Sheekh Xasan Dahir Aweys: "waan la dagaalameynaa
ciidan kasto oo yimaada dalkeena.
Shirkii Jaraa'id June 24, 2009, Muqdisho
Dhegeyso ama
soo rogo...
Hogaamiyaha
ururka Xisbul-Islaam Seekh Xasan Daahir Aweys oo maanta
shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay
in ay la dagaalamyaan ciidan kasta ee la keeno dalka
Somalia gaar haan kuwa ay dalbatay dowlada FKMG isagoona
ka jawaabay hadaladii ka soo baxayay DFKMG ee ahaa in
dalka la galiyay xaalad deg-deg ah.
Sheekh Xasan Daahir waxa uu digniin u diray wadamada
dariska la ah Somalia iyo kuwa kale ee caalamka kuwaas
uu ku sheegay hadii xaduudaha dalka ay ku soo xadgudbaan
ay dagaal kala hortagi doonaan, waxana uu ugu baaqay
ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga in ay isaga baxaan
dalka Somalia oo uu tilaamay in ay ku joogaan dalka si
sharci daro ah.
“hadal la isla fahmin ayaa keenta marka hore dagaalka,
marka dagaalka dacwo ayaa ka horeyso waana la
dagaaleynaa hadii amarkaasi la qadan ayuu yiri Sheekh
Xasan Daahir.
Mar wax laga weydiiyay hogaamiyaha sida uu u arko
xukunka deg-dega ahaa ee dhawaan uu ku dhawaaqay
madaxweyene Sheekh Shariif ayuu ku jawaabay in “hadee
wixi uu deg-deg ka dhigayo iyo wixi uu fulinkaro in uu
hakranayo uma maleynayo anagana wax taas naga quseeyo
malahan lakiin midaan ciidamo u yeerashada ah waxaan
bayaankaan ka bixineyno waaye ciidamo ma ogolin hadeey
yimaadaana waa noo sidii.
Sidoo kale mar la weydiiyay dhibaatooyinka soo gaara
dadka shacabka iyo madaafiicda ay iswiidaarsadaan
ciidamada shisheeye iyo kuwa dowlada KMG oo dhinac ah
iyo xoogaga kacdoonka hubeysan “anagu marka aan duqeyn u
geysano horta maxaa loo qeylshaa waba saxannahaye ee
kuwa dadka sida tooska ah u liishaya miyaa wax laga
aamusa ah”ma u dulqadan karno nimanka shacabka Muqdisho
ku garaacaya madaafiic ayuu ku jawaabay hogaamiyaha
ururka Xisbul-Islaam Sheekh Xasan.
Si kastaba, hadalkaani ka soo baxay hogaamiyaha ururka
Xisbul-Islaam Sheekh Xasan Daahi aweys ayaa ku soo
beegmaya xilli maalin ka hor ay dowladda KMG Somalia ay
dalbatay in 24-saac gudohood ay ku soo gaaraan dalka
Somalia ciidamo aan kala sooc laheyn isla markaana xukun
deg-deg ah ku soo roggtay dalka iyadoona sidoo kale
xooggaga Alshabaab ay dhankooda ay sheegeen inay la
dagaalami doonaan ciidan kasto oo soo gala dalka
Somalia.
Warar kale akhri...
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Shirkii Jaraa'id June 24, 2009, Muqdisho