Wariyayaasha ku Sugan Goobaha Dagaalka iyo Anshaxa Saxaafada (Talo soo
jeedin)
Qore: C/nuur Maxamed Axmed
nobleman254@hotmail.com
Qoraalkan aadka u kooban waxaan ugu
tala galay oo kaliya inaan talo usoo jeediyo saxafiyiinta, sawir
qaadayaasha, iyo Tifaftirayaasha saxaafada socod baradka ah ee
somalia ee ku shaqeeynaayo xaalado aad u dhib badan iyo duruufa ay
adagtahay in saxaafadu ku kobocdo misna ka guul gaadho hadafka ay
higsanayso oo ah in dadka laga haqab tiro warar, faalloyin, iyo maqaalo
ka turjumaya waxa ka socda dalka. Qoraalka maha mid ku socda Baraha
internet ka iyo Wargaysyada u adeega danaha kooxo gaar ah.
Maalmihii la soo dhaafayay qurba joogta
Soomaalida waxay garwaaqsatay muhimada qalabka wabahinta u leeyahay
bulshada wargalinteeda. Waxay isha ku hayeen daqiiqad kasta waxa baraha
internetka ugu afka dheer kuwa Somalida ka qoraan dagaalka siyaasada
daba ku hayo ee dalka ka qarxay.
Soo tabinta dagaalka iyo xaqiiqda
dhabta ah ee meesha ka jirta looma simanayn. Saxaafada qaar waxay ahayd
kuwa usoo gudbinaayo dadka gobaha dagaalka ka dheer jooga sawir macne u
samaynaayo . maxaa dhacay? Yaa ku hardamaya dagaalka? labada dhinac
meeqaa ka dhimatay? Maxaa dhaawac ah? Dhul intee la eg ayaa lagu kala
qabsaday? Dadka Rayidka ah maxaa khasaare ah oo soo gaaray? Yaase looga
itaal roonaaday dagaalkan culimada waa wayn ee soomaaliyeed ku sheegtay
mid fitna ah?
kuwa kale ayaa bilaabay inay lumiyaan
dhexdhexaadnimadii saxaafada looga bartay iyaga oo siyaabo kala duwan
ula kala saftay kooxo gaar ah taasi oo macnaheedu yahay qarinta jabka
kooxdu u webkaa sida gaarka ah u taageero iyo buunbuuninta jabka
kooxda kale haleelay. Meeqa Murtad ayaa bakhtiyay? Maxaa ka shihiiday
koox hebel? Iyo ereyo kale oo an haboonayn in xilligan lagu hadaaqo.
Aan usoo dago biya dhaca qormadan aan
ugu magac daray “TALO SOO JEEDIN” ee ku socota bahda ku lug leh
warbaahinta dalkeena hooyo. Intii dagaalkan Muqdisho ka qarxay bilowday
waxay saxaafada soo bandhigaysay sawirro naxdin leh kuwaa oo aan
saluugay soo bandhigidooda. Waxaan arkay wiil Soomaaliyeed oo xiran
dharka ciidanka dawlada oo loogu yeeraayo “MURTAD”. Waxan arkay
mid kale oo cimaamad wato oo la bahdilaayo. Iyada oo aan ognahay ka
saxaafad ahaan dagaalkani yahay mid hooyo Soomaaliyeed ku gablamayso
wiilasheenana ay ku dhimanayaan ayaan hadana u bareernay inaan maydkiisa
oo yaal goobta dagaalka Kaamarad la raacno oo Sawiro naxdin leh ka soo
qaadno.
Intii uu bilowday isticmaalka aaladan
sawirada lagu qaado mawduucan waa mid dunida oo dhan lagu kala
qaybsanyahay. Saxafiyiin waa wayn ayaa qaba in dadku xaq u leeyihiin
inay ogaadaan wax kasta oo dhacaayo saxafiguna xaq uleeyahay inuu dadka
usoo bandhigo waxa uu shakhsi ahaan la kulmay. Kuwa kale ayaa qaba
inaysan anshax ahaan haboonayn sawirka mayd yaalo goob dagaal in la
qaado.
Wariyayaal badan oo ku dhiiraday falkan
xilliyadii Maraykanku ku jiray dagaalkii 2aad ee dunida, kii Vietnam,
iyo kan hada ka socda dalka Ciraaq iyo Afghanistan waxay la kulmeen
canbaarayn ba’an, qaarkoodna waxaa lagu abaal mariyay in lagu magacaabo
khaa’inul wadaniyiin. Kuwa ayaa ku mutaystay in loogu hanjabo dil.
Dadwaynaha Maraykanku waxa ka
simanaayeen marka laga reebo tiro aan badnayn in hal meel looga soo wada
jeesto sawir qaadihii soo sawira gabdho iyo wiilal xiran direyska
ciidanka Maraykanka, gudanayana waajib dalkiisa ka saaran.
Anshaxa saxaafada waa muhiim waana udub
ka mid ah tiirasha ay ku taagantahay saxaafada casriga ah sidaa
daraadeed waxaan rabaa inaan mid mid ula hadlo sadexda kooxood ee aan
kor kusoo xusay oo aan isleeyahay way baajin karaan in sawirradan
foosha xun bulshada la dhex keeno.
Mudane Sawir-qaade aniga oo
ogsoon in aad xaq uleedahay qaadida sawir kasta oo aad u aragto mid
bulshada anfacaayo, sharciga saxaafadana ku siinaayo xuriyad kaamil ah
oo aad ku duubi karto kuna qaadi karto sawir kasta oo aan diinta ka hor
imaanayn waxaa haboon inaad iswaydiiso inta aadan sawirin maydka yaalo
furinta dagaalk waxii aad ka samayn lahayd hadii qofkani yahay mid aad
taqaano waliba kuwayn qalbigaaga. Waxa aad samayn lahayd hadii qof kani
yahay mid kamid ah eheladaada kuwa aad ugu jeceshahay. Waxaan filayaa in
jawaabtu maya tahay.
Hadii aad tahay qof qadarinaayo
quluubta dadka uu ka geeriyooday qofkan dagaalka ku dhintay ama aqoonta
gaar ahaaneed uleh waxaa kuu soo baxaayo inaysan haboonayn inaad murugo
galiso quluubtooda. Sidaa daraadeed ka dheeroow inaad wiil Soomaaliyeed
oo maysdf ah sawirkiisa soo qaado si dadku u daawadaan.
Mudane Wariye maadaama hawshaadu
tahay mid nagu wayn, dhagtana aan u taagayno jabaqda kaa soo yeeri
doonta daqiiqad kasta waa inaad isku daydaa inaad ka reebto warbixinta
aan dhawrayno sawirada aan kor ku xusay. Waa inaad dareenta inaad tahay
qof bulshada dhexdeeda ku leh maqaam. Waa inaad ka fogaata dhaawaca
quluubta dadka Soomaaliyeed ee ka naxaya sawirada Wiilasha dagaalka
sokeeye ku dhimanaya ee” Ma liibaanayasha lagu liibaanay loogu magac
daray.”
Mudane Tifaftire waxaa tahay
qofka ugu danbeeya ee miiskiisu ku soo dhacayo sawiradan naxdinta leh,
ha ahaado film qof la tooganaayo, mid la gubaayo ama mid ciida
quruqriyay oo waa hore xabadi leeftay. Waxaa tahay “ Gate-keeper”
oo macnaheedu yahay inaad sii dayn karto ama xanibi karto warbixin kasta
oo dhiillo xamnbaarsan iyo inaad ka reebto qoraalka wariyaha kusoo
gudbiyay wax kasta oo aad u aragto mid khilaafsan Sharciga iyo anshaxa
saxaafada. Tifaftiruhu waa inuu ilaaliyaa sidoo kale wararka lidka ku ah
danaha Dalkeena, Diintena, iyo Dadkeena.
Dunida maanta kama jirto saxaafad
dhexdhexaad ah. Mid kasta waxay wax kasta ka hormarisaa danaha
qarankeeda “national interest” ama amniga dalkeeda “national
security” waxaase la isku dhaafay sida anshaxa wanaagsan loogu
dabakhaayo saxafaada maanta jirta.
Mudane Tifaftire waa inaad kala saartaa
ra’yiga saxafiga iyo warka oo ah laba shay oo aan is qaadan karin. Waa
inaad u carbisaa Wariyayaasha inay noqdana kuwa ku eg soo tabinta waxa
dhacay, meesha uu ka dhacay, sababta uu u dhacay, goorta uu dhacay, iyo
sida uu u dhacay.
Mudane tifaftire waa inaad ka dheraataa
isticmalka ereyo kooxo gaar ah ku hal qabsadaan sida; Xukuumada
Ridada, Khawaarijta, Takfiirka, Ciidanka Alle, Cadawga ilaahay,
Mujaahid, Murtad iyo kuwa kale oo badan maadaama dagaalka maanta
socdo ay culimo waawayn ku tilmaameen inuu yahay mid fitna ah labada
qolana aysan jirin mid isu aqoonsan kuna qanacsan magaca loogu yeerayo.
Qore: C/nuur Maxmed Axmed
( c/nuur waa Saxafi madax banaan oo
wax ka barta kulliyada Saxaafada ee Jaamicada International Islamic
University ee Islamabad waxaadna waxii talo ah ugu diri kartaa
nobleman254@hotmail.com )