SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

التحالف لإعادة تحرير الصــومــال 

Is-bahaysiga Dib u Xoraynta

WARSAXAAFADEED. 

Isbahaysiga Dib U Xoreynta Somalia (ARS) waxaan jecelnahay inaan isla aragno dhamaan ummada Soomaaliyeed halka xaalada wadankeena marayso .

Ugu horayn walaalayaal waxaan manta jeclahay inaan idinla qaybsado waxa ka soo baxay shirqoolkii ay noo maleegeen dowlada Jabuuti iyo ninka la dhaho Ahmaduu Walad Abdala.

Bilowgii sanadkii 2006da ayay ahayd markii si qaawan wadankeena loo soo farageliayay asagoo la adeegsaday barnaamijkii ashahaado la dirirka oo uu hogaaminayeen Bashiir Raage iyo Maxamed Qanyare balse nasiib wanaag ilaahay waxa uu ka guuleeyay Maxkamadihii Islaamiga iyo bulshawayntii Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay barnaamijkaa Alle casaawajale ayaa na siiyay guul fiican markii la arkay inaan taas ku guulaysanaya ayaa 28/12/2006 waxaa si qaawan u soo galay wadankeena gumaysatihii madoobaa oo damaca dhulkeena uga jiray iyo kuwa damiirlaawayaal ah oo soomaali sheeganaya balse ilaahay damiirkooda waa wiiqay oo waxaa ka guulaystay xoogaga muqaawamadaa ee xaq udirirka ahaa markii la arkay in ummadii Soomaaliyeed guulaysatay ayaa naloo fekeray.

Waxay ahayd bishii april 2008 markii ay soo baxeen rag kale oo kala leexanayaa halgankii lagu jiray kaas oo ay kula kula kulmeen ninka lagu magacaabo Ahmaduu Walad Abdala kaas oo loo soo diray .

  1. Suu muqaawamada u kala jabin lahaa
  2. Suu u qarin lahaa fashilka gumaystaha madow

Markaa waxa uu isku dayay kuwa sheeganaya inay dadka Soomaliyeed walaalo la yihiin wanaagna u hayaan waa dowlada Jabuuti ye inuu ka gado mashruuciisa si qolayaha Asmara ka soo  carara ay meel u dajiyaan una bilaabaan ka qaybqaadashada mashruucaan horay ugu magac darnay Shirqoolka Jabuuti.

Waxaan jecelnahay manta inaan u sheegno dhamaan ummada Soomaaliyeed inuu mashruucii fashil ku dhowyahay amaba dhamaaday.

Yaa wada mashaariicdaan sedexda ah.

1-kii ay wadeen nimankii Ashahaado la dirarka.

2-kii Ethiopianka iyo kooxdii Empaghati

3-kan Walad Abdala iyo kooxda Jabuuti.

Waxaa wada sedexdaan mashruuc runtiisa .

a-Dowlada USA.b-Dowlada Ethiopia c-Dowlada Jabuuti d-Dowlada Kenya  iyo wakiilka UN Ahmaduu walad Abdala.

waxaan jecelnahay inaan idiin bidhaamiyo wax yar danaha dhulkeena iyo dadkeena laga leeyahay .

1-dhulka Soomaaliyeed waa dhul aad u wayn lehna xeeb dheer iyo khayraad aad iyo aad u fara badan kaas oo dowlada Maraykanka ay doonaysay inay gacanta ku dhigto tan iyo waqtigii sideedamaatkii balse markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa 91dii ayay waxay bilowday inay si qaawan u soo fara geliso markii ay ku fashilantay 93dii dagaalkii ay la gashay ummadii Soomaaliyeed oo muqdisho kula dagaashay ayay waxay bilowday inay wadooyinkaan adeegsato.

2-Waxaa loo arkaa dhulkaa wayn inuu lahayn dad badan oo buuxin kara iyo dadkaas oo muslim wada ah loona arko Qatar inay ku yihiin haday xoogaystaan dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo uu ka dhexeeyo colaad diineed iyo mid dhuleedba hada ka horna suu ka sheegay madaxwaynihii hore ee Kenya Daniel Ara Moi uu ka sheegay   jaamacad ku taala dalka maraykanka dowlada Kenya iyo tan Ethiopiaba inaysan raali kanoqayn dowlad awood leh inay ka dhalato dalka Soomaaliya.

Hadaba qaar kamid ahaa hogaankii maxkamadaha iyo muqaawamada oo markii horeba si kale ku soo galay meesha ayaa damacii walad abdala siray oo halaq been been ah u lulay oo uu ku siray.

3-Ethiopia: waa dowlad aan daris nahay balse mudo dheer uu naga dhexeeyay dagaal diimeed iyo mid dhuleedba ilaa iyo waqtigii Axmed Guray taariikhda sida lagu hayo Ethiopia wali Soomaaliya kuma guulaysan riyadeeda balse mar walba waxay isticmaashaa dad magaca Soomaalinimo sheeganaya marna kama bixin dameecada ilaa waxay aaminsan tahay inaysan jirin dad iyo dhul Soomaaliyeed oo aan ka tirsanahay ayaga mantana waxay doonaysaa inay u adeegaan Adan Madoobe iyo Shariif Shiiq Axmed .

4-Kenya:Suu horay u sheegay Danial Aramoi marna ma doonayso inay aragto dowlad danbe oo soomaaliyeed waxaase taa ka sii daran waxay si toos ah ula wareegtay dhaqaalihii wadanka Soomaaliyeed.

a-Ganacsato Soomaaliyeed iyo Soomalida Qurbajoogtaa ayaa dhaqaalahoodii oo dhan galiyay Kenya .

b-Waxaa jooga qaxooti badan oo ugu yaraan loo xawilo bishii lacag ilaa dhowr milyan oo dolar dhan markii laysku daro lacagaha shirkadaha xawaalada siiyaan soomaalida qaxootigaa.

c-waxaase ka siidaran hayadaha samafalka ee sheegta  inay caawiyaan soomaaliya ayaa ayaga tan iyo 1991 dii waxay si toos ah u degan yihiin nayroobi   oo waxay ku qarash gareeyaan lacag dhan ugu yaraan 20 milyan bil walba .

d-danta cusub ee shidaal barista hada soo baxday ayaa ayadana ah mida sii waashay dowlaadan Odinga iyo Kibaki.

Sababahaas iyo kuwa kale  oo badan ayaa sababaya inay ayana rabin in Soomaaliya ka dhalato dowlad awood leh.

Jabuuti: runtii waa nasiib daro inay Dowlada Jabuuti ka shaqayso hagardaamada ummada Soomaaliyeed iyagoo ah dad soomaali ah kuna noqday dowlad dhiiga iyo maalkii iyo maskaxdii ummada iyo dowladii Soomaaliyeed.

Jabuuti waa dalalka mar walba soomaaliya loo soo maro dagaalkii 4 bilood socday ee sanadkii 1991dii ka dhacay muqdisho lana dhihi karo dhibaatada manta jirta asaga ayaa laga dhaxlay    ayadaa masuul ka ahayd , Dowladii Carta oo ay noo samaysayna uma agaasimin sidii la rabay .

Muqaawamada markay xabashida la dagaalaysay diyaaradaha lagu duqaynayay wadankooda ayay ka soo duulayeen .

Dadkii ka soo badbaaday muqdisho oo maxkamadaha ka tirsanaa markay yimaadeen qaarna waa cayrisay qaarna intay qabatay ayay Guwaantanaamo u gudbisay.

Waxaase taa ka sii daran oo ay runtii masuul ka tahay kala jabka muqaawamada iyo dowlada beenbeenta ah oo ay soo dhoodhoobtay iyo dagaalada manta Soomaaliya ka socda oo Ugaandheeska iyo Brundigu ku xasuuqeen shacabkeena.   

Axmaduu Walad Abdala: waa nin dulaal ah oo dhiiga iyo dhulka shacabka Soomaaliyeed ku soo qaatay CONTRACT ah inuu daadiyo kuna indha adag hadana ku fekeraya inuu wadankeena galiyo gumaysi cusub asaga iyo kooxdiisa Jabuuti oo u yeeranaya mar kale Ethiopia.

Gababadii aad ayaan ugu faraxsanahay inaad akhrisay oo samaysay hadana aad fahanto xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta wadankeena hooyo.

1-Isbahaysigu waxa uu u tacsiyaynayaa oo tiiraanyada la qaybsanyaa shacabka Soomaaliyeed oo mar walba lagu xasuuqo BM21 iyo TAANGIGA 55 KA ah oo Ugaandheeska iyo Brundigu ku xasuuqayaan Allena waxaan uga baryaynaa inuu dhibkaa ka dulqaado.

2-Isbahaysigu waxa uu cambaraynayaa oo u cadaynayaa ummada Soomaaliyeed iyo aduunwaynahaba marna inuusan raali kanoqonaynin soo noqoshada ciidamo shisheeye waxa uuna ku baaqayaa in si degdeg ah wadanka looga saaro ciidamada AMISOM si dhiiga ummada Soomaaliyeed look ala badbaadiyo waxaana idiin sheegaynaa cidii aad keentaan  waxay uun soo kordhinaysaa dil,barakac iyo xasuuqa ummada Soomaaliyeed waana la dagaalami doonaa inta wiil ama gabar naga nooshahay.

3-Waxaan ugu baaqaynaa kooxda jabuuti waa fashilmeene inay ummada ka hor wareegaan una cadeeyaan inay qaldameen .

4-Waxaan cadaynaynaa   in wadanka Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad la yiraahdo ummada Soomaaliyeedna loo baahan yahay inay aayaheeda ka tashato.  

5-waxii aan sheegaynaa oo ahaa in kooxda jabuuti aysan waxba uga duwanayn kooxdii ka horaysay ee Embaghati manta waa u cadahay ummada Soomaaliyeed waayo waxay ku dhaqmaan isku hadal iyo isku ficil kuwii horena waxaa u yeerinayay Gabre kuwaana Walad Abdala.

4-Anaga waxaan doonaynaa in ummada Soomaaliyeed aayaheeda faraha looga qaado .

5-In shirwayne lagu qabto gudaha Soomaaliya oo Ummada Soomaaliyeed laysugu keeno oo faraha kala baxaan cadowga ummada Soomaaliyeed.

Marka waxaan ugu baaqaynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in manta ay tahay sidii bilowgii sanadkii 2007da oo cadowgii madoobaa iyo xulufadiisii wali damac uga jiro dhulkeenii Soomaaliyeed aan u wada istaagno difaaca dalkeena meel walba oon joogno. 

Xaafiiska Warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya

Asmara   22/06/20009
isbahaysi@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2009

Sheikh Shariif oo Xukun Degdeg ah (Martial Law) ku dhawaaqay, islamarkaana Aqbalay in Ciidamo Itoobiyaan ah la keeno Soomaaliya...
iyo Kenya oo sheegtay in dib loo eego qaraarka IGAD iyo OAU ee mamnuucayay in ciidamada derisku ay galaan Soomaaliya
Akhri...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version