Shacabka ku haray Magaalada Muqdisho oo ay la soo daristay walwal iyo
Walbahaar
Iyadoo labo todobaad Magaalada Muqdisho aysan ka dhicin wax dagaalo ah ayaa
haddana waxaa magaalada laga daraamayaa saansaan colaadeed oo u dhexeysa
Ciidamadda Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Waxaa labada dhinac ay daabulayaan ciidamo iyo Gawaarida dagaalka kuwaas oo la
geynayo goobo hor leh, sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ku soo kordhay
Koontaroolo ay labada dhinac ku baarayaan Gawaarida iyo Dadweynaha, mararka
qaarkoodna waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo u muuqata mid loogu diyaar
garoobayo colaad mar kale dhac.
Dadweynaha ku haray Magaalada Muqdisho ayaa haatan arrimahan ka muujinaya walwal
iyo walbahaar, iyagoo ka cabsi qaba in mar kale dushooda lagu dagaalamo, waxaana
shacabkaasi ka muuqata marka aad fiiriso guntooda hoose diif iyo darxumo, waayo
20-sano ah ayay waxay ku soo jireen Dagaalo iyo iska hor-imaadyo.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa la geeyey goobo ku yaala Magaalada
Muqdisho kuwaas oo u muuqda u diyaargarow dagaal, iyadoo Dowladduna ay dhowr
jeer ku celcelisay in ay la dagaalami doonto kooxaha iyada ka soo horjeeda,
sidoo kale Gobolada Dalka ayaa iyana waxaa ka jira abaabulo dagaal, waxayna
kuwooda ugu badan ka socdaan gobolada Hiiraan, Galguduud, Bakool, Gedo iyo kuwo
kale, iyadoo mas’uuliyiin ka tisan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay sheegeen in
ay iska difaaci doonaan cid kasta oo ku soo xadgudubta deegaanada ay gacanta ku
hayaan, sidoo kale mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka oo goboladaasi
ku sugan ayaa waxay sheegeen in maalmaha soo socda ay dib ula wareegi doonaan
goobihii horey ay ula wareegeen mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda, isku wada
duuboo xaalka Soomaaliya ayay Shacabku ka muujinayaan rajo beel, waxayna
shacabku u muuqdaan kuwo ka daalay dagaalada doonayana in wixii khilaaf ah lagu
xaliyo wada hadal iyo isafgarad.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Goobaha ay ka taliyaan Muqdisho Ururada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo uu
ka hirgalay Amar ay ku soo rogeen Gawaarida dadweynaha…
Ururada Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo gacanta ku haya
qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaqangalay amar ay ku soo
rogeen Gawaaridda Dadweynaha ee loo yaqaano BL, waxaana amarkaasi sheegayaa in
Ragga iyo Dumar la kala sooco, waliba Dumarka waxaa loo qoondeeyey in ay Gaariga
ka fariistaan Kuraasta Dambe halka Raggana loo qoondeeyey Kuraasta hore.
Ururadaan ayaa goobaha ay ka taliyaan waxay ka sameeyeen Koontaroolo ay ku
baarayaan Gawaarida, iyadoo gaarigii lagu helo isagoo sida rag iyo dumar aan ka
soocneyn uu la kulmi doono ciqaab.
Gaari BL ah oo aan ka raacay Black Sea ayaan markaan mareyno Wasaaradda
Gaashaandhiga nala joojiyey, markii Baaritaan ayaa nalagu sameeyey waxaana la
arkay Haweenay dhex fadhiday Labo Rag, waxaana markiiba Amar lagu siiyey in ay
dhulka u soo degto iyada iyo Dawarkiina waxaa loola baxay meel gaar ah,
tashkiilin kadibna, Haweenaydii waxay ku qanacday in ay gadaal ka fariisato
Gaariga.
Darawallada wada Gawaarida BL-ka ayaa si wanaagsan ugu hogaansamay amarkaasi,
iyadoo dadweynaha gaar ahaan Dumar ay si weyn ugu qanceen in ay ka dambeeyaan
raga, sidoo kale Dumarka ayaan loo ogoleyn in ay raacaan shirka hore ee Gaariga,
waayo lama ogola in Haweenay iyo nin darawal ah wada fariistaan.
Mar aan wareysanay mid ka mid ah Haweenka Isticmaala Gawaarida BL-ka ee u
ganacsi taga Suuqa Bakaaraha ayaa waxay tiri “Inkastoo ay jiraan Haween Xaamilo
ah oo aan xamili Karin gadaal haddana sharciga waanu ku qanacsannahay, oo way
fiican tahay in ragga iyo dumarka la kala sooco”. Amarkaan ayaa sidoo kale waxa
uu ka dhaqan galay dhamaan meelaha ka taliyaan labada urur ee ka soo horjeeda
Dowladda.
Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in haddii Gaariga rakaabka ugu badan ee
saaran noqdaan Haween uu gaarigaasi ku qasbanaanayo in uusan qaadin wax rag,
sidoo kale haddii raggu ku bato waxaa qasab noqoneysa in uu rakaabsato wixii
rag, oo xitaa haddi ay qof dumar ahi taagan tahay waddada waa uu ka
dhaqaajinayaa.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Dowladda Federaalka iyo Ururka Ahlu-Sunna Wajameeca ee Gobalada dhexe oo
kulan ku qaatay Muqdisho
Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay kullan ay isugu
yimaadeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Ururka Ahlu Sunna
Waljameeca ee ka dagaalama Gobolada Dhexe, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka
hadlay Guddoomiyaha Ururka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe Sheekh Cumar Max’ed
Faarax, waxa uuna sheegay in hadda ka hor aysan wax xiriir wada yeeleen iyaga
iyo Dowladda Federaalka, balse waxa uu sheegay in muuqato saansaantii ay xiriir
ku wada yeelan lahaayeen iyaga iyo Dowladda Federaalka.
“Waxaan noqonay isku hadaf, kaas oo ah in aan meel uga soo wada jeesano kooxaha
naga soo horjeeda” ayuu yiri Sheekh Cumar oo sheegay in ay dagaalka sii wadi
doonaan tan iyo inta ay ka sifeyn doonaan kooxahaasi oo uu ku tilmaamay in ay
yihiin kuwo nabad diid ah.
Axmed Cabdi Salaan oo Dowladdii Nuur Cadde ka soo noqday Ra’isul Wasaare ku
xigeen ayaa si weyn u soo dhaweeyey in ay kullan wada yeeshaan dowladda iyo
ururka Ahlu Sunna Waljameeca, waxa uuna u mahadceliyey intii isku soo dubaridday
kullnakaasi.
“Haddii Gobolada Dhexe ay ku sugnaadaan kooxahaasi, Xamar way joogayaan haddiise
laga sifeeyo Xamar way ka sifeysmayaan” ayuu yiri Axmed Cabdi Salaan oo sheegay
in haddii Dowladda iyo Ururka Ahlu Sunna iskaashadaan ay wax badan u qabsoomi
doonaan.
Waxaa sidoo kale ka hadlay kullankaas Salaad Cali Jeelle, waxa uuna sheegay in
Dowladda wixii haatan ka dambeeya ay il gaar ah ku eegi doonto Ururka Ahlu Sunna
Waljameeca, isagoo sheegay Culimaddii laga soo gaaray Diinta Islaamka, waxa una
kullankaasi kus oo gebagaboobay jawi isafgarad, waxaana la filayaa maalmaha soo
socda ay kullan ka fool ka fool ah wada yeesheen Madaxweynaha Dowladda
Federaalka iyo Ururka Ahlu Sunna ee ka dagaalama gobolada Dhexe.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | June 15, 2009 |