SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad si wayn loo soo Agaasimay laguna soo Bandhigayay Diyaaradii ugu Cusbayd ee Sanadahan ka soo dagto Garoonka Hargaysa oo lagu Qabatay Madaarka Hargaysa, Xubno uu ka mid ahaa Wasiirka Duulista Hawada, Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo…

Waxaa Xaflad si wayn loo soo Agaasimay ayna ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin siyaasiyiin Caan ah iyo Culu’maaudiinka Magaalada Hargaysa laguna Mamuusayay ama Xariga looga Jarayay mid ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya iyo Somali-land ay ku soo bandhigaysay Diyaarad Cusub oo Nuuceedii ugu Horeysay ka soo dagtay Garoonka Egal Airaport.

Shirkada Diyaaradaha ee Daalo Airlines oo ah tii ugu Horeysay ee ka shaqa bilaawda Soomaaliya 1992-dii ayada oo halkaasi ku soo bandhigtay Diyaarad Cusub oo DC9- Jet ah.

Shirkada Duulimaadyada Dayuuradaha ee Daallo Airlines ayaa shaacisay inay soo kordhisay Duulimaadyo maalinkasta todobaadkii si joogto ah u iman doonaan dalka, kadib markii ay soo kordhisay Dayuurad cusub oo Nooceedu yahay Jet DC9 oo qaadkeedu yahay 91-qof oo isugu jira Econimic Glass iyo Business Glass.

Munaasibadii loo sameeyey Dayuuradan cusub oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Warancadde, Shirgudoonka labada Gole Barlamaan, Guurtida iyo Wakiillada, iyo Xubno ay ka mid ahayd Wasiiradii Hore ee Arrimaha Dibada Somali-land Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Salaadiin, Ganacsato,Culimaa’udiin, Masuuliyiin ka kala socotay Shirkadaha Dahabshiil, iyo Telesom, Aqoonyahano, Maamulka shirkada iyo marti Sharaf kale.

Guddoomiyaha Shirkada Dayuuradaha ee Daallo Airline Muniir Xaaji C/laahi (Abusite) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad-celiyey Marti-Sharaftii ka soo qeybgashay Xafladaasi sida ay isku xil-qaameen, ee ay wakhtigoodi ugu hureen, waxaanu yidhi “DaalLo Air-line waxay ka mid tahay Dayuuradihii ugu horeeysay ee ka Hawlgala Somaliland, ee Bulshada u fidiya adeega Duulimaadyada,Iyada oo ku bilowday Diyaarad yar oo qaadkeedu ahaa 7-qof.”

Gudoomiyaha Shirkada Daalo ayaa waxa uu ku dheeraday ama waxa uu ka Sheekeeyey Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Shirkada Diyaaradaha Daallo Airlines, iyo Duruufihii ku xeerna marka laga soo bilaabo markii dalka dib loo soo Noqday, waxa uuna yiri asaga oo hadalkiisa Sii wato Mudane Muniir.

“Wakhtigaas oo ahaa markii wadanka dib loogu soo noqday 1991-kii, Duruufuhuna ay aad u adkaayeen, Dayuurada yar waxaanu Af-Soomaali ahaan ku odhan jirnay Malaabato, waxay lahayd laba taayir oo kaliya oo aan laaban, waxaana Marmarka qaarkood dhici jirtay todobada qof ee ay diyaaradaasi qaado aan la wada heli jirin.

“Waxaanu Captain-ka Dayuurada u sheegi jirnay inuu Sadex ilaa far jeer ku soo wareego Magaalada si uu dadku u ogaado inay diyaaradii soo degtay, taasi oo qofka la sugi jiray inta uu laba sacadood ilaa sadex sacadood soo lugeynayo oo uu qofba si ku iman jiray, oo uu qofna soo lugeyn jiray qofna gaadhi ku iman jiray, Al-xamdu lilaah maanta waxaynu mareynaa meel aad u sareysa.” Waxa uu ku Dooday Muniir Abusite oo hadalkiisa sii wata inaan la soo koobi karayn Marxaladihii kala duduwa ee ay soo mareen Duulimaadyadu.

“Maanta ayaan waxaan Xafalad halkan ugu samaynaynaa Diyaarad cusub oo ah Jet DC9, diyaaradaas oo uu qaadkeedu yahay 75-qof Economic Glass, 16-qof Business Glass, Markaa waxaaanu halkaa ka qiyaasi karnaa markii todobada qof loo la’aa Duulimaadka ee aanay wada buuxin jirin iyo maanta oo aynu mareyno Economic Glass, taasina waxay ku tusinaysaa is-bedelka la gaadhay, inkasta oo qaadatay muddo badan, hadana waxay qaadatay muddo badan” ayuu ku Nuux Nuux Saday Muniir oo hadalaka iyo qaabaka ay Daallo u shaqa bilaawday ku dheeraaday.

Sidoo kale Mar uu Guddoomiyuhu ka hadlayey waxa ay soo kordhiyeen Shirkada Daallo Airline Wakhtigan waxa uu sii raaciyay.

“Waxay Shirkadu Duulimaadyadeedi ku soo kordhinaysaa inay todobada Cisho ee Wiigiiba Duulimaadyo yeelanayso, kuwaas oo dhamaantood noqon doona Hargeysa Airport. Waxa kale oo intaa dheer inaanu dhawaan bilaabi doono Duulimaadyo Gobolka Geeska Africa oodhan isku xidha oo ku xidhma Hargeysa. Tusaale ahaan Nairobi oo laba Duulimaad, Sucuudi Arabia Sadex Duulimaad, todobada Duulimaad oo Dubai ah, Yurub laba Duulimaad, iyo Adis ababa oo aanu laba Duulimaad ka dhigi doono iyo kolay wixii horumara ee soo kordha.

Waxaa sidoo kale Hadalka qaatay oo si wayan loo wada Sugayay Gudoomiyaha golaha wakiilada iyo kan Guurtida waxaana hadalka ku Hormaray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku hanbalyeeyey Shirkada Diyaaradaha ee Daalo Airline Dayuuradan Cusub ee ay soo kordhisay, waxaanu yidhi.

“Shirkada Daalo Airline waa shirkadii ugu horeysay ee reer Somaliland ah ee sameysanta, sida ay u soo kortayna uu ka sheekeeyey Muniir, adeeg loo baahnaana u soo kordhisay dadka.Waxa kale oo muhiima inay kordheen Duulimaadyadii oo qaarkood ay noqdeen todobadii maal-moodba. Dadka Reer Somaliland iyo dadka ajaanibka ah ee Somaliland imanaya mararka qaarkood waxay ka fikiraan inay Duulimaadyo helayaan iyo in kale inay joogto yihiin iyo in kale, markaa taa laftigeedu waxay kalsooni badan siin doonta dadka doonaya inay Soomaaliland yimaadaan oo ay Maalgashadaan ama Shaqooyin kale u yimaadaan. ”.

Waxaa hadalkii qaatay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku Bilaabay.

“Allaahu Akbar, allaahu Akbar, Dagaal idin gelin maayee waa bogaadin barrigii hore dagaal baad uga barateene’e, anigu waxaan ogaa inay diyaaradii u horreysay ay ahayd Geesinimana ay lahayd, mida labaadna meel baayac-Mushtari cirka mara laga furo may ahayn, meel walba qoribaa lala taagnaa aad iyo aad ayaan idiinku Bogaadinayaa haddii aad shirkada Daallo tihiin in badan baanu idinku aanaanaynay oo idinku lahayn bahalan. Baalalka weyn naga bedela.”

Waxaa hadalkii Maraakaas kadib qaatay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Warancadde oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay diyaarad weyn ee Casriga ah ee ay soo kordhisay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airlines, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yiri.

“Waxaan aad u jeclahay maanta Munaasibada halkan aan u fadhino, oo aan ku sinayn uun diyaarad inoo timid oo qudha laakiin ka turjumaysa horumarka, Shacbiga iyo Dawladba Somaliland ay ku talaabsatay, oo sida Bakaylaha yaynaan u ordiiye oo sida diinka inagoo u gur-guuranayna oo aynu haddana Jarayno xawli, ayay arrinta aynu maanta halkan u fadhinaa ka turjumaysaa waana arrin qiimo iyo qaayaba leh.

“Dalkeena waxa laga soo galaa Barriga, Badda iyo Cirka, intii uu dalkani ka soo Noqday baa’bii cirka waxa furay Daallo, Baddana waxa furay rag Ganacsato ah oo ragga maanta nool aan Ibraahim Dheere ka xasuusto, oo iyadoo dalku uu bilow yahay si Geesinimo ah u soo diray maraakiibtii u horeysay oo uu dekeda Berbera ka soo dejiyey sidaana dekedeenu ay waraabiso dalal ku yaala Geeska Afrika, taasna waxaan uga mahad ballaadhan uga celinaynaa cidii arrintaas ka hawlgashay,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada.

“Diyaaradani waxay fudaydinaysaa in dhammaan dadkeena dibedaha ku maqan ama kuwa Dhoofayaa ay helaan Muddo gaaban iyo Raaxo wanaagsan inay ku Dhaafeen ama ku yimaadaan dalkooda. Arrintaasi waxay nagu qaadatay tacab faro badan iyo wakhti dheer.” Ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada oo ku dheeraaday amaanta Shirkada Daallo Airlines.

Mudane Cali Maxamed Waran-cadde wuxuu sheegya inay muddo badan iyo tacab badan ka qaadatay sidii ay dhabada Diyaaraduhu ka haadaan ay u Dayactiri lahaayeen ama ay Nab-Nabi lahaayeen meelihii goo’gonaa, waxaanu tilmaamay in dayactir ka dib ay dalka Shiinaha ka keeneen khubaro Qiimeysa in diyaaradaha Culculusi ay fadhiisan karaan Madaarka iyo in kale.

“Waxaa Markhaati ka ah Baylootka diyaaradani cusub inta uu halkan yimid ayuu yidhi madaarka Hargeysa waa madaar wanaagsan oo aanu ku dul dagi karno.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyiintii Suldaan Maxamuud Axamed Sheekh, oo ka mid ah Madaxda Shirkada Daallo Airline waxaanu sheegay ka Waramay wax-tarka shirkadaasi soo kordhisay. Waxaanay ammaan ballaadhan u soo jeediyeen Wasiirka Duulista Hawada Mudane Cali Maxamed Waran-cadde oo ay sheegeen in uu mudadii uu xilka Wasaaradaasi hayay uu waxqabad badan Muujiyey isla markaana uu Casriyeeyay Madaarka Hargeysa oo ay ku adkaysteen inuu heer fiican tagaan yahah.

Ugu dambayntiina waxa uu Wasiirka Duulista Hawadu Cali Waran-cadde uu Shirkada Daallo Airline gudoonsiiyey Shahaado Sharaf uu ku Maamuusay Adeega ay dalka u soo kordhisay.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Aadan oo dhamaantood ka sheekeeyey taariikhdii kala duduwanayd ee ay soo martay Shirkada Daallo Airline tan iyo markii la asaasay, ayaga oo ku amaanay sida Sharaftaleh oo ay mar walba ku dadaasho In ay dalka ku soo kordhiso wixii wanaag ah.

Ugu Danbayn waxaa halkaasi lagu soo bandhigay oo Saxaafada la tusay Diyaarada Cusub ee DC9- Jet ah oo ahayd mid aad u Cusub waxaana Duuliyihii uu duulimaad Hawada iyo dhulka ah ku Tusiyay dadakii ka soo Qeyb galay Xafladaasi.

Diyaaradani ayaa Duuliyihii waday waxa uu Qadar daqiiqado ah Dhoolatus ku samaynayay Hawada, ayada Diyaaradani Qadar ka yar halka ay aaka kacaan kuwa kale ka kacdo Maadaama ay tahay Diyaarad Casri ah.

DC9- Jet ayaa waxay ka kacedaa Masaafo 40% hlka ay Diyaaradaha kale ka kacaan 90% Masaafaiao ahaan ran wayga ay ka Duulayaan, taasi oo ay Muujinayso in ay tahay Mid casri ah.

Maamulka Daallo ee Hargaysa ayaa noo xaqiijiyay in Maalmaha soo socda ay shaqa Bilaabayso Diyaaradani ayada oo tagaysa Dhamaan dalalka ay tagto Diyaaradani.

Shirkadani ayaa waxay tahay Diyaarada kaliya ee tagta Wadamada Yurub ayada oo si Fudud kuugu keenaysa goob kasta oo Howshu waa Yurub ka soo quraaco Afrika sida Soomaaliya iyo Somali-land kala Cashee familkaaga, Ilmahaaga iyo Reer kaaga.
Maamulka Daallo Airlines ayaa waxa uu Noqonayaa kii ugu Horeyay ee Diyaarad DC9- oo Jet ah Keena Soomnaaliya ama Somali-land, Wallow la dhihi karo Shirkadani waxay gaartay Heer aad u Sareeya oo ah dhinaca Duulimaadka.

Diyaaradani Cusubi ayaa waxay ku soo aadaysa ayada oo la gaaray Xiligii samarka ee dadka Dagan Yurub iyo Maraykanka ay u soo damaashaad tagi lahaayeen Dhulalka Heerkoodu Hooseeyao ama caadiga yahay sida Soomaaliya iyo Somali-land.
Isku soo Duuboo Xiliyada ama Sadaxda bil soo socota ayaa Caruurta Soomaalida ah ioyo kuwa kalaba ee Dagan Dalalka Yurub waxaa loo soo Xiraa iskuulada kuwaasi oo ka faa'idaysta Xiliyada fasaxa ama Xagaaga.

Cabdixakiin Cilmi Xasan: Xafiiska Daallo Airlines: Hargaysa

Cabdixakiin44@hotmail.com
0025-22-4157101

Faafin : SomaliTalk.com | June 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version


Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.