SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ref: 1503/W/WWM/09 Talaado - 19--05-2009

Warsaxaafadeed

Cafis Madxweynuhu u fidiyay Maxaabiis

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa cafis u fidiyay dhalinyaro ku jiray xabsiga, kuwaas oo tiradoodu gaaraysay 14 dhalinyaro.

Dhalinyaradaas ayaa 10 ka mid ah Maxkmad Meleteri ay ku xukuntay labo sano iyo bar xarig ah iyadoo lagu eedeeyay ineey ka mid ahaayeen Muqaawamada. Halka 4 kalana ay Maxkamad Madini ah xukuntay, waxaan ay xabsiga ku jireen 8 bilood..

Madaxweynaha ayaa kula hadlay Maxaabiistaas cafiska Madaxweyne lagu sii daayay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Gen. C/laahi Macalim Cali Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyo G/Sare C/naasir Axmed Maxamed Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha ayaa khubadiisu dhinacyo badan taabatay isagoo ugu horeeyntii kula dardaarmay ineey ka faa’ideystaan fursadaan oo ay noqdaan muwaadiniin wanaagsan oo wax tara dadkooda iyo dalkooda, una rajeeyay ineey ku nolaadaan nolol toosan oo wanaagsan, wuxuuna xusuusiyay xadiiskii nabigeena Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee “Muslimku waa qofkii ay Muslimiintu ka nabad galaan afkiisa iyo gacantiisa”. Iyo in xabsiga iyo ka soo bixistiisaba ay yihiin wax xag Alle ka qoran.


Madaxweynaha oo u Khudbeeynaya Maxaabiixtii Cafiska loofidiyay

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in asalka go’aan maxkamad uu yahay in la ixtiraamo, ama ha saxsanaado go’aanka Garsooraha ama ha khaldanaadee, waxaa uu u tilmaamay Madaxweynuhu ineey saas u fahmaan.


Gen. C.laahi Macalim Taliyaha Ciidanka asluubta oo ka hadlaya Cafiska

Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in Dalka iminka wixii ka danbeeyay lagu xukumayo shareecada, waxaana uu ka dalbaday ineey fahmaan islaamku inuu yahay nidaam, kala danbeyn, dhowrida sharciga iyo adeecida Madaxda.


Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka hadlaya cafiska

Madaxweynuhu wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in ragii islaamka sheegaynayay ineey raadinayaan, ineey dhiigii muslimka ku dhex jiraan, oo ay xaalaalsadeen dhiiga walaalahood, isagoo Madaxweynuhu tilmaamay in 18 sano oo fowdo ah, in weli lagu sii jiraa ay tahay khasaaro.


taliyaha Ciidanka Asluubta oo Hadiyad gudoonsiinaya Maxaabiixta Cafiska loo fidiyay

Madaxweynuhu isagoo arinkaa daba jooga waxaa uu dhalinyarada kula taliyay ineeysan ku kadsoomin fikradahaas khaldan waxaa uuna yiri “ waxaan idiinka digayayaa arinkaas, dhalinyaradu waa u nugul yihiin, waxaa aad u xun in qof muslina lagu qanciyo in walaalkiis oo muslina isku qarxiyo, arinkaas oo uusan ilaahay ogoleyn kana mid ahayn Dhaqanka Soomaaliyeed”



Ugu danbeyntii Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay dhalinyarada ineey Dowlada garab galaan , oo ay bog cusub noloshooda u furan. Iyadoo la gudoonsiiyay Hadiyad Madaxweynuhu ugu talagalay maxaabiista cafiska loo fididyay.

Magacyada Maxaabiista Cafiska loo Fidiyay

1. Maxamed C/laahi Cilmi.
2. C/qaadir Maxamed Gaas
3. Maxamuud Maxamed Abukar.
4. Axmed C.raxmaan Xaamud
5. Maxamuud Xasan Daauud.
6. Abshir Cabdi Cusmaan
7. Akram Cabaas Maxamed
8. Cumar Muuse Xuseen
9. Maxamed Jeylaani Abuukar
10. Mascuud Maxamed Siyaad
11. Daahir Cabdi Cali
12. Cabdi Cali Axmed
13. C/qaadir Cali Axmed
14. C/nuur Ibraahim Maxamed.


C.qaadir Maxamed Cusmaan
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: