SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dhakhaatiirta soomaaliyeed ee dalka Pakistan oo cudurka Hepatitis B Virus ka talaalay boqolaal dad ah.
 

Sawirada Halkan ka daawo....


Somali Medical Union (SMU) oo ah urur ay ku midaysanyihiin ardayda soomaliyeed ee cilmiga caafimaadka ka barata dalka Pakistan ayaa waayadaan danbe wuxuu waday wacyi galin iyo baraarujin ku aadan dhibaatada uu leeyahay cudurka loo yaqaano Hepatitis B virus (HBV) oo ah cudur halis ah oo ku dhaca beerka.



Maadaama cudurkani yahay mid dilaa ah, khatarna ku ah caalamka ayaa dhakhaatiirta soomaaliyeed ee dalka pakistan waxay u istaageen issuna xilqaameen sidii ay u wacyi galin lahaayeen ugana talaali lahaayeen fayraska keena cudurkaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Pakistan gaar ahaana kuwa ku nool caasumada wadanka ee Islamabad.

Ol ole iyo wacyi galin dheer ka dib, waxaa dhakhaatiirta soomaaliyeed oo kaashanaya shirkad lagu magacaabo City Lab iyo GSK ay cudurkaan ka baareen soomalida ku nool Islamabad iyagoo ka dibna ka talaalay dad gaaraya illaa iyo 250 qof oo isugu jiray waayeel, dhalinyaro iyo caruur kuwaas oo laga waayay fayraska keena cudurkaas halka ay lix ruux oo looga shakiyay cudurkaas u direen baaris dheeraad ah.

Talaalkaan oo ahaa mid looga hortagayay cudurkaan dilaaga ah ayaa waxaa hir galiyay uruurka dhakhaatiirta soomaaliyeed xafiiskiisa Islamabad, waxaana aad u soo dhaweeyay dadka soomaaliyeed ee ku nool Islamabad iyo guud ahaanba Pakistan.

Intii lagu sugnaa goobtii uu ka dhacayay talaalku waxaa dadwaynaha hadal wax tar leh oo ku saabsan cudurkaan u soo jeediyay gudoomiyaha Somali Medical Union (SMU) Dr Ahmed Omer oo si kooban uga hadlay wax qabadka ururka asagoo si guudna uga hadlay cudurka (HBV). Sidoo kale waxaa halkaas hadal qiimo leh kasoo jeediyay Dr. Khaalid Suleyman Qalib oo ah madaxa ururka qaybta Islamabad. Dr. Khaalid wuxuu ka hadlay dadaalkii ururuku u soo maray in dadka soomliyeed ee ku dhaqan Islamabad laga talaalo cudurkaan isagoo sidoo kalana ka hadlay wax qabadka ururka kaas oo uu sheegay in talaalkani kamid yahay waxyaabihii ugu horeeyay ee ururku hirgaliyay illaa iyo aas aaskiisii, balse ay rajaynayaan ka uruur ahaan inay wax wayn u qaban doonaan dhamaan bulshada soomaalyeed meel walba oo ay joogto gaar ahaana kuwa ku nool Pakistan.

Waxaa sidoo kale asaguna ka hadlay goobtaas Dr. Liibaan Abdikarim oo si qoto dheer uga war bixiyay dhibaatooyinka cudurkaan, sida looga hortagi karo iyo faa’iidooyinka talaalka. Dr. Liibaan wuxuu sheegay in cudurkaan halis yahay, balse sida kaliya ee looga hortagi karo ama la isagana ilaalin karo ay tahay in qofku iska talaalo cudurkaan inta uusan qaadin jeermiska keena cudurkaan.

Dhakhaatiir badan ayaa halkaas hadalo wax tarleh kasoo jeediyay, waxaana sidoo kale ka mid ahaa dadkii iyaguna goobtaas ka hadlay Dr. Mohamoud Ibrahim Ali iyo Dr. Qasim Abdi.

Dhamaan dhakhaatiirtaan waxay ku celi celiyeen in bulshada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba looga baahanyahay inay ka feejignaadaan cudurkaan dilaaga ah maadaama soomaliya lagu tiriyo wadamada ugu badan ee cudurkaan caanka ka yahay sida kaliya ee la isaga ilaalin karana ay tahay inuu qof walba deg dego u tiigsado gaabaha cudurkaan lagu baaro baaritaankaas kadibna uu iska talaalo.

Baaritaan dheer oo la xiriira wadamada ugu badan ee cudurkaan uu aafeeyay ayaa Pakistan waxay ka mid noqotay wadamada safka hore ku jira iyadoo la sheegay in dad gaaraya 3 million oo qof ay la il daranyihiin xanuunkaan.

Wadamo badan oo aduunka ah ayaa la tacaalaya cudurkaan, waxaana ugu badan wadamada dunida sadexaad oo ay Africa ka mid tahay. Wadamada la is dhihi karo si aad ah ayuu ugu faafayaa fayraska dhaliya cudurkaan ayaa waxaa ka mid ah soomaaliya maadaama aysan ka jirin wacyi galin iyo talaal joogta ah. Taasi waxay sababtay in boqolaal soomaali ah ay la il daranyihiin xanuunkaan, ayna jiifaaan hosbitaalada, mana jiraan inta badan wax caawinaad ah oo ay helaan dadkaas, balse waxaa la is dhihi karaa dhakhaatiirta soomaaliyeed ee dalka Pakistan waa iftiin u soo baxay umma soomaaliyeed, waxaana laga rajo qabaa inay wax badan ka tari doonaan ama ka qabandoonaan xaaladaha caafimaad xumo ee ka jira soomaaliya.

Diyariye:

Durran Xassan-yare

Karachi, Pakistan.

duraanhassan530@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: