XUJOOYIN KU SOCDA SHEEKH XASAN DAAHIR IYO SHEEKH SHARIIF.Xukun kan ugu mudani waa kan umadda dhiigeeda lagu badbaadiyo Nabi Luudh baa
qomkiisi ku yiri”alaysa minkum rajulun rashiid”. Waa ayaan daro in laga waayey
dadka degan bartahama iyo koonfurta cullimo iyo caamaba cid u tanaususha danta
iyo maslaxada umadda. Labadda sheekh ee saaxadda siyaasada Soomaaliya maanta
isku haya oo mid kastaa uu ku andacoonayo inuu isagu xaqa ku taagan yahay soo
xujo ku noqon mayso tanaasulkii Xasan binu Cali Abu Dhaalib u sameeyey Mucaawiye
oo ay aabihiis ay dirireen. Markii Cali bin Abu Dhalib uu dhintay waxaa
amiirnimada muslimiinta loo doortay Xasan Bin Cali taageero wayna wuu ka haystay
muslimiintii dhexdooda gaar ahaan reer Ciraaq, Xijaas(Maka iyo Madiina), Faaris
(Iran) iyo Yaman. Mucaaiye Bin Abu Sufyaan wuxuu go,aansaday inuu mucaarado
Xasan maadaaba ay aabihiis is hayeen wuxuuna ciidan ku diyaarsaday dhulkii
markaasi loo yaqaanay shaam hadana loo yaqaano Suriya, Falastiin iyo Urdun.
Laakiin Xasan bin Cali isaga oo markaasi diidanaa kala taga iyo tafaaruqa
safafka muslimiinta iyo sidoo kale daadinta dhiigooda wuxuu u tanaasulay
Mucaawiye kuna wareejiyey xukunkii sidaasi ayuuna lagu mideeyey labadii maamul
ee ay kala hogaaminayeen Xasan iyo Mucaawiye. Xasan iyo Mucaawiye. Heshiiskii ay
gaareen waxa nuxurkiisii lagu soo koobi karaa :
In Xasan uu ku wareejiyo xukunka Mucaawiye , Mucaawiyena uu ku xukumo ummada
kitaabka Alle iyo sunada rasuulka csw
In Mucaawiye uu joojiyo wax ka sheegida Cali bin Abu Dhalib iyo sidoo kale ahlu
beeytka sidoo kalena uusan dhibaato u gaysan maalka, nafta, naagaha iyo ehelada
Xasan bin Cali, Xuseen bin Cali iyo Cali bin Ábu Dhalib Ilaahay ha ka raali
noqdee
In Mucaawiye uusan ka aarsan reer Ciraaq oo ahaa laf dhabarta taageerayaashii
Cali bin Abu Dhalib iyo sidoo kale muslimiintii kale ee taageeray Cali Bin Abu
Dhalib sida kuwii ku koolaa Xijaas(reer Madiina iyo reer Maka) iyoYaman.
In haddii mudada la doortay Mucaawiye ay ka dhamaato uusan xaq u lahayn inuu
magacaabo cidii isaga bedeli lahayd taladana uu kusoo wareejiyo muslimiinta si
ay iyagu uga tashadaan cidii ay u magacaabi lahayd.
Waxaa xusid mudan in Xasan Bin Cali markii uu tanaasulkaasi sameenayey uu
haystay awood ciidan oo kaga adkaan karayey ciidankii Mucaawiye laakiin wuxuu
door biday inuusan aarsan oo uu badbaadiyo dhiiga iyo sharafta muslimiinta waayo
wuxuu garwaaqsaday in waxa sharaftu ay ka dhacayso, dhiigooduna uu daadanayo ay
yihiin walaalaha muslimiinta. Xasan bin Cali Illaahay haka raali noqdee umadda
dhiigeeda iyo maslaxadeeda ayuu ka fakarayey ee dan shaqsi iyo mid qoys midna ma
uusan lahayn.
Talaabadii uu sameeyey Xasan Bin Cali bin Abu Dhalib waxay ku dayasho fiican u
noqon kartaa kuwa ku midoobay xisbul Islaam iyo Sheekh Shariif iyo
taageerayaashiisa. Haddaad maanta u tanaasuli waysaan danta shacabka ogaada
waxaaad garan doontaan maalin aadna waxba qaban karin oo aad ku calaacali
doontaan”Shalay oo taag lahaa talo ma haynin maanta oo talo hayana taag ma
hayo”.
.Inkastoo suugaan laydu tiraahdo dhagax nin haasawiyey amase haaramay hal haleel
inuu ugu hinqado horaba loo waaye aan idinku xujeeyo nabi Muxumumad NNKH iyo
Nabi Ibraahim ilaah haka raali noqdee habkii ay ula dhaqmeen umaddoodi
nabigeenii markii tolkiis ka cayriyeen Maka ee uu hijrooday ee labada malag u
yimidaadeen ee la yiri buuraha ma ku rognaa waxuu yiri dhabaradoodan awlaad xaqa
u gargaarta ka filaya sidaa darteed yaan la cadaabin. Nabi Ibraamih waxuu
yiri”ilaahow umadayda intii I raacdana macayga ka dhig intii I diidana u danbi
dhaaf” ogow labada nabi umadda sanam caabudaysay u naxayeen idinkuna dad
ashahaatiinka qirayaad dhiigooda isku dilaysaan iyadoo ay jirto wajiyo badan oo
umuurta lagu xalin karo.
Qilaafka waxa ay diintu ka qabto aan idinku xujeeyo Ilaahay quraankiisa wuxuu ku
yiri “ha is qilaafinina oo ha murmunina haddii aad is qilaaftan waad
fashilmaysaane awoodiinuna waa kala tagaysaaye”. Kala tagiinii waxaa laga
dhaxlay ceeb, dhiig daata , burbur umadii ku yimaada iyo ssumcad xumo ku dhacda
islaamiyiinti waxaan intaas ahayn oo aad ka macaashteen ii sheega . Boqorka xaqa
lagu caabudaan ku dhaartaye inaan aniga iyo anaga waxba lagu gaarayn ee umadnimo
ha loo soo laabto.
Anoo afhayeen ka ah shacabkii idin taageeray waagii aad golaha maxaakimta ku
midaysnaydeen aan aayad kale idinku xujeeyo saaxabigii Cabdulaahi Ibnu Mascuud
mar la waydiiyey aayada quraanka ugu xikmadda badan waxuu yiri ” eebe waxuu
adoomadiisa farayaa inay sameeyaan cadaalad, samafal iyo qarabadda wax siintooda
iyo xiriirintooda , wuxuuna Ilaahay reebaa xumaanta, munkarka iyo dulmiga
(gardaro), wuuna idin waaninaya si aad u xasuusatan suuratul Al-naxl aayada 90
naad.” Mase hilmaanteen in ALLE Quraysh ugu mana sheegtay ka magan galin cabsi
iyo gaajo taas badalkeeda idinku umaddiini waxaad ehel uga dhigteen kuwa xerta
kaligii muslim(alshabaab)ay is qarxin iyo qaarajin ku dilaan iyo kuwo Amisom
madfac ku disho tiiyoo qax iyo gaajo u wehliso..
Taariikh aan idinku xujeeyee ma ii sheegi kartaan waqti ay umaddu ka horumar
badnayd sanadihii 1970-1978 waqtigaaasi oo dalka lagu dhaqayey nidaamkii
hantiwadaaq cilmiga ku dhisan. Horumarkii la gaaray waqtiyadaasi waxa sabab u
ahaa midnimada ummada oo xooganayd inkastoo nidaamkii hantiwadaagu uu ahaa mid
ka hor imaanayey diinta islaamka. Miyaanay cibro qaadashao idinkugu filayn wixii
lixda bilood ee maxkamadaha qurxoona ka sakoow shareecada la qaatay inay ahayeen
midnimada qayb bulshada Soomaliddu ka mid ihi midowday?.
Maseyr aan idinku xujeeyo inkastoo wadaniyadii Soomaliweyn iyo ALLE oo lala
heshiiyey oo diintiisi dastuur laga dhigtay aysan ka muuqan hadana umadnimada ka
jirta Putland iyo Somaliland waxa ku jira tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan.
Bal dib u eeg taariikhda markii Cabdulaahi yuusuf ku qabsaday gudoomiyanimadii
SSDF Maxamed Abshir ee isimadii Harti doorteen C/risaaq xaaji Xuseen ee
Cabdulaahi diidey. Iyadoo umadnimadii iyo wada jirkii shacabka la ilaalinayo
ayaa maxamed Abshir iyo C/risaaq u tanaasuleen Cabdulaahi Yuusuf iyadoo nin ka
xun oo Cabdulaahi oo lagu aamini lahaa masiirka shacabka reer Puntland uusan
jirin. Bal eeg sidoo kale labada marxuum ee Cabdirahman Tuur iyo Maxamed
Ibraahim Cigaal diritii dhex martay tanaasulka ay ka sameeyeen. Bal dib u eeg
inta jeer ee xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo Daahir Riyaale is qabteen
laakiin mar kasta waxay isagu tanaasulaayeen si aan ummadda amnigeeda iyo
maamulkeeda loo qal qal gelin. Garashadiinana dib u eega qilaafkii Caydiid iyo
Cali Mahdi waxa laga dhaxlay.
Xujadda ugu danbaysa oon idinku oogaya waa sanadihii cimrigiina ka tagey oo aad
ilaahay dartiis u cibaadeysanayseen sow ficilka aad hadda gacanta kula jirtaan
qaatumo xumo ka dhaxlimaysaan oo cibaadadii fitnayn mayo.
Taageeraysha labada nin waxaan ku xujaynaya mar waxaad la kala safan tihiin
dagaal cullimadii islaamku fitno ku sheegtay oo taasi aakhiro wax u dhibaysaa,
marna masirkiini oo la duminayo baad dubaha u sidataan. Haddii aadnan xal ka
dhex dhalin karin dadka masiirkiina horboodaya sidii Hadraawi dhaha”isha xiro
afkana dhowr arag maqal warkana ood” ama sidda qaar ka mid ah asxaabtii yeelen
inay ka dhowrsadeen dagaalkii Cali iyo Mucaawiye dhex marey tiiyoo ay u arkayeen
in Cali xaqa ku taagnaa.
Dalkan umaddii wax loo baray waxaan xujaynaya aduun iyo aakhirabna waa la is
waydiin halka cilmigiini iyo garshadiini aad dhigteen ee arrinta taagani rag
garasho iyo cadaalad kulansatay u baahan tahay intaan jiritaanka Soomali dabar
go,in aragti saddexaad oo wax dhista la imaada xitaa hadii in badan oo idinka
mid ah lagu dilo ama lagu ceebeeyo.horay Soomali u tiri” hadaan la rog rogin rag
baan helin”.
Qalinmaalka(suxufiyiinta) waxaan leeyahay nin walboo durbaan kaad rabto tun
naftiina iyo meheradiiuna halis bay ku jirtaa hadaan umadnimo loo fakarin. Qurba
joogta waxaan leeyahay waayeelkiinuna ihaano ku nool weeye, ilmihiinuna
mustaqbal madoow bay ku sugan yihiin hadaan dalki in la dajiyo loo fakarin.
Siyaasiyiinta aan masraxa ku jirin hadda waxaan leeyahay xil iyo dani ma
imaankarto hadaan umadnimo loo fakarin.
Wadaadada is haya iyo umadda kale ee muslimka ee doodoodu tahay hirgalin
shareeco waxaan leeyahay hadii fitno jirto shareeco lamaba hirgalin karo, hadii
aan umadnimo jirina shareeco lama hirgalin karo. Sidaas darteed waan in lala
yimaadaa marka hore waxyaabaha aasaska u ah fullinti shareecada sida xukum
midaysan, dhul midaysan iyo ummad heshiis ah oo xor ah.
Gabagabadii ficiladda dhacaya oo ay ugu horayso hab dhaqanka Alshabaab , sii
dhimashada sumacadii cullimada kale, doorka siyaasiyiintii wadaniga ahaa oo
saxadda ka maqan guud ahaan arrimahasi waxay gogol xaar u yihiin in dalkan ay
qabsan doonaan shisheeye ayna dagaal iska hor imaan doonaan kooxda Shabaab ee
aan iyagu wax masaalix Soomali leedahay ku dhex jirin guud ahaan ragga kalana oo
labadda nine ee is haya ugu horeeyan miisaankooda siyaasi meesha ka bixi doono
Ilaahoow adaan magantaada nahaye amuurteena islaaxi.
CAANAGEEL.
caanageel@hotmail.co.uk