49-Guuradii ka soo wareegatay maalmaha xoriyadda
Soomaaliyeed
W/Q: Cabdi Sh Xasan Kulmiye (Cabdiyare)
Ummad walba oo dunidan ku nool wax ay leedahay maalmo taariikhdeeda ku weyn,
isla markaana lagu xasuusto geesiyaashii dhiigooda iyo maal koodaba u huray
xoriyada ay heystaan.. Ummadda soomaaliyeed oo ka mida umadaha caalamka waxay
leedahay maalmo ay si gaara ay u qadirayaan kuna weyn xasuustooda, maalmahaas
waxaa ka mida 26-ka juun iyo 1-da luuliyo.
Hadaba hadii aan si gaara u
falanqeyno halgankii loo soo maray xoriyadda Soomaaliyeed. Shacbiga soomaaliyeed
wuxuu qeyb ka ahaa ummaddihii afrikaanka ee lagu kala qeybsaday 1884-dii shirkii
ka dhacay magaalada Baarliin ee dalkii la oran jiray Jarmalka Bari. Dalka
soomaaliyeed waxaa loo qeybiyey 5 qeybbood iyadoo ujeedada gumeystayaashu ka
lahaayeena ay aheyd maadaama shacbiga soomaaliyeed uu yahay shacb islaama
ah, isla markaana ka mideysan dhinaca luqada, diinta, iyo dhaqanka in leys hor
istaago dowlad soomaaliyeed oo islaama oo ka curato geeska Afrika, tan xigta oo
sabab u aheyd in Soomaaliya loo qeybiyo 5 qeybood waxa ay aheyd dhulka
soaamliyeed oo Alle ku manastay kheyraad ara badan hadii ay ahaan laheyd
dhinaca bada ,xoolaha iyo barrigaba in dunida inteeda kale laga
qariyo kheyradka ka buuxa soomaaliya. Dhamaan arrimahaas iyo kuwa kale ayaa
sabab u ahaa in dhulkeena si arxan darro ah gumeystayaashii yurub ay u
qeybsadaan.
Qeybtii waqoyi waxaa qaatay mustacmaraddii Ingiriiska, qeybta
konfureedna Talyaaniga, Jabuutina waxaa qeyb ahaan u qaatay Faransiiska. Hase
yeshee markii dambe qeybka mida dhulka soomaalida uu ku wareejiyey xabashida.
Sidoo kale qeyb ka mida ciida soomaaliyeed ingiriisku wuxuu si khalad ah ugu
daray dhulka Kenya. Markii sidaa loo qeybsaday dhul weynihii Soomaaaliya, ayaa
soomaalidu waxay bilaabeen halgan adag oo ay kaga soo horjeedaan
gumeystayaasha. Dhaq-dhaqaaqii ugu horeeyey ee halganka waxaa
hogaaminaayay halgame Axmed Garaad Ibraahin (Axmed Gureey). Halgankaasi waxa uu
bilawday sanadkii 1528-dii, waxaana Axmed Gureey u suurta gashay inuu
jabiyo boqortooyadii xabashida.
Markii dagaalkaasi xabashidu ay ku jabtay, waxay u qeylo dhaansatay ciidankii
ingiriiska, dagaal aad u qaraar ayaana maalintaas dhex maray ciidankii
soomaalida iyo kuwii xabashida oo ay taageerayaan kuwii ingiriiska. Halagankii
xigay waxa uu ahaa midkii uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,
ciidankii ingiriiska iyo kuwa daraawiishta ee soomalida dagaalkoodu waxa uu
socday inka badan 20sano, markii ciidanka ingiriiska looga adkaaday dhinaca
lugta waxay adeegsadeen diyaarado iney ku duqeeyaan cidankii daraawiishta
fariisamahooda 21kii bishii janaayo sanadkii 1920-kii wuxuuna duqeyn ba'an
ugeystay taliskii ciidanka darwaawiishta ee magaalada Taleex ku yiilay.
Curashaddii Xisbigii SYL
Halgankii sidaas kuma hakan waxaana meeshii kasii waday urrurkii
dhalinyarada somaaliyeed ee SYL, kaasi oo la aas aasay 15kii bishii maajo
sanadkii 1943-dii. Xubnihii urrurkaas oo sadex dhalinyarro ka koobnaa waxay
magacyadoodu kala aaayeen.
- 1. C/qaadir Saqaawadiin, kuna dhashay degaanka Tayeegloow gbolka Bakool
sanadii 1919-kii, waxeyna da'diisu aheyd 24 jir.
- 2. Maxamed Xirsi Nuur Sidii, kuna dhashay degmada Mareeg ee gobolka
Gal-gaduud sanadkii 1915-kii waxeyna da'adiisu 28 jir.
- 3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke, ku dhashay degmada Hobyo ee
gobolka Mudug sanadkii 1917-kii,wuxuuna ahaa 26 jir.
- 4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxamad, ku dhashay magaalada Muqdisho
sanadkii 1917-kii 26 jir ayuuna ahaa.
- 5. Cisman Geedi Raage ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1925- 18
jir ayuuna ahaa.
- 6. Xaaji Maxamed C/laahi Xayeesi, ku dhashay Muqdisho sanadkii 1918-kii
wuxuu ahaana 25 jir.
- 7. Dheere Xaaji Dheere kudhashay Muqdisho sanadkii 1926-kii 17jir
da'diisuna aheyd.
- 8. Daahir Xaaji Cismaan ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug
sanadkii1925-kii waxey da'diisu aheyd 18 jir.
- 9. Cali Xasan Maslax oo ku dhashey magaalada Muqdisho sanadii 1919-kii
24 jir ayuu ahaa.
- 10. Maxamed Cali Nuur wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii1927 kii
wuxuu ahaa 16 jir.
- 11. Maxamed Faarax Hilowle wuxuu ku dhashay degmada Mareeg ee oolka Gal
gaduud sanadkii 1925-kii da,markaasi 18 jir.
- 12. Hudoow Macalin C/laahi Saalax oo ku dhashay degmada Mareereey ee
gobolka Shaeellaha Hoose sanadkii 1926-kii da'diisuna waxey aheyd markaasi 17
jir.
- 13. Maxamed Cismaan Baarbe oo ku dhashay degmada Bardheere ee Gedo,
sanadkii 1910-kii, wuxuuna ahaa 33 jir.
Xisbigii SYL durba wuxuu bilaabay inuu dadka ku wacyi geliyo difaaca dalka
hooyo, wuxuuna shirar iyo kulama gaar gaar ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee
bulshada soomaaliyeed waxaana markaa ka dib u suurta gashay Xisbigii SYL Inuu
noqdo xisbi siyaasaded oo aan la gamban fikirkiisa ku aadanaa gumeysi naceybka.
Gumeystayaashu markii ay dareemeen in xisbiga SYL uu hantay taageerada bulshada
waxa uu gumeysigu sameeyey xisbiyo daba dhalif u ah, waxaana sii labbo
lixaadsaday halgankii gabanimo u dirarka soomaaliyeed. Gobolada Waqooyi ee
dalkana ayaa waxaa dhinacooda ka abuurmay xisbi siyaasadeed oo lugu laguna
magacaabay SNC, kaasoo laftiisa dagaal adag kala hor yimid mustacmaradii
Ingiriska.
Labada xisbi ee SYL iyo SNC waxaa ka dhaxeeyey xiriir hoose waxayna
ka mideysnaayeen in dalka laga xoreeyo gumeystaha kala qeybsaday. Kadib markii
uu geeriyooday xoghayihii guud ee xisbigga SYL Yaasin Xaaji Cismaan ayaa golihii
fulinta ee xisbiga waxay si buuxda isugu raceen in C/laahi Ciise Maxamuud loo
magacaabo xoghayaha guud ee xisbiga SYL.
C/laahi Ciise waxa uu ku dhashay degmada Afgooye sanadii 1922-kii, wuxuuna
xisbiga ku soo biiray isagoo 18 jir ah,mudo ka dib markii uu qabtay jagada
xoghayenimo ee SYL. Wuxuu C/laahi markaasi si xowli ah isugu dubariday
arrimihii shaqo ee horyaalay xisbiga, waxaana markaa ka dib loo baahday in
siyaasada xisbiga ee gudaha ka socota la gaarsiiyo dalka dibadiisa.
Arrimahaasina waxaa si gaar ah loogu xilsaaray C/laahi Ciise laftiisa oo
dhowr shir oo caalami ah ka qeyb galay waxaana uu ciise walbana wuxuu
cadeenayey in gardarada uu gumeysigu ku hayo shacbiga soomaaliyeed.
Bishii sebtembar sanadkii 1949-kii shirkii golaha amaanka Qaramada Mioobay ee
lagu qabtay dalka Faransiiska ayaa ajandayaasha loga hadlaayey waxaa ka mid
ahaa qadiyada Soomaaliya oo uu Claahi Ciise uga qeyb galayey kulankaasi, ayaa
dowlada Talyaanigu waxay soo rogtay go'aan tilmaamaya qof kasta oo ka dhoofaya
Soomaaliya in la tallaallayo, tallaalkaasi ah mid qofka marka latallaallo ku
keenayo qandho xanuun badan muddo laba tadobaad ah, si C/laahi uusan uga daahin
shirka ayaa waxaa talaalkii isku dhigay halgame Muuri oo ahaa nin xoogaa muuqaal
ahaan C/laahi ay isku ekaayeen sababtuu u sameyeyna waxa ay ahayd intii uu
xanuunsan lahaa isla markaana uu ka daahi lahaa shirka UN-ka aniga aan
xanuunsado.
Muddo ka badan laba toddobaad ayuuna la xanuunsanaa Muuri tallaalkii lagu
dhiftay Claahi Ciise waxa uu sii maray magaalada London, balse safaaradii
Farnsiiska ee Londan ayaa xoogaa ka meer meertay in dal ku gal in la siiyo,
xiligaas ma uusan wadan wax baasaboora balse waxa uu watay warqad magaceedu uu
ahaa marka la soo gaabsho BSA, hase yeeshee wax garad Soomaaliyeed oo ku noolaa
Londan ayaa u sheegay C/laahi inuu jiro tareen deg dega ah oo tagaya magaalada
Paris ugu dambeyntiina sidaas ku tagay shirkii Qaramadda Midoobey. C/laahi waxa
uu shirkaasi ka hor cadeeyey in soomaalidu ay u dagaalmeyso madax banaanineeda
inta gumeysigu ku jiro taako ka mida gayiga Soomaaliyeed ay u
dagaalamayaan xorriyadna ay u doonayaan dalkooda.
Hadalkaasi wax weyn ayuu ka badalay jawigii shirka, muddo gaaban kadib kulan
ay yeesheen xubnaha joogtadaa ee Galaha Amaanka ayaa isku raacay in Soomaaliya
loo diro 4 dal oo soo hubiya biseylka ay ummadda Soomaaliyeed ee
dhinaca xoriyada.
Afartaas dal waxay kala haayeen Masar, Filibiin, Leyberiya iyo Kolombiya.
Shirkii markii uu dhamaaday C/laahi wuxuu dib ugu laabtay dalkiisa, wuxuuna
halkaasi warbixin ka siiyey golihii dhexe ee xisbiga SYL socdaalkiisii ee uu ku
tagay Faransiiska iyo ka qeybgalkii Shirkii halkaasi lugu qabtay. Madaxdii
afartii dal ee loo magacaabay soo eegida sida soomaalidu ugu heelan tahay
helida Xorriyadoda ayaa markii ay yimadeen dalka, waxay durbaba arkeen dadkii
soomaalida oo sameynaya banaanbaxyo ay ku muujinayeen rabitaanka madax
banaaninooda, waxeyna ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen " Ha dhaco
isticmaarku ha ka baxo dalkeena, waana u dhimaneynaa xoriyada inta qofkeena u
dambeeya uu nool yahay" .
Markii ay dib ulaabteen gudigii kormeerista waxey Qaramada Midoobey u
gudibiyeen warbixin la xirriirta waxyaabihii ay ku soo arkeen Soomaaliya, ka
dibna Golahu waxa uu soo saaray go,aan ah in Soomaaliya la siiyo maamul hosaad
10 sano ah oo Talyaaniguna uu sii maamulo muddadaaas. Hadaba mar haddii ay soo
dhawaatay shucladii xorriyada ayaa waxaa lagama maar maan noqotay in la helo
astaan ama calan ay isku aqoonsadaan shacbiga soomaaliyeed. Halgame Maxamed
Cawaale Liibaan ayaa ku guuleystay inuu soo bandhigo naqshada calankan quruxda
badan maanta noo muuqada ee buluuga ah xidigta cdna ay dhexda kaga taalo.
Bishii juyo 26-keedii sanadkii 1960-kii gobalada Waqooyi ee dalka waxay ku
guuleysteen iney hantaan xoriyadoodii waxaana maalintaas gobolada waqooyi oo
dhan ka dhacay isku soo baxyo farxadeed oo lagu muujinaayo guushii halganka
Xorriyada, afar maalmood ka dib gobalada koonfureed ee dalkana waxaa u rumoowday
riyaddii aheyd iney ka hoos baxaan gacanta isticmaarka reer Yurub.
Waxgaradkii gobalada Waqooyi iyagoo wada CALANKII isla markaana uu hor
kacayey Allaha siiyo janadii Fardowso Maxamed Xaaji Ibraahin iyo Cali Garaad
Jaamac, waxay usoo ambabaxeen magaalada Muqdisho si ay ula midoobaan
walaalahooda konfurta somaaliya si weyn ayaana loogu soo dhaweeyey magaalada
Muqdisho waxaana wafdigaas la dajiyey Hotel Shabeelle. 1dii luuliyo 1960-kii
saqdii dhexe ayaa daarta weyn ee FISHA GUVERNO waxaa laga taagay CALANKII
Soomaaliyeed waxaana la dajieye calankii tgumeystaha. Abwaan C/laahi Suldaan
Timo Cade ayaa habeenkaas isagoo la ilmeynaya farxada xoriyada la hantiyey
awgeed tiriyey maansadan.
"Sareeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegnee ka na siib kana saar!!"
Habeenkaas somaali oo idil meel ay joogtaba waxaa hareeyey farxad cartuur,
ciroole, hooyooyin, odayaal, dhalinyaro, iyo waxgaradba waxaa kor loo wada
ruxay ubaxyo iyo calankii soomaaliyeed qiirada maalintaas waxay gaartay meel aad
u sareesay. Sidaas daraadeed 1da luuliyo 1960-kii, waa maalinta Xorriiyadda
Soomaaliyeed,waa maalintii gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii
foosha xumaa ee Talyaaniga, isla markaana gobolada Waqooyi ay la midobeen. Waa
maalintii Qaranka Soomaaliyeed laba midowday oo horey u ahaa British Somaliland
iyo Italian Somaliland. In kastoo walaalaha Waqooyi iyagoo calanka wada ay
jecleesteen in walaalahoodii Koonfurta ay la midoobaan in hadana gocosho ay ka
tirsanayaan walaalaha waqooyi, balse hadii koonfurta aad ka tabaneysaan in
balaayo gooni ah ay idin ku sameeysay, sameeya sabarkii Nabi Yuusuf CS uu ku
sameeyey walaalihiis, maxaa yeelay nabi yuusuf CS markii walaalihiis ay ku
tuureen ceelka geeri ayay ku xisaabeen, Nabi Yuusuf Nabadgelyo korkiisa ha
ahaatee markii dambe wuu cafiyey walaalihiis wuuna uduceeyey in alale uu u dambi
dhaafo. Marka hadaad tihiid walaalaheena soomaali land noo soo duceeya
dhacdooyin horey u dhacayna yaan la gocan.
Hadaba waxaa xusid mudan oon anigu ka garanayaa maalmahaan ku wayn shacabka
soomaaliyeed in mar kasta oo ay soo dhawaato munaasabadaha qaranka meelaha laga
soo dhawayn jiray ay kamid tahey radiyo Muqdisho oo ah hooyada warfaafinta
Somaaliya laga siideynjiray barnanamijyo soconaya halsaac amaba nusa saaco
waliba iyadoo la gaarin xiligii munaasabada sedex maalin ka hor si umadda loo
dareensiiyo in munaasabadaha qaranka ay soo socdaan barnaamijyadaas waxaa si
gaara u diyaarin jiray faale qore ka tirsanaa wakaalada wararka ee SONNA isla
markaana ahaa madixii barnamijyada radiyo mogadisho C/laahi Maxamed Macalin
(Ifka) iyo wariyayaasha raadiyo muqdisho kuwaas oo si qoto dheer ulafa guri
jiray taariikhda iyadoo barnaamijyadaas dhexdooda ay ku jiraan heeso,
gabayo,buraanburo, iyo codad dadkii uusoo halgamay xoriyada, kuwaas oo markii ay
maqlaan dadka soomaaliyeed soo xasuusineysa dhibatadii loo soo maray halganka
dhamaan agabyadaas waxay ku keydsan yiihiin ilaa waqtigaan xaadirkaana ay
yaalaan keydka raadiyo Muqisho. Barnamijyadaasi waxaa lagu furi jiray laguna
xiri jiray heestii baxday ee "Goormaan ladanaaney". Erayda heestaasna waxaan
kaxusi karaa;
Goormaan ladnaaney 60-kii
Gormaan lulaney 6-dii saac 1-dii luuliyo labo midowday.
Heestani oo qayb ka ah suugaan fara badan oo si gooni ah loogu xasuusto
maalmaha xoriyadda Soomaliya ayaa waxaa hal abuuray abwaan Saciid Maxamed Sacid
Xarawo. Ugu dambeyntii iyadoo ay mudan tahay in la maamuuso maalmaha xorriyadda
Soomaliyeed ayaa waxaa nasiib daraa in qaranimadii iyo midnimadii dhibka badan
laga soo maray ay faraha howl yari uga baxeyso sharaftii iyo cisigii soomaaliaya
ku laheydna caalamka maanta ay tahay mid ku dayacan daafaha dunidda,balse rajada
Alle lagama quustee waxaa hubaal ah in maalin maalmaha ka mida la arki
doono shacbiga Soomaaliyeed oo gacmaha is heysta dibna udhistay dalkiisii hooyo
inshaa alaah.
W/Q: Cabdi Sh Xasan Kulmiye (Cabdiyare)
Minneapolis Minnesota, USA
Email: abdiyare2003@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | June 26, 2009