Maamulka Gobolka Banaadir oo wadada isku xirta Macmacaanka ilaa Saldhiga
Galbeed ee Degmada Dharkaynlay oo ka fuliyay Howlo looga qaadayo ciida iyo
Biyaha uu Roobka keenay....
Sawirada Halkan ka daawo
Waxaa laga bilaabay wadooyinka isku xira Degmooyinka Madiina iyo dharkaynlay
howlo la doonayo in wadooyinkaasi looga qaado Biyaha uu Roobka keenay iyo Ciida
looga qaadaayay.
Howshaan ayaa waxaa fulinaayay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo uu Godoomiyaha
Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur
uu howshaasi isagu la socday, islamarkaana intii ay socotay uu isagu goobjoog ka
ahaa sida ay howsha u socotay.
Waxaa sidoo kale howshaasi goobjoog ka ahaa Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali
(Caato) oo isagu howshaasi qalabka lagu fulinaayay iska lahaa, iyo agaasimaha
Qeybta howlaha Guud ee Dowladda Hoose Mukhtaar Abuukar Macalin (Ilka Case),
waxaana la arkaayay cagafcagafyo iyo qalabka kale lagu nadiifiyo wadooyinkaasi
oo ka shaqeynaaya wadadaasi.

Sawirada oo halkan ka daawo...
Howshaan ayuu la sheegay in maamulka Gobolka Banaadir isku xilqaamay, wuxuuna
mar uu arrintaasi ka hadlaayay uu sheegay inay howshaasi tahay mid ay u
qabanaayaan shacabka Gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ilaa iyo hadda howshaasi ka
fulinaayaan wadooyinka Gobolka banaadir ay tahay mid ay jeebkooda ka bixinaayaan
qarashka ku baxaya, wuxuuna daboolka ka qaaday in loo baahan yahay in ganacstada
iyo jaaliyadaha Dibadda ku dhaqan iyo cid kasta oo Alle wax siiyay inay ka qeyb
qaataan howlaha ay ka wadan wadooyinka Gobolka Banaadir.
Howshaan wadooyinka looga qaadayo qashinka, ciida iyo Biyahaba ayaa laga fuliyay
wadooyin dhowr ah oo uu maamulka Gobolka Banaadir ka duliyay, mana jirin cid
maamulka Gobolka gacan ku siisay howlahaasi baaxada leh ee uu u hayo Bulshada
Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee qeybta Howlaha guud ee Dowladda Hooose ee G/banadir Mukhtaar
Abuukar Macalin (Ilka Casse), ayaa saxaafadda u sheegay in howlahaan uu gacan ka
geystay oo kaliya Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalalada Muqdisho Maxamed
Cusmaan Cali Dhagaxtuur, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka
qeybqaataan Howlahaan dib loogu soo celinaayo Bilicdii magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Degmada Dharkaynlay Macalin Cabdulle ayaa isaguna la socday
howshaasi, wuxuuna cadeeyay inay soo dhaweyunayaan sida uu maamulka Gobolka
Banaadir ugu heelan yahay dib u soo celinta Quruxda iyo Bilicda caasimada inay
tahay mid lagu farxi karo.
Xildhaabaanka kaliya eek u howlan howlaha dib loogu soo celinaayo Bilicda
Magaalada Muqdisho, islamarkaana taagan goobaha ay ka socoto howlaha nadaafadeed
iyo hagaajineed ee wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa ah Xildhibaan Cusmaan
Xasan Cali (Caato).
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax tuur) ayaa
isagu la arkaayay isagoo la socda howshaan loogu dan leeyahay in dib loogu soo
celiyo Bilcdii ay caasimadu lahaan jirtay, wuxuuna noqday nin u taagan wado
walbasoo celinta Bilcda Muqdisho ay lahaan jirtay si ay ula tartanto
caasimadahga kale ee Dunida.
Gudoomiyaha G/banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur “Majiraan shaqsiyaad
ama hay’addo gacan naga siiyay dayactirka wadooyinka…”
Gudoomiyaha Maamulka G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan
Cali Dhagaxtuur oo maanta saxaafada kula hadlayay wadada isku xirta isgoysyada
dabka iyo KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlaha dayactirka uu
Maamulka gobolka Banaaadir ka wado magaalada Muqdisho aynan jirin Hay’addo iyo
shaqsiyaad gacan ku siiyay oo kala qeyb qaadanaya howlahaasi dayactirka ah.
Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa sidoo kale waxa uu intaasi ku dray in
ololaha lagu nadiifinaayo wadooyinka magaalada Muqdisho ay tahay olole looga gol
leeyahay in lagu soo saaro bilicda magalda caasimada ah ee Muqdisho.
“Waxaan rumeysanahay in ay muhiim tahay in loo adeego shacabka Soomaaliyeed
howlshan waxa ay qeyb ka tahay u adeegida shacabkeena” ayuu yiri Gudoomiyaha
Maamulka G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur
oo cadeeyay inay iyagu ku dadaalayaan sidii loo hagaajin lahaa wadooyinka bur
bursan.
Gudoomiyaha G/banaadir waxa uu shaaca ka qaaday in gobolka Banaadir ay ka taagan
yihiin dhibaatooyin dhinaca nolosha ah islamarkaana qoysas farabadan ay macluul
ku haysato kaamamka ku yaala qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana
uu tilmaamay in ay wargaliyeen jaaliyadaha ku dhaqan dadlka dibadiisam wuxuuna
sheegay inaysan jirin ilaa iyo haatan wax hadal ah oo naga soo gaaray dadkii aan
u gudbinay qeyla dhaantaasi.
Dhagaxtuur ayaa sidoo kale waxa uu tibaaxay in ay wanaagsan tahay in gar gaar
loo fidiyo walaalka muslimka ah ee Soomaalida oo ku dhibaatoonaya qeybo ka mid
ah kaamaka ku yaala G/Banaadir waxaana uu ka codsaday Hay’addaha Samafalka iyo
kuwa Gargaarka in dadkaasi lala soo gaaro kalmo bini’aadanimo si ay uga baxaan
dhibaatooyinka haysta.
Sikastaba ha ahaatee gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada
Muqdisho ayaa hadalkiisaas waxa uu imaanayaa xili dad fara badan ay saameeyeen
dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana qasab ku noqotay inta badan
dadkaasi in ay ka cararaan xaafadihii ay daganaayeen ayna ku biiraan qaxooti
daganaa kaamamka Gobolka Banaadir qaarkood oo ay xili waliba dhibaato ku haysata
mana jirto cid waxa u qabata marka laga reebo maamulka Gobolka Banaadir oo
gar-gaar u weydiiya hay’addaha samafalka iyo jaaliyadaha ku dhaqan dalka
dibadiisa.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666