Maxaa ka soo baxay kulankii qurbajoogta soomaliyeed iyo
ambassador Walad cabdalla?
Qore, Abdirashid M.Yusuf, food science engineer
Isniin, 8 jun
Maalitii isniinta oo taariikhda ku beegnayd 08/06/2009 ayaa kulan
ku dhex maray qaar ka mid qurbajoogta soomaliyeed ee ku nool
Waddamada yurubta galbeed iyo wafti uu hogaaminayay wakiilka UNka u
qaabilsan Soomaaliya Ambassador Walad Cabdalla. Kullankaa waxaa lagu
qabtay magaalada London ee carriga Ingariiska, waxaana lagu wadda
kulmay hoolasha shirarka ee wasaarada arimaha dibada ee wadanka
ingariiska. Kulankaa waxaa ka soo qaybgalay oo kale guddi heersare
oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee ingariiska ee uu
hogaaminayay wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan ee waddanka
ingariiska Lord Malloch-Brown.

Sawirada Halkan ka daawo...
Ujeedada kulanka waxa uu ahaa fikraddo isdhaafsi iyo dood wadaag
u dhexeeyo labda qaybood. Kulanka waxa uu ku bilowday Ambassador
Wallad Cabdalla oo warbaxin kooban ka siiyay arimaha Soomaaliya iyo
sida ay xaaldu tahay , Isagoo soo qaaday arimo kala duwan sida
nabadgalayada, siyaasada, horamarinta iyo dhaqaalaha , buracad
badeedka iyo in la taageero Dowlada ku meel gaarka ah iyo dowr ay
qurbajoogta oga qayb qaadanayaan hormarinta mashruucyada ku wajihan
Waddanka. Waxaa kaloo qubad kooban ka jeediyay meesha Wasiirka
Inagriiska u qaabilsan arimaha Afrika Lord Malloch-Brown oo isagana
taageeray holaha ku wajihan Soomaaliya ee uu wadda Ambassador Walad
Cabdalla.
Ka dibna Ambassadorka iyo waftigiisii waxay ka jawaabeen su
`allo ay waydiiyeen qaar ka mid qurbajoogta soomaliyeed, waxay
kaloo qurbajoogta u soo jeediyeen tallooyin oo ku saabsan sida wax
laga yeeli lahaa xaalada qalafsan ee Soomaaliya.
Kulankaa waxuu ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad
,waxaana la isku soo qaaday in la sii ambaqaado qodabadii kulanka
looga hadalay, iyo in la xoojiyo waddashaqaynta qurbajoogta iyo
xafiiska Ambassador Walad Cabdalla si loo gaaro xadafka lawada
hiigsanayo.
La Xiriir: anas69@hotmail.com