SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAR SAXAAFADEED

Shaqaaqada ka dhanka ah Hawlaha Gargaarka ee Jowhar Waxa ay Halis Gelineysaa Carruurta iyo Haweenka Soomaaliyeed

NAYROOBI, 17 Juunyo 2009: UNICEF waxa ay aad uga xumaatey weerarka iyo shaqaaqooyinka cusub ee ka dhanka ah howlaha gargaarka bani’aadamnimada ee Soomaaliya kuwaas oo halis weyn gelinaya nolosha carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ugana sii daraya silica ba’an ee horeyba u sii dabadheeraa, isla markaana yaraynaya sidii ay ku heli lahaayeen adeegyada xasaasiga ah, ayey tiri Hannan Suleymaan, oo ah Ku-simaha Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya.

La wareegiddii ay maaliishiyaad la wareegeen xarunta UNICEF markii magaalada Jowhar ee Bartamaha Soomaaliya ay qabsadeen xubno Al-Shabaab ka tirsani 17kii Maajo iyo bililiqadii iyo burburintii ka dambeysey ee loo geystey sahaydii iyo qalabka bani’aadamnimada ee logu talagalay in lagu badbaadiyo nafta dadka aadka u tabaalaysan ayaa si weyn u saameysey awoodda ay UNICEF u leedahay wax ka qabadka gargaarka adeegyada muhiimka ah ee ay siiso carruurta iyo haweenka aadka u liita. Ilaa waqtigan, xarunta UNICEF ayaa weli ay haystaan maliishiyaad iyada oo shaqaalihii UNICEF-na aaney gaari Karin xarunta.

“In kasta oo maamullada degaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla iyo UNICEF ay leeyihiin xiriirro iskaashi, waxa aan Jowhar kala kulanney dhaqaaqo aan hore noo soo marin oo ka dhan ah hawlaha bani’aadamnimada, waana xaalad welwelka ay UNICEF ku hayso mid ka weyn ku abuureysa bulshooyinka Soomaaliyeed.” Ayaa ay tiri Hannan Suleymaan. “Kuwa ku kacaya falalkaan aan la aqbali karin oo ay mas’uuliyad-xumada ka muuqato waa in ay fahmaan in falalka ay ku kacayaani cirib-xumo ba’an ku leeyihiin carruurtooda, haweenkooda, bulshadooda iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan”.

Caqabaddan ba’an ee haysata shaqada UNICEF waxa ay kusoo beegantay xilli xasaasi ah oo dadka Soomaaliyeed ay baahi badan uqabaan gargaarka bani’aadamnimo. Ilaa iyo bilowgii bishii hore, 122,000 oo qof ayaa ku barokacay dagaalladii ba’naa ee ka dhacay Muqdisho, tiradaas oo ah tii ugu badneyn ee dad cusub oo ku barokacay muddo hal bil waxyar uun ka badan. Dadka barokacay ma haystaan xataa adeegyada aasaasiga ah ee ay ka mid yihiin hoy, cunto, biyo iyo ilaalin/badbaado. Xaaladda ba’an ee dadkaas ku habsatay waxaa sii murjiyey iyada oo hay’adihii bani’aadamnimada ay ka maqan yihiin goobta. In kasta oo ay UNICEF hawsheeda ka sii waddo Soomaaliya, haddana joogiddeeda gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa wax u dhimey haysashada ay xarunteeda ay weli haystaan maliishiyaad, iyo sahaydeedii oo ku kala go’dey Jawhar.

“Shabakadda hay’adaha ee fuliya howlaha gargaarka UNICEF waxay ka kooban yihiin ilaa 100 hay’ado aan dowli ahayn iyo kuwo bulshada ah kuwaas oo aan dhisaynay muddo sanado ah si ay u fuliyaan howlaha gargaarka ee caafimaadka, nafaqeynta, biyaha iyo fayadhowrka, waxbarashada iyo howlaha taakulaynta iyo badbaadinta caruurta.” Ayey tiri Hannan Sulaymaan. “Haseyeeshee, shabakaddaas ayaa qarka u saaran in ay burburto sababtoo ah waxaan awood u yeelan weyney in aan wakhtigii loogu talagalay gaarsiino sahaydii gargaar ee ay howlfuliyeyaasheenu, oo intooda badani ay Soomaali yihiin,  ku gargaari carruurta iyo haweenka ka faa’iideysta mashaariicda howlaha lagama maarmaanka nafbadaadinta.”

Iyada oo qalabkii qaboojiyaha (keydkii talaalka) tallaalka ee Jowhar - oo ahaa kii ugu weynaa Soonka Bartamaha-Koonfurta – aannu hadda shaqeynin, ayaa kumanaan xabbo oo tallaal nafaha lagu badbaadinayey oo loogu talogalay carruurta iyo haweenka ay burbureen. Sahaydii nafaqada aadka u qiimaha badneyd ee loogu talogalay in loo qaybiyo 40,000 oo ka mid ah carruurta aaka u tabarta daran da’dooduna ka yar tahay saddex sano si looga hortago nafaqo-darrada ba’an ee haysata ayey biliqeysteen maliishiyaad. Jowhar waa xarunta ugu weyn ee UNICEF ay ka gargaarto ilaa 200 xarumo quudineed oo lagu daweeyo carruurta ay hayso nafaqo-xumada aadka u ba’ani – taas oo ah xaalad nolosha halis gelisa- iyo 80 barnaamijyada quudinta dheeriga ah oo lagu daweeyo carruurta ay hayso  

nafaqo-xumada dhexdhexaadka ah. Daahidda sahayda nafaqada iyo tan daawadu ay ka daahayso curruurtaas aadka u liidata iyo dhibaatooyinka kale ee loo gaysanayo howlaha gargaaka bani’aadnimada waxay hoos u dhac lixaad leh ku keneen tayadii adeegyada howlaha gargaarka taas oo halis gelinaysa nafaha iyo wanaagga carruurta nugul.

“Waxa aan si weyn ugu boorrinaynaa in aan sina loo hor istaagin howlaha bani’aadamnimada waxaan kaloo ka dalbanaynaa in si dhakhso ah na loogu soo celiyo xaruntayadii aan ku lahayn magaalada Jowhar iyo in la soo celiyo qalabkii iyo sahaydii la bililiqeystey.” ayaa ay raacisey Hannan Suleymaan.

Macluumaad dheeri ah fadlan kala soo xiriir

Iman Morooka, Salkaalka Isgaarsiinta, UNICEF Somalia, Email: imorooka@unicef.org, Mobile: +254 714 606 733

MEDIA RELEASE

Hostilities against Aid Work in Jowhar Put Lives of Somali Children and Women at Risk

NAIROBI, 17 June 2009: UNICEF is gravely disturbed by the new wave of aggression and hostilities against humanitarian aid work in Somalia which is putting lives of Somali children and women at great risk and further compounding their extreme and already protracted suffering by hampering their access to crucial life-saving services, stated Hannan Sulieman, Acting UNICEF Representative to Somalia.

The take-over of UNICEF’s compound by militiamen following the fall of Jowhar town in Central Somalia under the control of Al Shabaab members on 17 May and the subsequent looting and destruction of life-saving humanitarian supplies and equipments have enormously affected UNICEF’s ability to deliver services to the most vulnerable children and women. To this date, the UNICEF compound remains occupied by militiamen and inaccessible to UNICEF staff.

“While local authorities and UNICEF maintain cooperative relationships in many areas of Somalia, we are witnessing and experiencing an unprecedented level of aggression against humanitarian work in Jowhar, a situation that should cause a great deal of concern not only to the aid community but primarily to Somali communities.” said Sulieman. “Perpetrators of these unacceptable and irresponsible actions must understand that their actions have serious consequences on their own children and women, their own communities and people”.

This severe constraint on UNICEF’s work comes at a critical time when Somali people are most in need of humanitarian assistance. Since the beginning of last month, 122,000 people have been displaced by the fierce fighting in Mogadishu, the largest caseload of new displacement in just over one month. Displaced people are lacking even the most basic services including shelter, food, water and protection. Their dire situation is further exacerbated by the lack of humanitarian agencies’ presence. While UNICEF continues to work in Somalia, its presence in Central South regions has been jeopardized by the ongoing occupation of its premises by militias, and the disruption of its supply chain through Jowhar.

“Our aid delivery network consists of over 100 non-governmental and community-based organizations which we built and cultivated over the years to provide emergency health, nutrition, water and sanitation, education and protection services.” said Sulieman. “However, this network is at risk of collapsing due to our inability to provide timely assistance to our partners, mainly Somali, to assist children and women through critical programmes.”

With the cold-chain (vaccine storage) equipment in Jowhar- the biggest in Central South Zone- currently non-functioning, thousand of doses of life-saving vaccines for both children and women have been destroyed. Highly valuable nutritional supplies meant to be distributed to 40,000 of the most vulnerable children under three years old to prevent malnutrition were looted by militiamen. Jowhar is the biggest operational hub for UNICEF’s support to about 200 feeding centres for the treatment of severely malnourished children- a life threatening condition- and 80 supplementary feeding programmes for the treatment of moderately malnourished children. Delays in the delivery of nutritional and medical supplies and undermining of quality of services put lives and well-being of vulnerable children at risk.

“We strongly urge that humanitarian work not be impeded in anyway and demand the immediate return of our facilities in Jowhar town as well as the release of looted equipments and supplies.“ added Sulieman.  

For more information please contact:

Iman Morooka, Communication Officer, UNICEF Somalia, Email: imorooka@unicef.org, Mobile: +254 714 606 733

 

Faafin : SomaliTalk.com | June 17, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version