SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ISBADALKI PUNTLAND MA DHABOOBAY MISE WAA DHICISOOBAY

Waxay saadashu tilmamaysay horaantii sanadkaan 2009 in maamul goboleedka puntland laga hir galiyo is badal buuxa oo taaba gal ah kasoo ahaa balan qaadyadii kala duwanaa ee kasoo baxayey ragii loolanka ugu jiray inay ku guulaystaan doorashada maamulkaas, sidoo kale waxaa oon baŽani u hayey is badal in la helo bulshada ku dhaqan gobolada puntland, Hadaba marka la isku lamaaniyo baahida dadku u qabeen is badal iyo balanqaadyadii xiligii dorashooyinka maxaa ka hir galay?

Sicad waxaa loo odhan karaa madaxwaynaha puntland cabadirahman faroole inuu ahaa ragii sida dheer usoo bandhigay qorshihiisa wax qabad ee ku aadan dowlad goboledka puntland iyo waliba inuu ku nuux nuuxaday inuu wax wayn ka badali doono maamulka habasanaantu la hartay lakin nasiib daro waxaa noqtay ilaa iyo hada in aan madaxwaynu iyo maamulkisu soo kordhin wax la taban karo ama lagu xusi karo wax qabad waxaa sidoo kale aad u sii daciifaya amaanka gobolada puntland.

Dadka dhegaysta ama falanqeeya arimaha siyaasada somaliya guud ahaan gaara ahaana maamul gobleedyada ka jira somaliay ayaa sheegaya intooda badani in dowlada cabdirahaman faroole aysan ka leexan raadkii hogaamiyashi hore oo ahaa kuwa lagu tilmaamo habacsanaan iyo wax qabad laáan waxaan inta badan dadka afkooda ka dhan dhansanaysaa in baahidii is badal ee la qabay ay meesha ka baxday isla markaana maamulku isugu biya shubtay in nin walbaa arimihiisa shakhsi ahaaneed hoosta ka wato, oo ay mesha ka soo baxdo hadal ah IS BADALKII DHICISOOBAY.iyadoo hore tariikhda somaliya loogu hayey INQILAABKII DHICISOOBAY.

SuŽaasha meesha taalaa waxay tahay maxaa la gudboon dadka reer puntland mar hadii fashil ka muuqday maamulki loo hanka waynaa?

Mar hadii ay meesha ka soo baxday natiija xun ee natusinaysa in lagu hungoobay maamulkaan uuna qaaday majarihii qaloocnaa ee maamuladii ka horeyey waxaa taladu tahay in qof walbaa masuuliyad isaga saaro sidii looga saari lahaa maamulka habacsanaanta iyo sidii looga takhalusi lahaa dadka majarahabaabinta ku haya puntland oo aan wax wax qabad ah ku qaban,cashuurta dadka laga qaado.Habadaba is waydintu waxay tahay markale habkee ugu sahlan oo loola dagaalami karaa maamulada wax qabad laáanta u saaxiibka ah.

Waxaan marnaba caqli ahayn in dagaal hubaysan lala galo dadka horjooga yaasha ah ee madaxda ah ilaa ay ka dhega adaygaan wanaaga kasoo yeeraya bulshada ay horjoogaha ka yihiin,, waxaa natiija wax ku ool ah dhalinaysa in hab nabadeed lagu dayo in wax loogu sheego raga howl wadeenada ka ah maamulka puntland iyo waliba in loo adeegsado saxaafada madaxa banaan iyo in la abuuro ururo dhalinyaro oo sameya wacyi galin.

Hadii talabooyin nabadeed oo wax ku ool ah ay qadaan bulshada rayad ka ah ee puntland waxaa si sahlan u dhamanaysa in uu dadka isa soo hor istaago shaksi cadadiisu tahay in uu u dhigto afka cashuurta dadka ina ka buuxado jeebabka iyo Bank giyo shisheeye.Marka wixii hirgalin talaaboyinkaan ku aadan waa mid u taala dadka reer puntland ee wanaaga jecel waana mid iyaga la gudbon sidii ay isaga saari lahaayeen dadka danoohada gaarka ah u jooga puntland.taasina wa tan qudha ee xiligaan wax lagaga badali karo hogaanka talinaya oo ah mid mudan in runtii si cad oo badhedhe ah dhegaha wax loogu sheego si aysan meeshu unoqon hal lama midigle dheelmay dhana uma banaana.
wa bilaahi towfiiq

Said Oman Mohamed
Helsinki-Finland

loyal_25@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: