Xisbul-Islaam yaanu noqon Xisbul Dagaal
Waa maxay sababta keentay in wadaadada qaarkood ay waqtigan shacabka
ku dhex dagaalamaan iyadoo waliba ay maanta wadaadada qaarkood haystaan
awooda ugu saraysa ee hogaanka Soomaalidu? Wadaadadan dagaalamyaa ma
waxa ay u soo halgaamyeen in ay soo celiyaan nidaam iyo kala danbayn
mise waxa ay rabeen in ay buuxiyaan meeshii(booskii) laga eryay dagaal
ogayaashii iyaga ka horeeyay? Dawlad miyay rabaan –wadaadadani- mise qas
iyo fawdo? Hadii ay ku guulaystaan-wadaadani- ridida dawlada Shariifka
maxay soo wadaan oo ay ku badali doonaan Sheekha iyo dawladiisa? Horta
Fikir siyaasadeed ma xambaarsan yihiin –wadaadadani-muxuuse yahay
fikirkoodaasi? Dagaaladan hadii ay sii wadaaan-wadaadani- ma laga yaabaa
in ay dhaawacaan mashruucii siyaasdeed/diineed ee wadaada Soomaalidu ay
mudada dheer u soo halgamaayeen? Su’aalahani waxa ay ka mid yihiin
su’aalaha ay dhaliyeen dagaalada maalmahan ka socda magaalada Muqdisha
ee ay ku lug leeyihiin ururka la baxay Xisbul-Islaam- oo ah urur
mideeyay qaar ka mida wadaadadii la dagaalamay Itoobiyaanka waqtigii ay
Itoobiyaanku haysteen Koonfurta Soomaaliya. Maqaalkan waxa aan ku eegi
doonaa qaar ka mida jawaabaha su’aalahan.
Faham Qalooca
Taariikhda Islaamku waxa lagu soo wariyaa in ay jiri jireen koox
marka uu qofku arko cibaadadooda iyo Quraan akhriskooda uu is odhanayo
yaa kuuwaas oo kale kaa dhiga. Waxa la soo wariyaa in hadii mid kuwaas
ka mid ahi uu xabad timira ah ama cinab ah uu meel ka helo oo marka uu
afka galiyayo uu xusuusto in aanu fasax u haysan in uu cuno -xabadaas
timirta/cinabka ah- in uu markiiba soo tufi jiray isaga oo iska
ilaalinaya in uu Xaraan quuto. Isla qofka sidaas isu ilaalinaya ayaa
waxa dhici jirtay in uu banaysto daadinta dhiiga Asxaabtii Nabiga
–Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- waayo asxaabtaas uu
dilayaa waxa ay diideen fahamkiisa qaldan ee uu kaasi ku fasirtay
Nusuusta Quraanka qaarkood. Sidoo kale waxa la soo wariyaa in koox reer
Ciraaq ahi ay u yimaadeen mid ka mida asxaabtii Nabiga (NNKH) kadibna ay
waydiiyeen in dhiiga Keneecadu uu nijaas yahay iyo in kale!. Asxaabigii
inta uu la yaabay ayaa waxa uu waydiiyay ragii su’aasha waydiiyay xaga
ay ka yimaadeen ? Waxa ay ugu jawaabeen Ciraaq. Kor intuu u eegay ayuu
ku yidhi “Reer Ciraaqoow waxa aad banaysateen daadinta dhiigii caruurtii
uu Nabigu (NNKH)awoowga u ahaa, markaas baad I waydiinaysaan nijaasada
dhiiga kaneeecada …arinkiinu waa arin lala yaabo (waxa uu la yaabay sida
ay arimuhu agtooda ugu kala muhiimsan yihiin)”. Sidaas ayuu noqdaa
fikirka qofku marka uu qofka fahamkiisu qaldamo. Ma lihi kumana doodayo-
sida ay qorayaal kale oo Soomaaliyeed ku doodeen- in qolooyinka
Xisbul-Islaam ay yihiin khawaarij la mida kuwa aan kor ku sheegay
laakiin fahamkooda siyaasadeed iyo kooda diineedba waa mid qalooca oo
aan la garanayan meel uu ku tiirsan yahay iyo meel uu u socdaba. Hadii
ay fahamkan ku sii socdaana aakhirka waxa uu gaadhsiin doona meel fog oo
laga yaabo in ay adkaato sida ay uga soo noqdaan. Soomaali badani waa ay
garab istaageen waana ay taageereen ragan wadaadada ah waqtigii ay la
dagaalamayeen ciidankii Itoobiyaanka, laakiin maalin kasta oo ay sii
wadaan dagaalkan aan ujeedadiisa la garanayan isla markaana ay shacbi
badani naftooda ku waayaan dagaaladan, waxa ay kooxdani lumin
shacbiyadii iyo taageeradii ay ka helayeen shacabka.
Tajaaribtii Itaxaadka yaan la soo Celin
Iminka ma aha markii ugu horaysay ee koox wadaadada Soomaalida ahi ay
dagaal iskaga hor yimaadaan Soomaali kale. Dagaaladii ay ururkii
Itaxaadku sagaashamaadkii ku dagaalameen meelo kala duwan oo dhulka
Soomaalida ah ayaa dagaaladan ka horeeyay. Natiijadii ka dhalatay
dagaaladaasi waxa ay ahayd in dhaliinyaro fara badan oo umadooda iyo
diintoodaba wax tari lahaa ay ku naf waayaan dagaaladaas. Natiijooyinka
kale ee ka dhashay dagaaladaas waxa ka mid ahaa in dagaaladaasi ay bilow
u ahaayeen burburkii ku dhacay ururkii Itaxaadka oo ahaa urur ka mid
ahaa ururadii ugu waaweyn ee Islaamiyiinta Soomaalida ee waqtigaas.
Wadaadadii (Itixaadka) ee sagaashamaadkii dagaalamayay waxay ku doodi
jireen in ay la dagaalamaynaa nidaam cilmaaniya oo diidan in shareecada
Islaamka la isku xukumo laakiin qoladan Xisbul–Islam iyo inta ay isku
fikirka yihiin waxa ay la dagaalamayaan waa maamul aan diidanayan in
shareecada wax lagu xukumo oo ay waliba hogaaminayaan rag diintooda iyo
fikirkooda la garanayo. Dhaliinyara badan oo ka mida dhaliinyarada
ururadan dagaalamaya ku jiraa waa dhalinyaro aananu ka shakisnayn in ay
umadooda wanaag la doonayaan, laakiin marar badan niyad wanaagsan oo aan
faham toosan iyo istaraatiijo cadi la soconi waxa ay horseedaan bur bur
iyo in markasta eber (sifir) laga soo bilaabo. Dhawr iyo tobon sano ka
dibna ma aha in qaar ka mida wadaadadu ay dib ugu laabtaa
istaraatijiyooyinkii fashilmay ee sagaashamaadkii.
Arinkii aan la wada helayn badhkiis lama diido
Waa qaacido sharciya in arinkii aan la wada helayn aan la diidin
badhkiisa la helayo. Kuma doodayno in Dawlada Shariifku aanay khaladaad
lahayn, sidoo kale kuma doodayno in tajribadani ay 100% najixi doonto
amaba aanay mari doonin halkii ay mareen tajaaribtii ka horeeyay. Waxaan
se ku doodaynaa in tajribadani ay tahay fursad ay Islaamiyiinta
Soomaalidu ku muujin karaan in ay diyaar u yihiin in ay qabtaan
hogaamiyaana talada Soomaalida. Sidoo kale waa fursad ay ku soo bandhigi
karaan waxa ay kaga duwan yihiin dadkii uga horeeyay hogaanka
Soomaalida. Wadaadadu waxa ay maanta haystaan fursad ay ku keeni karaan
inta ka dhiman ahdaafta ay rabaan in ay xaqiijiyaan...ee yaanay
fursadaas la iska dayicin. Waa in la kabaa inta ka dhiman mashruucan ay
qaybtiisii hore ku guulaysteen Sh.Shariif iyo intii la socotay. Aragtida
qoraagan dawladani waa mid sida ay ku timid aan dhaliil ka madhnayan
laakiin hadana waa fursad hadii la dayaco ay waqti dheer qaadan doonto
soo celinteedu. Yaan la dayicin Fursadan madaafiicda masaakiinta
shacabka ah dusha lagaga keenayana ha lagu difaaco mashruucan dawlada.
Siciid Cali Axmed
Maqaalo.siciid.cali
said.ali.ahmed@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2009
Ahmedou Ould Abdullah "Fadlan, walaalayaal, beeneeya malada dadka aan
kadlaayo…" warqad dareeno kala duwan xambaarsan oo ku socota Qurbo joogta
Soomaaliyeed Akhri.. Mar 1
Barre
Hiiraale: "Waxaan kalsoonidii kala noqonay xukuumadda Sh. Shariif" - waraysi uu la yeeshay Maxamed Gaarane:
Dhegeyso ama
soo rogo
Xildhibaan
Ismaaciil Axmed Nuur " Baarlamaanku Inuu Bur buro Waa Roonaan Lahayd… "
hadii si sax ah loo maamulo waxa jita, ma imaan lahayn khaladaadka hada jira..
Akhri.. Mar 1
Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana
Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka
Soomaaliyeed" Akhri March 1
Xildhibaan
Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana
Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow
"Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig
u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27
 Xildhibaan
Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada
Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka
uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah"..
Akhri... Feb 25
Waraysi:
Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15
Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub
magacaabo.. Akhri
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi
Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo
Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23
Waraysi:
Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux
Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa"
Akhri.. - Feb 18
|