SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xafladda 15-ka May ee Soomaalida deggan Dalka Norway

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusaayo sanadguurada 1aad ee Ururka Waddaniga Soomaaliyeed iyo Sanadguurad 66aad ee Xisbigii Dhaliyarada ee SYL ayaa lagu qabtay Magaalada Hordland ee Dalka Norway.

Munaasabaddaas waxaa soo abaabushay Ifraax Yuusf Ciyow oo ah Madaxa Arimaha Bulshada UWS, xaruunteedana ay tahay magaalada Hordland Dalka Norway.

Ifraax Yusuf oo ah Madaxa Arimaha Bulshada UWS ayaa goobta xafladda ku soo bandhigtay qaab dhismeedka iyo aasaaskii UWS, heerarkii kala duwanaa ee soo maray iyo waxqabadka UWS mudadii sanadka ahaa ee soo jiray, xaruumaha UWS ee uu ku kala leeyahay Caalamka, iyo madaxda wakiilka uga ah.

Ifraax waxay kaloo sheegtay sababta aasaaska ururka loogu beegay 15ka May, ay tahay inaan qaadano hanaankii wadaninimo ay lahaayeen Dhalinyaradii SYL, dhalinyarada Soomaaliyeedna aan xusuusino Halgankii waddaninimo ay soo mareen dhalinyaradii SYL, oo natiijadeedu ay noqotay inaan noqono waddan xor ah.

Ifraax waxay kaloo sharaxaad ka bixisay qiimaha ay wadaninmada ay leedahay iyo in ay Soomaalida Muujiyaan waddaninimo, waxayna tusaale ahaan u soo qaadatay xisbigii dhalinyarada ahaa ee SYL sida ay waddaninimada daacad uga ahayd.

Munaasabaddaas waxaa khadka telefoonka uga qeyb qaatay Abdifataax Xuseen Sabriye oo ah madaxa warfaafinta UWS, isagoo jooga Dalka Somalia. Abdifataax wuxuu dhaliyarada Soomaaliyeed ku guubaabiyey dhibaatada ay qabyaaladda leedahay, wuxuu ku yiri qabyaalad ayaa dalkiinii hooyo idinka Dumisay, oo idin soo qaxisay, welina qabyaaladdii ayaad faraqa ku haystaan idinkoo hilmaamay dhibaatadii aad soo martaan.


Abdifatah Husein

Abdifataax wuxuu kaloo dhalinyarada ku guubaabiyey inay waddaninimo muujiyaan, iskuna duubnaadaan, kana faa’deystaan fursadda ay heystaan oo ah waddanka ay joogaan ee Noway oo waxbarashada ku dadaalaan. Shacabkoodii dhibaateysana ay meel uga soo baxaan.

Dadkii xafladda ka soo qeybgalay aad ayey ugu riyaaqeen hadaladii Abdifataax, Sacab ayeyna ku taageereen.

Markii la qaatay xoogaa nasasho ah ayaa waxaa bilaabatay Su’aalo ay soo jeediyeen dadkii xafladda ka soo qeybgalay, waxaana si wanaagsan uga jawaabtay su’aalihii oo dhan Madaxa Arimaha Bulshada UWS Ifraax Yusuf Ciyow.

Gabagabdii Xafladda waxaa halkaas iska diiwaan geliyey dhalinyaro badan oo diyaar u ah ianay ku soo biiraan UWS.

Waaxda Arimaha Bulshada UWS

Xafiiska Norway.

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: