SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

URURKA YOVENCO IYO TARTANKA KAHORTAGA TAHRIIBTA DHALINYAARADA G/SAAXIL

Waxaa magaalo madaxda G/saaxil ee Berbera laga furay koob ama tartan kubadeed loogu magac daray Tartanka Kahortaga Tahriibta Dhalinyarada, tartankan oo ay maalgaliyeen ururka wadaniga ah ee YOVENCO islamarkaana ay fulinayaan wasaarada dhalinyarad iyo ciyaaraha waxaa ka qayb qaadan doona 12 kooxood oo ah kooxaha heerka koowaad (serio A) ee magaalo madaxda G/saaxil ee Berbera.



Tartankani maaha kii koowaad ee ururka wadaniga ah ee YOVENCO uu soo qabanqaabiyo kana fuliyo G/saaxil balse waxaa jiray tartano noocan oo kale ah oo ururku soo qabtay looguna talogalay in kor loogu qaado wacyiga iyo iskuxidhnaanta dhalinyarada G/saaxil

Furitaankii tartankan waxaa kazoo qayb galay gudoomiyaha golaha deegaanka Berbera, xildhibaano, wafti kasocday dhailnyarada iyo ciyaaraha heer qaran iyo martisharaf kale.

Waxaa ugu horayn halkaa kahadlay isuduwaha ciyaaraha ee G/saaxil Mr Shaafici Jaamac Aaden oo amaan usoo jeediyey uruuka wadaniga ah ee YOVENCO oo uu sheegay in markasta ay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin wasaarada ciyaaraha ee G/saahil.



Waxaa sidoo kale isna halkaa kahadlay gudoomiyaha ururka YOVENCO Eng. Ahmed Abokor isagoo ugu horayn mahad balaadhan usoo jeediyey martisharaftii kasoo qayb gashay xafladan furitaanka. Gudoomiyuhu wuxuu intaa kudaray in ururka YOVENCO markasta utaagan yahay kahortagida waxkastoo dhib ku keeni kara dhalinyarada islamarkaana ururku uu sii wadi doono tartanad noocan oo kale ah si dhalinyarada looga mashquuliyo tahriibka, balwadaha iyo dhaqan xumada.



Ugu danbayntii waxaa kalmadii furitaanka halkaa kasoo jeediyey Gudoomiyaha golaha deegaanka Mr Cabdale Moh’ed Carab isagoo amaan usoo jeediyey ururka wadaniga ah ee YOVENCO, dhalinyaradana kudhiiri galiyey inay kafaa’iidaystaan fursadaa qaaliga ah kana waantoobaan tahriibta iyo wixii waxyeelaynaya mustaqbalkooda.

Tartankan oo socondoona mudo bil ah waxaa lagudoonsiin doona kooxaha ku guulaysata jaaisado qaaliya oo isugu jira lacag iyo agab ciyaareed sida kubado, dirays, mobilo iyo qalab kale oo farabadan.

A/rahman Ahmed

Freelance Journalist

Berbera

Tell: 4474085

raxdo_ukraine@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: