Xog Cusub oo Ka
Soo Baxday Wiilal Laga Waayay Minnesota
By Abdirahman Aynte ,
Washington, VOA,
17-June-2009
 |
Caabiya Ciise waxa ay
xog ka bixisay in loo digay wiilasha qaar iyo waalidkood ka hor
safarkooda |
ISHA WARKA: VOA: (Waxaa warkan sidaas uu yahay u faafisay Idaacada
Codka Maraykanka:)Macluumaad horleh ayaa kasoo baxaya dhallinyaro
Soomaali-Mareykan ah oo ka safray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Dhallinyarada ayaa la rumeysan yahay inay Soomaaliya ugu socdaaleen si
ay ugu biiraan kooxda al-Shabaab.
Haweeney Soomaali ah oo ka shaqeyneysay xafiis tigidhada lagu jaro,
ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in iyada, iyo maamulka
masjid ay dhallinyaradu ku cibaadeysan jireen, ay u digeen qaar kamid ah
waalidiinta wiilashaas, ka hor intii aaney dhallinyaradu u baqoolin
Somalia.
Xogtan cusub ayaa ka hor imaaneysa eedeymo ay soo jeedin jireen qaar
kamid ah qaraabada wiilasha Somalia aaday, oo aheyd in wiilashooda
masjidka laga abaabulay.
Waa markii ugu horreysay ee ay soo baxdo caddeyn muujineysa in maamulka
Masjidka Abubakar Assidique ee magaalada Minneapolis, uu qaaday iskuday
uu ku baajinayo socdaalka dhallinyarada Soomaali-Mareykanka ah ee u
dagaalka doontay Somalia.
Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore,
waxay wadeen baaritaan ay ugu kuur galayaan sida ay u dhoofeen
labaatameeyo dhallinyaro Soomaali-Mareykan ah, oo la sheegay inay ku
biireen kooxda Al-Shabaab, oo uu Mareykanku u aqoonsan yahay inay tahay
koox argagixiso ah, xiriirna la leedahay ururka al-Qaacida.
Qaar kamid ah qaraabada dhallinyaradaas ayaa ku eedeeyey maamulka
Masjidka Abubakar Assidiiq, oo ah masjidka ugu weyn ee Soomaalida
Mareykanka, inuu ka dambeeyey in dhallinyaradaasi ay Somalia u
baqoolaan. Laakiin masjidka ayaa gaashaanka u daruuray eedeymahaas.
Ha
yeeshee haweeney la yiraahdo Caabbiyo Cabdi, oo ka tirsan mutadawiciinta
Masjidka, ayaa u sheegtay xeer-beegti ay dowladda Mareykanka u saartay
baaritaanka arrintan, inay maamulka masjidka u sheegtay dhowr bilood
kahor, in laba kamid ah dhallinyaradaas, oo la kala yiraahdo Max’ed
Xasan Miski iyo Mustaf Cali Salaad, inay damacsan yihiin inay u dhoofaan
Somalia. Dhallinyaradaas ayaa qiyaastii bil kaddib markii ay Cabbiyo soo
sheegtay, waxay u dhoofeen Somalia, halkaas oo la rumeysan yahay inay ku
biireen kooxda al-Shabaab.
Caabbiya ayaa sheegtay in xafiis ay ka shaqeyneysay ay ku aragtay laba
wiil oo doonayey inay tigidho u goostaan Somalia. Waxay sheegtay in
markiiba ay sawir ka sameysay baasaboorro Soomaali ah oo ay wateen, isla
markaana in iyada iyo maamulka Masjidka Abubakar Assidique la xiriireen
waalidka wiilashaas, lana wadaageen qorshaha wiilasha.
Maamulka Masjida Abubakar Assadique, ayaa VOA-da u xaqiijiyey in markii
ay Caabiya soo sheegtay wiilasha, ay iyaguna markiiba la xiriireen
waalidka wiilashaas, iyagoo waliba la wadaagay sawirka baasaboor
Soomaali ah, oo la rumeysan yahay inuu ahaa mid been abuur ah.
Mid kamid ah dhallinyarada Somali-Mareykanka ah ee Somalia aaday, ayaa
toddobaadkii hore ku dhintay Somalia, inkastoo aysan caddeyn duruufaha
uu ku dhintay.
Xogta ku saabsan in maamulka masjidka Abubakar Assadique uu isku
taxallujiyey inuu baajiyo wiilasha baxay, ayaa si weyn uga hor imaaneysa
eedeymo ay si joogto ah usoo jeedin jireen qaar kamid ah qaraabada
wiilasha Somalia ku maqan.
Mid kamid ah wiilasha Somali-Mareykanka ah ee Somalia u dagaalka
doontay, oo magiciisa ku maldahay Abu Muslim, ayaa dhowr bilood kahor
wareysi siiyey idaacad ku taalla magaalada Kismaayo, oo ay leedahay
kooxda al-Shabaab. Wuxuu hoosta ka xarriiqay ineysan jirin cid soo
marin-habaabisay, balse ay iyagu usoo jihaad-doonteen Somalia.
Mid kale kamid ah wiilashaas, oo la yiraahdo Shirwac Axmed, ayaa la
sheegay inuu kamid ahaa naftii-hurayaal isku qarxiyey bartilmaameedyo ku
yaalla Hargeysa iyo Boosaaso, bishii October iyo sanadkii hore.
Dowladda Mareykanka ayaa baaritaan adag ku wadda. Laanta sirdoonka ee
FBI-da ayaa ka gaabsatay inay xaqiijiso wararka ku saabsan wiilasha
Somalia u baqoolay, ha yeeshee waxay sheegtay inay ka warheyso inay
Somalia aadeen.
Isha: VOA Somali
Wararkii
Hore ee Wiilasha Maqan Halkan ka akhri (Minneapolis)
Related News