay khuseysaa
in ay wanaagga carruurta wax walba ka hormariyaan. Waana in aan carqalad lagu
noqon howlaha samafalka bani’aadaminimo.”
Wixii faafaahin dheeri ah ama wareysi fadlan kala soo xiriir:
Iman Morooka, Sarkaalka Isgaarsiinta, UNICEF Somalia, Email:
imorooka@unicef.org, Mobile: +254 714 606 733
Robert Kihara, Sarkaalka Isgaarsiinta, UNICEF Somalia, Email:
rkihara@unicef.org, Mobile: +254 722 206 883
UNICEF CONDEMNS LOOTING OF LIFE-SAVING HUMANITARIAN SUPPLIES IN JOWHAR
Statement by Christian Balslev- Olesen, UNICEF Representative to Somalia
NAIROBI, 20 May 2009 : UNICEF strongly condemns the looting and destruction of
humanitarian supplies and its facilities in Jowhar by militiamen and is deeply
distressed by the impact this will have on UNICEF’s programmes supporting the
children and women of Somalia, said Christian Balslev- Olesen, UNICEF
Representative to Somalia, in a statement today.
After Al Shabaab took over control of Jowhar town – located 90 kilometers north
of Mogadishu - on 17th May 2009, reports were received of militiamen raiding
UNICEF’s compound and undertaking large scale looting and destruction of
humanitarian supplies, assets and equipments.
The cold chain (vaccine storage) equipment has been affected, destroying
thousands of doses of measles, polio and other vaccines that were meant to
prevent serious diseases among Somali children. Supplies of food for the
prevention and treatment of acute malnutrition among children were also looted.
The loss and damage of crucial supplies for children and women and the break in
the supply chain will have an enormous impact on UNICEF’s overall programmes as
Jowhar is the main hub for the provision of services and supplies to the whole
of the Central and Southern regions of Somalia.
“Our programmes, including provision of immunization against preventable
diseases like measles and polio, operation of feeding centres for acutely
malnourished children, implementation of Child Health Days Campaign, as well as
provision of safe drinking water will be severely hampered, putting the lives of
vulnerable children and their communities at risk.”
Over 50,000 severely malnourished children who are in life-threatening
conditions, in addition to over 85,000 moderately malnourished children, will be
affected by the break in nutritional and medical supplies. This incident will
disrupt the implementation of the second round of the Child Health Days Campaign
targeting to reach over 1.2 million under-five children and 840,000 women with a
high-impact life-saving health and nutritional package.
“These malicious acts of looting and vandalism that pose a serious threat to the
lives and welfare of Somali children must stop,” said Balslev-Olesen. “UNICEF
urges all parties involved to have children’s well-being at heart. Humanitarian
operations must not be impeded.”
For more information please contact:
- Iman Morooka, Communication Officer, UNICEF Somalia, Email:
imorooka@unicef.org, Mobile: +254 714 606 733
- Robert Kihara, Communication Officer, UNICEF Somalia, Email:
rkihara@unicef.org, Mobile: +254 722 206 883
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2009 |