Baarlaamanada Afrika oo Kalfadhigii 11aad maanta uga furmay magaalada
Johannesbrug ee Dalka Koonfur Afrika iyo Jaaliyada SASA la shirtay
Madaxwaynaha Baarlamaanka Waxaa maanta barqanimadii ka furmey shirkii baarlamaanada afrika ee PAN
AFRICAN PARLIAMENT oo xaruntiisu ku taala Xafada Midrand ee Magaalada
Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika Shir Madaxeedkaasi oo ahaa kii
11aad ee golaha baarlamaanka wadamadama Afrika ee Pan African Parlimant.
Abaarihii Saacada Koonfur Afrika 11:00 Marki la gaarey ayaa waxaa si
Official ah Madasha shirka ugu soo dhaweysey Madaxwaynaha Ghana Mr John
Kofuor Marwada Madaxda ka ah Goloha Barlamaanada Afrika Marwo. Getrude
Mongela So dhaweyn ka dib Madaxwaynaha ayaa Madasha shirka ka jeediyey
qudbad hal saac qaadatay oo dhinacyo baddan taabanaysay, arimihi ugu
muhiimsanaa ee qudbadiisa ku jirayna ayaa ahayd arrimaha Dhaqaalaha
Qaarada oo aad uga hadlay samaynta uu ku yeeshay sicir bararka aduunka
ka tagan oo aan wali xal loo helin iyo xasilooni darida wadamada qaarada
qaarkood, oo uu dhowr jeer kusoo celcelshey sida Soomaaliya iyo Darfur ,
wuxuu sheegey in ay tahay in qaarada ay go’aan mideysan ka qaadato
arrimaha Soomaaliya, lana garab istaagto Dawlada wixii taageero ah iyo
samoto bixin ah.
Ajandaha shirka sanadkani Golaha Barlamaanada Afrika ayaa waxaa diirada
lagu saari doonaa arimo badan oo ka mid ah arimaha dhaqaalaha ee qaarada
afrika iyo arrimaha amaanka iyo guud ahaan xaslidoonida qaaradaani,
wadamada muhiimada baddan la siinayana waxaa ka mid ah Soomaaliya,
gobolka Darfur, Congo, iyo meelo kale oo qaarada ka mid ah.
Qodobadaha Ajandayaasha Shirka looga hadlayo kaliya mahan dhinaca
dagaalada qaarada soo hareeyey ee waxaa kale oo madasha shirka looga
hadli doonaa dhaqaala xumida qaarada iyo sidii loo heli lahaa kabayaal
dhaqaale.

Xildhibaano ka mid ah Xildhibaanada Goloha barlamaanka Dawlada Sheekh
Shariif Sh Axmed oo ay ka mid yihin Xildhibaan Ibraahin Xabeeb Nuur iyo
Xildhibaan Cabdi Fataax Sheekh Ibraahin Rashiid ayaa mar aan kula
kulanay aniga iyo wariye Axmed Xuseen Cali (Shakti) ayaa noo sheegey in
uu wax weyn ka filayo shirkaani barlamaanada afrika ee sanadaani,
inkastoo aysan ahaan doonin buu yiri sanadadii hore ee la soo dhaafey oo
muhiimad gaar ah u lahayd xaalada dalka soomaaliya, taasna waxaa uu ku
micneeyey in ajandaha sanadkaan diirada lagu saari doono kaabayaasha
dhaqaale ee qaarada Madaama buu yiri sanadkasta la soo qorsheeyo waxii
looga wada hadli lahaa, waxay kaloo ay noo sheegeen inay jiraan
xildhibaano ka soo qaybgali doona ayna ka mid yihin xildhibaan Cabdi
Cusmaan Jini Boqor, Sareedo Maxamed Cabdalle iyo xildhibaan Farax Ismail
oo dhamaantoodba la filayo inay maalinimada barito ah ay si toos ah isoo
xaadiraan waxaa sidoo kale iyana xusid mudan inuu isna meesha madasha
shirka ka dhacayo oo goob joog ahaa Mudane Ambasador Maxamed Carab kuna
magac dheer Ambasador Testo o soomaalida qaxootiga ku ah dalkani koonfur
afrika macruuf ka ah una muuqday mid xildhibaanada ku soo dhaweeyey
Dalkaani.
Waxaa sidoo kale shirka joogey Jaaliyada Soomaalida koonfur afrika ee
Somali Association Of South Africa (SASA) iyadoo jaaliyadu ka heshey
Casuumaad gaar ah Madaxda Golaha Barlamaanada Afrika Marwo. Getrude
Mongela oo si khaas ah ula kulantey Madaxa Jaaliyada Soomaaliyeed Ee
Koonfur Afrika Mr Axmed Dawlo si ay xaalada soomaaliya wax uga ogaato.
Kulankii dhaxmarey Madax Jaaliyada iyo Madaxa Golaha Barlamaanada Afrika
ayaa ah mid ay ku oganeysey Mrs.Getrude Mongela Waxa ka soconaya
Soomaaliya siiba arimaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen waxaa ka mid
ahaa xaalada amni ee ugu danbaysay ee dalku ku sugan yahay. Mudane Dawlo
ayaa Madaxwaynaha u sheegay in haddii Soomaaliya laga dayn lahaa fara
galinta shisheeye ay Soomaalidu waa hore heshiin lahaayeen ama kooxi ay
dagaalka ku adkaan lahayd. "Fara galinta Shisheeyuhu waxay mar walba isu
dheeli tirtaa awooda iyadoo ay dhacdo inaan la kala adkaanin ee dagaalku
waligii sii socdo halkaasna shacabku uun uu ku le’do" ayuu hadalkii ku
daray Axmed Dawlo.

"Dawladaha darisku kama shaqeeyaan maslaxada Soomaaliya, Baarlamaanka
Afrika u idishahayna hadduu doonayo in nabadi ka aslaaxdo Soomaaliya waa
in Ethiopia iyo Kenya loo sheegaa inay faraha kala baxaan arimaha
daakhiliga ah ee Soomaaliya" ayuu yiri Dawlo.

sidoo kale Waxaa shirka joogey xildhibaano ka socday dalka Jabuuti oo
saxaafada goobta ugu waramay, waxaya sheegeen in ajandaha uu ku jirro in
laga wada hadlo xad gudubka dhanka xuduuda ah ee dalka Eritrea ee
weerarka kusoo qaaday Jabuuti iyo sidoo kale xildhibaano ka socday dalka
ethiopia kuwaasoo ay ka mid ahay gabadh soomaali ah oo magaceeda igu
sheegtey mar aan kula kulmay madasha dhaxdeeda xildhibaanad canab
cabdikaadir Axmed.

Si kasta ha ahaatee Shirka maanta Furmay Magaalada Johannesbrug ayaa
waxaay dad badan is-leeyihiin oo ay isweydiinayaa waxaa ka soo bixi
donoo iyo sida wax looga qaban kara dhibaatooyinka ha ahaato mid
dhaqaale ama mid huminiterain ah ee ka aloosan dalalka Geeska Afrika oo
la dagay Dagaalo iyo Gaajo kuwaas oo laga magacaabi karo Ethiopiya,
Soomaaliya, Jabuti iyo Eritrea, sudaan iyo qaarada inteeda kale,
shirkaanina waxa uu socon doonaa ilaa 29 da bisha May ee sanadkani 2009.
Waxaana idiin soo gudbin doonaa wareyso maqal ah oo aan idin ka soo
qaadno xildhibaanada maalmahan soo socda insha allaah.
MOHAMED ISMAIL
Somalitalk.com
Koonfur Afrika