SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Qabashada Shirweynaha Shanaad ee SSUP oo lagu qabanayo Sweden

Juun, 2009 - Iswiidhan

Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga midnimada bulshada Somaaliyeed waxaan ogeysiinyaa dhamaan xubanaha xisbiga midnimada bulshada Somaaliyeed oo ku kala sugan dunida dacaladeeda ina la qabanayo shirweynihii sanadguuradii 5th taasoo lagu qaban doono magaalada Katrineholm, ee wadanka Iswiidhan taariikhdu marka ay tahay 4ta - 5ta Luulyo, 2009.

Sidoo kale, waxaan halkan ku cadaynayaa mowduucyada looga hadli doono shirweynaha sanad guurada shanaad ee SSUP, mowduucyadaas oo kala ah:-

  • Dib u eegis qorshe howleedka SSUP iyo waxa u qabsoomay.
  • Xaaladaha biniaadanimo & dagaalada siyaasad-diimeedka ee ka jira Somaaliya.
  • Nidaamka is-dhexgalka bulshada Somaalida Iswiidhan.
  • Xalaadaha Somaalida soo galootiga ah ee ku sugan Iswiidhan & waqooyiga yurub.
  • Xadgudubyada & Dilalka sida ula kaca ah loola beegsanayo wariyayaasha Somaaliyeed

Sida la wada ogsoon yahay, waxaa koonfurta Somaaliya ka soconaya dagaalo siyaasad-diimeed ku saleysan oo si xowli ah u bilowday febraayo 2009 markii uu baarlamaanka federaalka ku meel gaarka uu si aqlabiyad leh u ansixiyay in dalka Somaaliyo lagu dhaqo shareecada islaamka, golaha xukumaduna ay aqbashay balana ay ku qaadeyn inay ka hortageyso cid ala cidii isku dayda inay ka hortimaado fulinta sharaceeda.

Sidoo kale, waxaa iyana kasii dareysa xaaladaha biniaadanimo ee haysata barakacyaasha ku sugan duleedyada caasimada Muqdisho, Jowhar & Beledweyn, dadkaas oo kasoo barakacay degaalada siyaasad-diimeedka ee ka socda koonfurta & bartamaha Somaaliya.

Sida ku cad warbixinta ay soo saartey hay’ada lanqeyrta cas ee caalamiga, in ka badan boqol rayad ah ayaa ku geeriyooday, kumanaana wey ku dhaawacmeen iyo ku dhowaad boqol kun oo u badan waayeel, dumar iyo caruur way ku barakaceen. barakacayashaas oo ku biirey xeryo ay degan yihiin barakacayaal hore uga bara kacay degaaladii caasimada iyo sidoo kale xarumo qaxooti oo aad u buux dhaafsan oo ku yaala xuduudaha wadamaderiska. Inta badan dadka dagaalada kazoo barakacay waxa ay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata oo ay ugu daran tahay hoy la’aanta iyo cuna yarida.

Gebagebadii, waxaan si adag ugu dhiirinayaa dhamaan xubnaha SSUP inay ka qeybqaatan shirweynaha shanaad ee xisbiga waqtigana ay dhowraan. Lakiin, xubnaha aan awoodi karin daruufo shaqo & mid nololeed awgeed inay kasoo qeybgalaan shirweynaha xisbiga waxaan ka codsaneynaa inay fikirdahooda qaaliga ah ee ku wajahan horumarinta xisbiga & wax ka qabadka dagaalada siyaasad-diimeedka ee ka socda koonfurta & bartamaha Somaaliya.

Casumaadda Shirka July 2009 halkan ka eeg

MAHADSANIDIIN.
Eng. Ahmed M Moalin
Xoghaya Guud ee Xisbiga Midnimada Bulshada Somaaliyeed
info@ssup.se  - ahmed.moalin@gmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | June 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version