SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Aragtida Garabyada Siyaasadda & Aqoonka Soomaaliyeed

Jangali “Qasab beyna aheyd, is afgarashada Kenya”

Cali Axmed Jaamac Jangali oo DKMG ah u Qaabilsan Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ka hadlayey heshiiska Muranka wey dhaliyey ee ku saabsan Marinbiyoodka Soomaaliya ee ay kala saxiixdeen DKMG ah iyo Dowlada Kenya, Jangali oo arinkaa ka hadlaya ayaa yiri:”Qasab hadaan la cusbooneyn wax Danta Soomaaliyeed kulumeysey aheyd, waxaan anagu hadda Xaqiijinay kii Dowladii Max’ed Siyaad Dhulkii ay Barigaa Qoronay kii baan dib u ayidnay kiibaan dib u gudbinay oo aan Aduunka ugudbiney Qasab beyna aheyd, is afgarashada Kenya waa is afgarasho in lagu kala aragti Duwanyahay Xadka Bada halka uu Marayo , Xadka Badda waa wax Sharci  u baahan Hay’ado UN ah ayaanan ugudbinay waxeyna geleysaa hadii leysku qabsado dhedhexaadin Hay’ado Aduunka ah baa kala Dhexdhexaadiyo oo Cilmiyan Sharcigaas Aduunka ee loo qasisay siduu u dhigay ayaa loo kala baxayaaye Xoog iyo lagu kala biximaayo anaa kaa Xoog weyn iyo anaa kaa xoog yar Ma noqonayeso waana Xuquuq Soomaliyeed si aynan u dayacmin ayaa hada tan loo gudbiyey”. 

 

  Baarlamaanka “mana loo soo marin Qodobkaasi Sharciga” 

 

Max’ed Cumar (Dalxa) ku xigeen Aadan Madoobe oo u waramay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdishio 11, April,2009 ayaa ku tilmaamay Heshiiska Xuduuda Dhanka Badda ee DKMG ah u saxiixday Kenya Mid Qabyo ah maadaama aan la marsiin Baarlamaanka si uu u ansixiyo, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri  “Ma Dhici karto wax Qabyo ah in laga Aqoonsado Caalamka, mana loo soo marin Qodobkaasi Sharciga” ayuu yiri Isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi, Max’ed Cumar (Dalxa) Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka. 

 

2.      Xisbul Islaam “wuxuuna u arkaan inay tahay Khiyaamo Diimeed” 

 

Gudoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Dr. Cumar Imaan Abuu baker oo aanu wax ka weydiinay siday u arkaan Heshiiskan ayaa yiri “anagu waxaan u aragnaa waxyaalo badan oo aan u aaminsanahay, maadaama ay Dadkani yihiin Dad Qandaraas Qaatayaal ah, in lagu sasabtay Dhaqaalo iyo Dano gaar in loo fuliyo oo Umadda Soomaaliyeedna laga qariyo oo Been loo sheego, arintaasna waxay qeyb ka tahay wixii ay Sheegeen inay ku heshiiyeen inay Dowlada Kenya ay u qaado Canshuurta, waligeedna wax dhacay ma aha, ula jeedadana waxay tahay in iyadana arin Muqaabil u ah u fuliyaan, marka masaalix hoose oo Dad gaar ah ay leeyihiin in loo fuliyo awgeed in arintaasi ka danbeyso ogolaanshadeed ayaan dareemi karaa haddii arintu sax ahaan lahayd wax Shacabiga Soomaaliyeed uu ogyahay Baarlamaankii ay xaataa iyagu sameysteen oo wax ka ogyahay, Dad Khubaro ah loo diyaariyo oo ay fiiriyaan ayay ku imaan lahayd haddii ay yihiin wax sifadii iyo jidkii loogu talo ku socda, laakiin waxaa weeyaan wax lool jeedo dano gaar ah in lagu fushado Dowladaan sii dhacayso in hantida Soomaaliyeed lagu Boobo inta wakhtigeeda ah ee aysan Saaxadda ka bixin, intaas unbaan anigu u fahmay.

Somalimirror: - Ka Xisbi ahaan Muxuu yahay Mowqifkiina ku aadan Heshiiskan, Jawaab Nooceese ayaad ka bixinaysaan? 

Dr. Cumar Iimaan: - waxaan ka bixinaynaa waxay tahay in wax meesha lagu saxiixay waxbo kama jiraan ay yihiin oo Baadil ay yihiin, Cidii wax saxiixday, waxay ka mid tahay wax iyada gacanta ugu jirin inay Bixisay بيع مالا يملك  baa la yiraahdaa, qofka wax uusan lahayna ma gadi karo, Xisbul Islaami mana Ogolaan karo, Mana Ogolaanayo, wuxuuna u arkaan inay tahay Khiyaamo Diimeed, Umaddii Soomaaliyeed in Dhulkeedii awalba ay gaalo horey u boobtay intii kalana in sidaas lagu bixiyo waa ayaan daro runtii aad iyo aad, waxaana aaminsanahay inaan arintaasi diidayno aanu ogolayn, aana ka bixin doono Jawaab wakhtiga ugu Munaasabsan Insha Allaah. 

 

Sheekh Xasan Turki 

 

Sidoo kale Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) oo 10 Apr, 2009 dadweynaha magaalada Kismaayo kala hadlay beerta xoriyada ee bartamaha magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay Dawladda uu hogaamiyo Sh.Shariif Sh.Axmed mid ka daran tii C/laahi Yuusuf asaga oo sheegay inay si toos ah u fashilantay maadaama ay tilaabooyinkeedii ugu horeeyaya ka bilawday Dhulkii oo ay bixisay wuxuuna yiri “waligeed tan oo kale lama arag dawladda Shariifku way ka dartay maxaa yeelay C/laahi yuusuf sida kale ayuu noola dagaalamayayn, laakiin iskumuusan dayin in uu dhul gato waxaan aragnayna maaha”. wuxuuna Xoogagga Islaamiyiinta ugu baaqay inay la dagaalamaan Kenya ilaa ay ka qoomamayso tilaabadan wuxuuna Yiri “Awalba dagaal ayaan ku jirnay waa inaan labanalaabno Jihaadkeena haddii ay Kenya isku daydo inay ku soo xadgudubto Xuduudda Soomaaliya. Waa inay ka qoomamayso oo ay dhahdo Shariifku wuu nooga daray”. 

3.      Al-Shabaab “Waa arin badda qeyb ka mid Kenya loogu gooyay”

Afahayeenka Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ka hadlay Heshiiska Badda loogu saxiixay Kenya wuxuuna ka yiri “Heshiiska Dowlad ku sheega ay la galeen Kenya ee loogu gooynaayey dhul ay leeeyihiin Umada Soomaaliyeed dhulkaas oo bad iyo bariba isugu jira taas ayaa runtii waxa ay keentay inaan umada baraarujiro oo ka hadalno, dad badan oo muslimiin ah amaba mujaahidiin ah ama culimo ah ayaa ka Hadley ilaahey ajar abadan ka siiyo, arinkasna waa arinka badda qeyb ka mid Kenya loogu gooyay iyada oo ninka la yiraahdo C/raxmaan C/shakuur oo Dowlada ku sheega ugu qaabilsan Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo midka kenyaatiga ee Wasaarada khaarijiga u jooga iyo Cadow kale oo walaalahooda ah ee Mu’aamaradaas wax ka dajiyeyba ay go’aan ku gaareen  dhulkaas inay qaataan, arintaas aad baan uga soo horjeednaa, inshaa Allah, umada waxaan leenahey dagaalama oo la dagaalama ilaahey cadowgiisa”

 “Waxay u ordeyso Dowladda Kenya waa in ay si fudud ku hesho shidaalka ku aasan badaha koonfureed ee Soomaaliya,waxaana leenahay ka waantooba goobahaasi waxaa ku sugan Mujaadihiinta, haddii aad isku daydaan inaad ka faa`ideysataan heshiiskaasi been abuurka ah shidaalka aad dooneysid waa laguugu gubayaa” ayuu sii raaciyay Abuu Mansuur.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar “waxaa Soomaali kalumaya Masaaxad ama Baaxad la’eg Jubada Hoose oo dhan oo Bad ah”

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka waramey Heshiiska lagu Boobayo Dhulbadeedka Soomaaliya ee ay DKMG ah Shalay la saxiixatay Dowlada Keyna ayaa sheegay hadii uu Heshiis kaasu Dhaqan Galo ay Suura galtahay in Dhulweyn oo ay Soomaaliyu leedahay ay  si fudud ku qaadato Dowlada Keyna. 

Cabdi Ismaaciil Smatar oo ka warameyey Heshiiska lagu Boobabayo Bada Soomaaliya waxa uu yiri:“Haday Dadnimada ay Sheeganayaan iyo Qaranimada ay sheeganayaan ka Daacad yihiin oo ay Diintey sheeganayaan ka Daacad Yihiin wax yaabahan Cusub ee Maalin walba Sanka laga Soo gelinayo ee la Saxiixayo inay Dib uga joogasadaan oo ay Gudi Joogta ah oo farsamo yaqaan ah oo waxaan ka baaraandaga Marka Hore loo sameeyo, iminkana Warqad laga Daba geeyo oo la yiraahdo Baarlamaankuna waxaan in uu ogolaado Maahan Dowladuna in ay ogolaato Maahan, taana waxaa ka siiweyn Dadweynuhu in uu ogolaado Maahan, waayo waxa weeyaan hadii  Xadkaan  Cusub ee Maanta meesha la dhigay hadii lagu soo heshiiyo waxaa Soomaali kalumaya Masaaxad ama Baaxad la’eg Jubada Hoose oo dhan oo Bad ah ayaa lumeysa walaal, markaa Dowladani waxa weeyaan hadeyleeyihiin Dadkii baanu dib u heshiisiineynaa Dowlad Islaam ku dhisan oo wanaagsan Baanu dhiseynaa markaa laga wanaagsan Farsama Xumidan iyo dhaqan Xumidan lagu dhaqmayaa, in dib looga noqdo oo Gudi la sameeyo”. 

 

Qoraalkani waxa uu qayb ka yahay qormada: Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

 

Isha: http://www.somalimirror.com

Faafin: SomaliTalk.com | April  27, 2009

BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: