SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maamulka Somaliland Tusaale ku dayasho Mudan

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna waxaa dhammaan akhristayaasha sharafta iska leh leeyahay iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).

Akhristow qormadan ugama hadlayo jaanibka siyaasadeed ee ku aadan gooni u go’a Somaliland, oo taasi waa mid u taal Soomali weyn. Arinta aan halkan uga hadlayaa waa Ummadda reer Soomaaliland sidii ay u maareeyeen noloshooda ugana gaareen runtii horumar wanaagsan. Somaliland waxaa runtii ka jira Amni iyo nabad ballaaran oo runtii u suurto galisay inay noloshoodi ay dhinac walbaa ka sameeyaan horumar. Waxaad arkeysaa inay ka hormareen xagga siyaasadda, waxbarashada, caafimaadka iyo waliba arimaha bulshada. Waxaad arkeysaa magaalooyinka Soomaaliland inay sameynayaan horumar, iyagoo uu ka socda dhismayaal casri ah.

Sidoo kale arimaha xusida mudan ee u baahan in looga daydo reer Soomaaliland waa xagga waddaniyada, oo qof walboo u dhashay deegaamada Soomaliland waxaad arkeysaa in uu jecelyahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa horumarka dhulkiisa. Waxaa kaloo iyaduna ammaan iska leh sida ay reer Soomaaliland ay qurbjoogtoodu ugu xiran yihiin dalkooda oo ay had iyo jeer jecel yihiin inay dalkooda si toos ah iyo si dadban ba uga qeybqaataan horumarkiisa.

Anigoo fursadan ka faa’ideysanayo ayaan leeyahay maamulka reer Soomali land hambalyo, oo allaha idiin saa’idiyo horumarka la taaban karo ee aad gaarteen. Soomaalida kalena waxaan leeyahay kaga dayda Somaliland horumarka iyo nabadda ay ku tallaabsadeen, oo walaalka la jecloow wanaaga u gaaray uguna hamblayeey.

Sidoo kale waxaan fursaddan uga faa’ideysanayaa in aan allaah uga baryo in uu Soomaaliya ka dulqaado dhibaatada ku habsatay, oo uu allaah naga joojiyo dagaaladan soo noqnoqday ee bilaa ujeedada ah.

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK

saicentadv@yahoo.com

Talk to Jazeera - Sheikh Sharif Sheikh Ahmed - 15 Apr 07

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: