SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baardheere Oo Bandow Lagu Soo Rogay Iyo Go’aano Ad Adag Oo Ka Soo Baxay Alshabaabka Baardheere

Xoogaga Alshabaab ee ka arrimiya degmada Baardheere ayaa waxa ay bandow 10 ka habeenimo ka billaabanaya ku soo rogeen gudaha magaalada Baardheere ee G/GEDO.

Bandowga oo uu saxaafadda u sheegaya Madaxa ammaanka ee degmada Baardheere Sh.Faarax Xiish Muxumed oo loo yaqaano Shureyn ayaa xalay markii ugu horaysay ka dhaqan galay magaaladaasi, waxaana la arki karay ciidamo katirsan kuwa islaamiga ah oo roondaynaya gudaha magaalada.

Sh Shureyn ayaa tilmaamay in uu dhaqan galay bandowgaasi oo aysan illaa iminka jirin cid ka dhaga adeegtay ,waxaana uu amaan u soo jeediyay dadka kud haqan magaalada baardhere sida ay u fuliyeen awaamiirta.

Bandowgani ayaa waxaa ay maamulka alshabaab ee baardheere ku macneeyeen in uu la xiriiro sidii loo taabagelin lahaa amaanka magaalada Baardheere

Dhinaca kale madaxa ammaanka ayaa waxaa uu saxaafadda u sheegay in amaro ay soo saareen maamulkoodu ay sidoo kale kamidtahay in raga iyo haweenka aysan gaadiidka wada raaci karin waxaana sida uu tibaaxay arrintaasi ay tahay mid la doonayo in lagu baa’ibiyo dhaqamada xun xun sida ii hadalka u yiri.

Sarkaalkaasi ayaa ugu dambeyn ka digay in aan qaadka lagu iibin karaynin gudaha magaalada baardheere , isagoo sheegay in la geeyo qaadka baraha loo cayimay oo ku yaalla degmada dhexdeeda.

Tillaabooyin isxigxiga ee ka soo baxaya xoogaga islaamiga ayaanay dadweynaha ku dhaqan magaalada baardheere wax jawaab ah ka bixinin ,waxaana qaar badan oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen inay saxaafadda la hadlaan.

Horaan ayay ahayd markii magaalada kismaayo laga mamnuucay in gaadiidka ay isla raacaan raga iyo dumarka.

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009

barreBarre Hiiraale: "Waxaan kalsoonidii kala noqonay xukuumadda Sh. Shariif" - waraysi uu la yeeshay Maxamed Gaarane: Dhegeyso ama soo rogo

Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur " Baarlamaanku Inuu Bur buro Waa Roonaan Lahayd… " hadii si sax ah loo maamulo waxa jita, ma imaan lahayn khaladaadka hada jira.. Akhri.. Mar 1

Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka Soomaaliyeed" Akhri March 1

carabXildhibaan Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28

nunowWasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow "Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27

keynaancaashoXildhibaan Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah".. Akhri... Feb 25

yusufWaraysi: Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15 Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub magacaabo.. Akhri

oomaarWasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23

xasan iyo shariifWaraysi: Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa" Akhri.. - Feb 18

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS