SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
18 May 2009.


Odayaasha iyo waxgaradka Ogadenya oo ciidamada gumaysiga Itoobiya ka diiday
inay maleeshiyaad cusub soo uruuriyaan.

Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada nacabka ah ee Gumaysiga Itoobiya.

Xaflad lagu soo bandhigay Hidaha iyo dhaqanka Ogadenya oo ka dhacday Sweden.

Duqa Magaalada Northampton(U.K) oo qabtay xaflad deeq dhaqaale loogu ruurinayay dadka ku tabaalaysan Ogadenya.

Shirkada shidaalka baadha ee Petrones oo doonaysan inay shidaal ka qodo Ogadenya.

======================

Odayaasha iyo waxgaradka Ogadenya oo ciidamada gumaysiga Itoobiya ka diiday
inay maleeshiyaad cusub soo uruuriyaan.


Wararka naga soo gaadhay Magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in ciidamada milatariga gumaysiga Itoobiya ee ka howlgala Qabridahare ay soo ururiyeen Duqayda magaalada waxayna ku amreen inay soo uruuriyaan maleeshiyaad iyo raashinkii lagu howlgalin lahaa si looga horgeeyo ciidanka xoreynta Ogadenya,Odayaasha magaalada Qabridahare ayaa si cad oo aan ka leexleexasho lahayn u diiday .

Sidoo kale duqayda gobolka Afdheer ayaa iyagana lagu amray inay keenaan Ciidan la dagaalama Cwxo iyo Raashinkiisii taas oo ay iyana diideen, kadib waxaa xadhig loo taxaabay Duaqay iyo Ugaasyo badan.

Tuulada Fashuuq oo ka tirsan degmada Godcusb ee gobolka Afdheer dagaal ka Dhacay 03 ilaa 09-05-09 ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 10 wayaane halka lagaga dhaawacay 17 kale.

04/05/09 Af-cad oo ka tirsan degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer dagaal ku dhex maray ciidanka qalabka sida ee Ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa ciidanka nacabka lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 6 kale.

05/05/09 Deegaanka Fiiqane ee degmada Ceelkarri dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 6 kale.

Deegaanka Qolda ee gobolka Garbo weerar xoog leh oo ay ciidamada xoreynta Ogadenya ku qaadeen ciidan gumaysi oo galkaas ku sugnaa ayay kaga dileen 24 wayaane waxaana lagu dhaawacay 10 kale .

Dhanka gobolka Jarar wararka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in habeen hore ay ciidanka Jabhada waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya weerar mir ah ku ekeeyeen xero ciidan oo ay Wayaanuhu ka daganyihiin magaalada Dig.

Sida warku sheegayo waxaa halkaas oo lagaga dilay ciidamada wayaanaha 7 askari. Ddagaalkaas ayaa sababay inay ciidamada Wayaanuhu ka guuraan magaalada Dig, iyaga oo dagay meesha lagu magacaabo Wargaadsan.

CXO ayaa Ciidamada Wayaanah kaga daba tigey Wargaadsan, halkaas oo ciidankii Wayaanaha gabi ahantood cagta lamariyay.

Deegaanka Girgir ee gobolka Jarar dagaal ay ciidanka qalabka sida ee Ogadenya ku qaadeen ciidanka isu keen keenka ah ee gumaysiga 10/05/09 ayay kaga dileen 30 wayaane halka dhaawucuna uu kor udhaafay 50 askari,shacabka dagan deegaankaas ayaa Radio Xoriyo u sheegay inay arkeen qaar kamid ah ciidankii wayaanaha oo si habqan ah u cararaya.

Xaflad lagu soo bandhigay Hidaha iyo dhaqanka Ogadenya oo ka dhacday Sweden.



Magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden ayaa lagu qabtay bandhig dhaqameed ay si wada jir ah u soo abaabuleen Jaaliyada Ogadeniya, ururka dhalinyarada ee OSF-SWDEN, iyo ururka hooyooyinka ee reer Ogadenia ee wadankaasi Sweden habeenimadii sabtidii lasoo dhaafay. bandhigaas oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo isugu jiray shacabka S/ogadenya iyo Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa loogu magic daray "habeenkii dhaqanka iyo dhalinyarada Ogadeniya."

Ujeedada loo qabtay bandhig dhaqmeedkaas ayaa ahaa sidii dhalinyarada qurbaha ku barbaartay loo bari lahaa hidaha iyo dhaqanka dhulkoodii hooyo.

Wakiil jwxo ee wadanka Sweden mudane Cabdinaasir Gadhweyne ayaa bandhigaas kasoo jeediyey hadalo kooban oo uu ku sharaxayay "in umad walbaa leedahay dhaqan ay ka soo gaadheen awow ka awow. Sidaa darteed ay lamgama maarmaan tahay in aan dhalinyarada qurbaha ku kortay aan barno dhaqankeena si ay iyaguna bari ugu gudbiyaan jiilka soo koraya." Waxa kale oo uu sheegay mudanen Abdinasir in aan kaga duwanahay umadaha kale guumayiga madaw ee dhulkeenii haysta oo aan nahay umad guumaysi ku nool. Sidaa daraadeed waxaa lama huraan ah in aan barno da yarta soo koraysa dhaqankeena si ay naan u noqon umad dhaqan guurta ama dhaqankeedu baabbo o.

Ururka dhalinyarada Ogadenya ee Sweden ayaa masraxa kusoo bandhigay ciyaaro kala nooc nooc ah oo ay ummaada Ogadenya hido iyo dhaqan waxayna halkaas ku soo bandhigeen dhaanto iyo geeraaro qiiro wadaninimo ku reebay dad weynihii daawanayey oo in tay is hayn kari waayeen dhamaantood ku daatay masraxii dhinacana ka galay ciyaarihii.


Shirkada shidaalka baadha ee Petrones oo doonaysan inay shidaal ka qodo Ogadenya.



Shirkada saliida iyo gaaska ee wadanka Malaysia ee la yidhaahdo Petronas ayaa dib Itoobiya uga bilawday mashariicda baadhista Shidaalka oo ay horay hakkad ugalisay kadib markii 74 shaqaale ah oo ay kamid yihiin 9-shiinays ah lugudilay tuulada Cobale ee gobolka Jarar.

Wafti heer-sare ah oo kasocda shirkadan,ayaa todobaadkii inaga tagay Addis Abeba kulan kulayeeshay sarakiil katirsan wasaarada Tamarta iyo macdanta ee Itoobiya.

Ilo lagu kalsoonyahay,ayaa usheegay wargayska reporter, in waftiga Malaysian ka ahi ay xaqiijiyeen wasiirka macdanta iyo tamarta ee Itoobiya,Alemayehhu Tegenu iyo madax kale oo katirsan wasaarada oo uu kamid yahay,madaxa waaxda Batroolka Dr Ketsela Tadesse inay hirgaliyaan mashruuca baadhida shidaalka dooxooyinka Ogaden iyo Gambella.

Hawl-wadeenada shirkada Petronas ayaa waxay cadeyeen siday diyaarka uguyihiin siiwadida hawlaha mashaariicda baadhida shidaalka.

Petronas ayaa hashiis lagashay shirkad saldhigeedu yahay Dubai oo lagu magacaabo Weather Ford.
Illo wareed aad ugu dhow shirkadaas ayaa war-gayska Reporter u sheegay in shirkada Weather Ford ay Ogolaatay in ay ceelal shidaal ka qoddo Ganaane(Genale Block 11 iyo 15) Waxayna bilowday shirkadaas la yidhaahdo Weather Ford in ay dal-dasho shaqaalihii iyo qalabkii hawsha lagu qabanlahaa. Weather Ford ayaa waxay hawlo baadhis shidaal iyo gaas kawadaa Bariga Dhexe.

Sanadkii 2004 ayaa shirkada Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB) oo shiinays ah ayaa waxaa qandaraas siiyay Petronas si ay baadhis ugu samayso iyo inay ka qoddo ceelal shidaal Gobolka Gambella “Block” AAGAG ay iska leedahay Petronas oo kufadhiya baaxad dhuleed dhan16,000 sq.Km . Bishi June2003 ZPEB ayaa waxay baadhis warbixin ka uruurisay dhula kufadhiya baaxad dhan 1500km.

Sanadkii 2005-tii ayay shirkada ZPEB ayay ceelkii ugu horeeyay ka qoday agagaarka Jikow oo 175 Km ujirtaa xuduuda Itoobiya iyo Sudan.
Dhinaca kale,isla sanadkaas Petronas waxay heshiis kulagashay shirkada ZPEB in ay baadhid kasamayso Ogadenya. Bishii Luuliyo 2005,Petronas ayaa waxay ku guulaysatay in ay hesho saddex aag oo Ogadeenya kamid ah-Aaga Ganaane (24,420 sq.Km,Qalaafe 30612 sq.Km iyo Walwaal-wardheer 36,796 sq.Km. Sanadkii 2006 ZPEB waxay bilawday inay daraaso kusamayso saddexdaas aag.

Oktoobar 2006, South West Energy waxay qandaraas siisay ZPEB in ay daraaso ugu samayso wadanka Ogaden.

South West Energy, shirkadan oo uu leeyahay nin ganacsada ah, oo udhashay Itoobiya ayaa ku guulaysatay Disembar 2005 in ay shidaal ka qoddo agaa dhagaxbuur dhul dhan 21,187 sq.Km Janaayo 2007,ZPEB ayaa waxay hawlaha badhitaanka kabilawday agaaga dhagaxbuur.Abriil 2007 Jabhada Waddaniga ah ee Xoraynta Ogadeenya ayaa waxay weerar ku qaaday Cobale oo kutaala gobolka Dagaxbuur ee Ogadenya.Waxaa goobta kunaf waayay 74-ay kujiraan 9 udhalatay waddanka shiinaha.

Ciidanka qalabka sida ee xoreyta Ogadenya ayaa digniin kama dambays ah u diray shirkadaha weli damaacigu kaga jiro inay shidaal ka qodaan ogadenya,waxayna ciidanka qalabka sida wacad kumareen inaan koob gaas ag laga qaadin dhulka Ogadenya inta shacabkii lahaa dulman yahay ee ay ka xoroobayaan,digniinahan ay ciidanka qalabka sidaa soo jeedinayaan ayaa farriin dhab ah u noqonaysa shirkada iyo shaqaalaha lagusoo daabulayo ogadenya si ay shidaal uga baadhaan ama uga qodaanba. (Akhri Halkan)

Duqa Magaalada Northampton(U.K) oo qabtay xaflad deeq dhaqaale loogu ruurinayay dadka ku tabaalaysan Ogadenya.


Xaflad deeq loogu aruurinayay dadka ku tabaalaysan dalka Ogadenia ayaa lagu qabtay 16-05-09 magaalada Northampton ee wadanka Uk.
Waxaa ka soo qayb galley xafladda dad fara badan oo isugu jira jaaliyadaha Somalida Ogadenia iyo ajaanib fara badan oo ay ku jireen masuuliyiin badan oo ka kala socotay
dawlada Uk & hayado caalami ah kuwaasoo ay ka mid ahaayeen;

Duqa magaalada Northampton Consolar Brian Markham , waxaa kaloo fadhiyay Consolar Tony, Mss Niklo oo ah Amnest Inter national madaxa Badhtamaha iyo Bariga Afrika, Mss Sally Keble oo ah mudane Baarlamaanka Britain. Waxaa kaloo fadhiyay Northampton Comisioner Police iyo masuuliyiin kale oo fara baddan.

Xafladan oo ahayd soo bandhigid dactiyada uu gumaysigu ku hayo shacbiga Somalida Ogadenia isla markaana deeq loogu aruurinayay shacabkanaga ku tabaalaysan halkaa ayaa Waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada Somalida Ogadenia ee Northampton gaar ahaan gudoomiyaha jaaliyada Halgame Mujaahid Sh Ibraahim iyo Ku-xigeenkiisa Halgame Hassan Faraah.

Halgame C/ shukri Omar oo ah xubin ka tirsan dhalinyarta OSF Uk oo bari dhawayd socdaal ku tagay Geeska Africa soona arkay dhibatada cadawgu ku hayo shacbiga Ogadenia Iyaa filim qiiro leh ku tusay dadkii fadhiyay xafladda. Filimadaa documentary-ga ah ayay madaxdii shirka joogtay aad uga qiiroodeen, iyagoo khudbado ka jeediyay goobta. Hadaladoodii ayaa waxay isugu jireen kuwa waxyaabo badan taabanaya oo meela baddana ifinaya lagana fahmi karo.

Waxay shir gaar ahaaneed la qaateen xubnaha ugu sareeya jaaliyada Uk kadib markay arkeen dhibaatada shacabka Ogadenya lagu hayo una bogeen heerka iyo kaalinta uu gaaray halganka shacbiga Somalida Ogadenia ku raadinayaan xuquuqdooda.

Waxaa la yaab lahayd inuu duqa magaaladu bac la dhax maray dadka si ay wax ugu
tabarucaan halka ay Amnesty gabadhii matalaysay sheegtay inay filimkan gayn doonto meelo badan wax badana uu kordhin doono aakhirkana sharciga la horkeeni doono dadka masuulka ka ah danbiyadan.

Mss Sally kablle MP ayaa tiri; “waan ka xumahay dhibaatadan laakiin waxaan idiin sheegayaa inaydaan kuwaari doonin balse waa inaad balanqaadaan inaad dalka u maamuli doontaan sida Konfur Africa oo ah qorax u soo baxday Africa idina waa inaad noqotaan dayax u soo baxay Africa.

Bil kahor ayay ahayd markii maamulka ugu sareeya ee ururka dhalinyarada ogadenia OYL ay hadiyad gudoonsiiyeen duqa magaalada Northampton iyagoo gudoonsiiyay calanka ogadenia halkaas ayuuu duquna ku balanqaaday inuu calanka ogadenia maalin uga taagi doono magaalada Northampton si uu ugu muujiyo shacbiga ogadenia sida uu uga xunyahay calankooda xaqdarada uga maqan.


18 May 2009

Cabdinuur Sh. MaxamedHalgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Talk to Jazeera - Sheikh Sharif Sheikh Ahmed - 15 Apr 07

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: