Hay'adda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed
(SOYDEN) ayaa Jimcihii la soo dhaafay tababar ugu soo xirtay
Muqdisho arday bartay saxaafadda oo isugu jira gabdho iyo wiilal.
Sawirada Halkan ka daawo...
Xaflad ay ha'yaddu si heer sare ah loo soo agaasintay ayna kasoo
qaybgaleen xubno ka socday dowladda Somalia, Hay'addaha Bulshada
rayidka iyo mas'uuliyiin kale laguna maamuusayay qalinjabintan iyo
sannadguuradii 66-aad ee kasoo wareegtay Aasaaska SYL 1943, ayaa
lagu qabtay Hotelka Saxafi.
Ardayda Qalinjabisay ayaa isugu jiray 20-gabdhood iyo 44-wiil,
waxaana la guddoonsiiyay shahaadooyin ka marqaati kaca aqoonta ay
barteen iyadoo aad ay ula dardaarmeen mas'uuliyiintii xafladda ka
hadlay.
Guddoomiyaha hay'adda SOYDEN Cismaan Muxyadiin Macallin (Shaatax) oo
hadal ka jeediyay munaasabadahan la isku dhafay ayaa dhallinyarada
Soomaaliyeed ku boorriyya inay u istaagaan nabadeynta dalkooda,
maadaama ay yihiin kuwo aqoon leh.
"Dhallinyaradii SYL waxay ahaayeen 13-wiil oo aan lahayn aqoon
wanaagsan, isla markaana haysan fursadaha maanta la haysto oo kale,
waxay ku guulaysteen inay dalka xornimo gaarsiiyaan, haddaba
dhallinyarada Maanta oo leh aqoon iyo xikmad, waa inay mideeyaan
fikirkooda si ay dalka uga saaraan dagaalada socday 18-ka sano" ayuu
yiri Cismaan Shaatax.
Mas'uulkan ayaa sidoo kale kula dardaarmay saxafiyiinta ay hay'addu
u dhameytay tababarka saxaafadeed oo socday 3-bilood inay wax ka
badalaan xaaladda warbaahinta dalka marka ay ku biiraan qaybaha
warbaahinta.
C/naasir Yuusuf Macallin oo ah madaxa hay'adda PEN laanta koonfurta
Somalia ayaa isaguna hadal ka jeediyay xafladda isagoo si gaar ah
diiradda u saaray ardayda qalinjabisay, wuxuuna kula dardaarmay
inaysan cilmigooda ku ekeyn oo keliya warbaahinta, balse ay alifaan
buugaag iyo qormooyin kale oo dalka wax u taraya.
"Saxaafadda kuma eka oo keliya idaacadaha, Somali Pen waxay qayb ka
tahay saxaafadda, waxayna u baahan tahay jiil dadaala oo soo saara
buugaag wax ka badali kara wadciga xilligan ee dalka" ayuu yiri
C/naasir Ganey.
Agaasimaha arrimaha bulshada iyo xiriirka saxaafadda wasaaradda
wafaafinta Somalia Yuusuf Cali Cusmaan oo isaguna hadal kooban ka
jeediyay xafladda ayaa sheegay in saxafiyiinta tababarka dhameystay
looga baahan yahay inay aqoontooda ku dabaqaan shaqada ay
qabanayaan.
Suxufiyiinta tababarka dhameystay ayaa waxay soo bandhigeen ruwaayad
ka hadlaysa saxaafadda Somalida, taasoo magac looga dhigay MAXAA
KHALDAN, kana hadlaysay saxaafadda curdanka ah ee ka howlgasha
Somalia.
Mas'uul ku hadlay magaca idaacadaha ka howlgala Muqdisho kana mid ah
mas'uuliyiinta Idaacadda Hornafrik Axmed C/raxmaan Jaakad, ayaa kula
dardaarmay suxufiyiinta tababarka dhameystay inay aqoontooda
muujiyaan, kana howlgalaan warbaahinta qaybaheeda.
Xafladda ayaa waxay kusoo gabgabowday jawi farxadeed, iyadoo arday
walba la guddoonsiiyay shahaadii muujinaysay inuu saddex bilood
baranayay qaybaha kala duwan ee saxaafadda.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay'adda isku xirka iyo
horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed (SOYDEN) ay tababar u qabato
dhalinyaro baranayay saxaafadda, balse dhowr jeer hore ayay tiro
suxufiyiin ah soo saartay.
amiin yuusuf khasaaro <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>