SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Liverpool waa Magaalo sidee ah

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).

Magaalada Liverpool taariikh ahaan marki ugu horeysay waxaa la helay sanadii 1207dii iyadoo markaas aheyd degmo, kadib waxaa magaalo ahaan loo aqoonsaday sanadii 1880kii. Tirada dadka ku nool Liverpool waxaa lagu qiyaasa illaa iyo 450.000 oo qofood. Liverpool waxaa ku taal mid ka mid ah dakadaha ugu waaweyn Yurub. Liverpool waxaa ay caan ku ahaan jirtay ka ganacsiga dadka madow ee laga keeni jiray qaaradda Afrika.

Liverpool waxaa loo aqoonsaday caasimada dhaqanka iyo hidaha ee Yurub, waxaa ay magaaladu caan ku tahay oo uu waliba dhaqaalaheedu ku xiran yahay dalxiislayaasha. Magaalada waxaa aad u yimaada doonyaha raaxada ee ay isticmaalaan dadka dalxiislayaasha ah. magaaladu waxey kaloo ku horeysay xagga Warbaahinta ( Media ) iyadoo laga hirgaliyay Media casri ah.

Liverpool waxaa xarun weyn ka sameysatay Home Office ka halkaasoo laga hirgaliyay xarun ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee ay qaxootiga iska dhiibaan laguna qaado dacwooyinka qaxootiga. Liverpool sida magaalooyinka kale ee ingiriiska ayaa waxa ay ku hormarsan tahay adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo bangiyada..

Liverpool waxaa ay leedahay waxbarasho aad u hormarsan oo min primary illaa iyo mid sareba. Waxaa magaalada ku yaala saddex jaamacadood oo kala ah Liverpool University, John Morris Universiy iyo Hope University. Waxaa kaloo intaasu dheer Kolejyada kale oo tirada ka baddan.

Magaalada waxa ay ahaan jirtay xarunta dadka madow waageedii hore. Imminka waxaa degan qowmiyadda Shiineeska oo aad u tiro baddan, iyadoo waliba ay leeyihiin halka lo yaqaan China Town. Waxaa kaloo magaalada degan qowmiyadda reer Yemen iyo Soomaali. Bulshada reer Yemen ayaa waxaa uga socda magaalada ganacsi aan sidaa u weynayn, waana bulshada kaliya ee islaamka ah ee Liverpool ku leh goobo ganacsi. Sida lagu yaqaan magaalooyin baddan oo ingiriiska ah, Liverpool ma degana dadka asalkooda kasoo jeeda Hindida iyo Bakistaanta, kuwaas oo looga bartay magaalooyinka ay degan yihiin inuu ka kala socdo ganacsi aad u xoogan. Sidoo kale magaaladu waxaa ku yaala oo qura hal Masaajid oo weyn iyo mid kaloo cusub oo yar. Iskuulada islaamiga ah aad iyo aad ayeey ugu yar yihiin.

Dhanka Soomaalida, Liverpool Soomaalidii ugu horeysay waxey soo degeen sanadii 50aadkii ( kontomeeyadii ), markaas oo ay soo degeen dadkii ahaa badmareenada Soomaaliyeed (Seamen ), kuwaas oo aad u tiro badnaa, Soomaalidii xigtay waxey soo degeen Liverpool wixii ka danbeeyay 90kii kuwaas oo u badnaa dad ay soo kaxeeyeen ama wakiil ka ahaayeen dadkii  badmareenada ahaa, oo ay ku keeneen qaraabo ahaan. Waxaa iyaguna magaalada lasoo dejiyay dadka qaxootiga ah, inkastoo dadka qaxootiga ah baddankoodu marka ay sharci helaan uga sii gudbaan magaalooyinka kale ee ingiriiska. Tiro ahaan cadad Soomaalidu waa ay baddan tahay..

Soomaalidu magaalda Liverpool kuma heystaan wax ganacsi ah oo muuqda, waxaad arkeysaa dukaan, dukaan qura oo magac xawilaad ku furan. Shaqo la’aanta ayaa aad ugu baddan Soomaalida, inkastoo ay jiraan tiro aad u yar oo shaqeysa. Waxaa jira Soomaali ka shaqeysa hay’adaha dowladda sida koonsilka, waxbarashada iyo waliba goobaha caafimaadka. Waxaa kaloo jira Soomaali ka shaqeysta tagsiyada. Waxaa kaloo jira Soomaali kaloo fara baddan oo ku jira aaga waxbarasha, waxna ka barta jaamacadaha iyo kolejyada Liverpool. Guud ahaan Soomaalida Liverpool triada ay ku joogaan iyo sida ay wax uga qabsadeen magaalada maaha wax leys bar bar dhigi karo.

Warbixintan waa xog aynu ka helnay kadib booqashadeenii gaabneyd ee aynu ku tagnay Liverpool iyo qoraalada kale ee laga sameeyay magaalada. Booqashdeyda waxaa kaloo igu wehliyay Macalin Maxamed Saalax oo ah barre wax ka dhiga Dugsiga sare ee Moat Community College Leicester, horeyna u joogi jiray magaalada Liverpool. Maxamed Saalax waxaa uu ii sheegay in magaalada uu uga jeedo isbadalo xagga dhismaha iyo quruxda, laakiin uusan isbadal weyn ku arag xagga Soomaalida.

Waxaan hadalkeyga ku soo gabagabeynayaa Liverpool waa magaalo Taariikhi ah marka laga eego xagga dhaqanka Ingiriiska, waa magaalo fac weyn, sidoo kalena waa magaalo la jaan qaadeysaa magaalooyinka yurub marka laga eego xagga horumarka, laakiin maaha magaalo la bar bar dhigi karo xagga deegaanka  iyo dhaqanka islaamiga magaalooyinka Birmingham, iyo waliba Leicester

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Faafin : SomaliTalk.com | June 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version