SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mid kamid ah jamacaddaha dalka Malaysia oo aqbashay tiratii ugu badneed ee Ardey soomaaliyeed Semester kaan

(KABOGO SAWIRADA ) Eeg halkan....

Jamacadda University Utara Malaysia (UUM) oo kamid jamacaddaha dalkaan Malaysia ugu sumcadda, magaca iyo tayada wacan ayaa semestrekaan aqbashay 84 ardey Somaaliyeed kuwaa oo noqonaya tiradda ugu badan ardeyda ajaanibta ey jamacadda aqbashay semester kaan.

Ardeydaan oo isugu jira gabdho iyo wiilaal ey Jamacaddu u soo qabashay faculty yada kala duwan ey bixiso, ayaa intooda badan soo gaaray compus ka jamacadda waxa eyna si hab sami leh uga qeyb qadanayaan how laha Orientation week ga ayaga oo intooda badan laga dheehanayo u caaboonaan dhanka tacliita.

Dhanka kale waxaa jira ardey aanan wali soo gaarin jamacadda iyo guud ahaanba dalkaan oo wali kusugan gudaha Somalia kuwaa oo lafilayo in ey soo gaaran maalmahan fooda inagu soo heyda.

“Waxaad tihiin ardey aad u nasiib wacan sababta oo ah waxaad ku soo aadeen xili ey jamacadda dhiganyaan ardey soomaaliyeed oo qaarkood qalin jabin rabaan waxa eyna diyaar u yihiin in ey idin ka saacidaan wax waliba oo aad caqabad kala kulantaan hadii ey ahaan laheed dhan tacliinta ama laqabsiga jamacadda” sidaa waxaa yiri Axmed Abukar Sheekh (KENYA) oo ah gudoomiyaha ardeyda soomaaliyeed ee UUM mar uu la hadalayaay ardeydaan cusub .

Kudhawaad boqol ardey Soomaaliyeed ayaa hore u dhiganeysay jamacadda kuwaa isugu jira kuwa dhax dhaxaad iyo dhameystir ah. Qaarkood waxa ey hada ku howlan yihii soo dhaweyta asxaabtooda kula soo biiratay tacliinta sida Maxamed C/lahi Januune iyo C/fatax C/qadir Maxamed, walo jiraan ardey si qaas ah loogu xil saaray soodhaweyta ardeydaan cusub sida C/raxman Bashiir, Mudane Adan iyo Cabdi Salaad Warsame, .... .

Ma ahan markii ugu horeysay ey Jamacadda UUM ey aqbasho ardey sidaan u tirabadan, balse labo sano iyo bar kahor ayey aheed markii tiro arday soomaaliyeed ah oo sidaan oo kale ubadan ey jamacadda aqbashay kuwaa oo hada badan kood ku dhaw dhaw heer gabo gabo ah lana filayo in ey qalin jabiyaan semesteradda soo socda.

Sidoo kale Jamacadda waxa ey aqbashay tiro ardey Soomaaliyeed oo ah tacliinta sare ee Master ka kuwaa oo ka kala yimid jamacaddo kuyaala Soomaaliya iyo wadamo kale kuwaan qudhoodu waxa ey maal mahan ku jireen medical check up iyo registration waxa ey diyaarinayaan faculty yo kala duwan.

Isku soo wada duub, Ma badna tirada ardeyda Somaliyeed ee hore ugu qalin jabisay jamacadda, balse ardey ayaa intooda badan waxaa la dhihi karaan waxa ey marayaan heer gabo gabo ah waxaana mardhawna lafilayaa in ey tiro ardey aad ubadan ey mar qura ka qalin jabiso jamacada.

Warbixin Kooban oo ku saabsan Jaamacadda UUM

16 February 1984 ayaa dhidibada loo taagay UUM magalada Jitra ee gobolka Kadah Darul aman, ayada oo daah fur looga dhigay in ey bixiso kuliyado kooban aan sidaa u badnen, balse jamacadda hormar ku talaabsatay oo ey badisay kuliyadaha ilaa ey manta aad u bateen kuliyadaha ey jamacadda bixiso.

Sanadkii 1990 ayaa UUM loo soo raray xaruta ey hada dagantahay oo ah dhismahada weyn (main campus ) kuyaala Sintok oo 48 KM kaga began dhanka waqooyi magala madaxda gobolka Kadah Darul aman ee Alostar, sidoo kale 10 km eyee ka xigtaa dhanka bari magalada Changlun oo ah magaalo yar oo dhacda bartan ka wadada dheer (high way) ee isku xirta koonfuta iyo waqoyiga dalkaan .

1,061 hectares dhul gaaraya ayuu ka koobanyahay compus ka jamacada oo ku harereysan buuro, keymo cagaar iyo doog ah iyo waliba labada wabi Sintok iyo Badak oo mara gudaha jamacadda ayaa guud ahaan kadhigay campus UUM mid kamid ah campus yada jamacadeed ee ugu quruxda badan dalkaan Malaysia.

UUM waa jamacad ey udhameys tiran tahay dhamaan adeegyada tacliineed oo lagu til maami karo waxa ey la heertahay jacadaha manta dunid ugu sareeya marka laga eego dhanka agabka tacliita, tusalo ahaan UUM waxa ey leedahay Maktabat ka koobay ilaa iyo 5 dabaq(biyaano) oo si aad usareysa loo qalabeeyey kuna shaqeysa nidaam(system) computerize ah oo aad u casriyeysan, ardey kun gaareysa ayaa halkii mar fariisan karta maktabada oo wax ku aqrisan kara, waliba waxa ey leedahay qolal loogu talagalay doodaha iyo aqriska goonida ah (discussion and carrel rooms).

Sidoo kale hanaan duurusta loobixiyo iyo sida imtixaanada loo saxo intuba waa qaab Computeraze ah oo ardeydu u wada riyaaqeen.

Semester kasta jamacadda UUM waxa ey ardey ahaan u aqbashaa ardey aad utira badan kuwaas oo isugu jira ardeyda dalka (local students )iyo ardeyda ajanibta (international studenta ) oo ka kalayimaada inta badan dalalka aduun una aqbasho in ey dhigtaan dhamaan herarka tacliinta min degree ilaah PHD

Isku soo wada duub UUM waxa ey kamid tahay jamacaddaha ugu horeeya dhanka tacliinta dalkaan Malaysia ayada oo mar kasta ku dadaasha in ey hormariso nidaam keeda tacliinta iyo waliba agabkeeda tacliineed taas oo intabadan ah mid computeraze ah sidaan hore u soo xusnay.

(KABOGO SAWIRADA ) Eeg halkan....


Wariye: Sa'eed Hussein Abdi (Macruuf)
UUM - Sintok, Kadah - Malaysia
+60173257590
Macruuf09@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | June 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version