Weriyayaal Ka Howlgala Caasimada Muqdisho Oo Sababo Amaanka
Darteed ah Shaqadoodii Is Kaga Tegey
Kulan maanta ay isugu yimaadeen dhinacyada saxaafada ee ka howlgala
magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxay ku gorfeeyeen dhibaatada
ay ku jirto saxaafada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howl gala
magaalada muqdisho iyadoo ay halkasina ay shaqdoodii weriyanimo iskaga
fariisteen qaar ka tirsan suxufiyiinta ka howlgala muqdisho islamrkaana
shir saxaafadeed ay kasoo saareen waxuuna u qornaa sidan .


Kadib markii ay soo bateen tacdiyada tooska ah ee ka dhanka ah
warbaahinta xorta ah sida dilalka ,afduubka,hanjabaadyada oo ay ugu
dambeeyeen dilkii ALLE ha u naxristee agaasimihii idaacada shabeele
muqtaar maxamed hiraabe iyo dhaawacii kasoo gaaray madaxa barnaamijyada
idaacada shabeele axmed cumar xashi (axmed taajir) iyo afduubkii
agaasimaha tv-ga universal xafiiska muqdisho ibraahin maxamed xuseen
(jeekey) iyo hanjabaadyada isdaba jooga ah oo siyaabo kala gooni gooni
ah kusoo gaaraya suxufiyiinta ka howlgala muqdisho.
Kadib markii garanweyney cid rasmi ahaan uga dambaysa tacadiyada aan soo
sheegnay ee lagula kacao suxufiyiinta ,taasoo suurto gal ka dhigaysa in
nalagu beegsado goobkasta ka mid ah dalka soomaaliya oo aan rumaysanahay
inay joogaan kooxaha ka dambeeya falalka guracan islamarkaana dhinacyada
isku haya siyaasada soomaaliya ay jawaabtoodu noqotay in dhinac dhinaca
kale ku eedeeyo masuuliyada weerarada tooska ah ee lagu hayo
suxufiyiinta soomaaliyeed .
Marka laga tago khatarta nafsadeena waxaa noo cadaatay inaan si madax
banana oo dhex dhexaad ah aanu u shaqayn Karin taasoo meesha ka saarayso
inaan soo bandhigno warbixino lagu kasoonaan karo oo ku aadan xaalada
dhabta ah ee ka jirta gudaha soomaaliya ,sababaha aan soo sheegnay
awgeed suxufiyiinta ku saxiixan war saxaafadeedkan waxay isla qaateen
go,aakaan :-
A-anagoo og saamaynta uu go,aankaan ku yeelan doono dadka danyarta ah
,kuwa barkacay iyo doonaya in codadkooda wanaagsan ee nabada ka
turjumaya ay gaarsiiyaan shacabka soomaaliyeed iyo caalamka intiisa
kalaba .
B-anagoo og inay fursad u tahay arintaan kuwa doonaya inay galaan
dembiyada ka dhanka ah shareecada islaamka ,dhaqanka suuban ee
soomaalida iyo bani aadamnimada islamrkaana kasoo horjeeda xaqiiqda
rasmiga ah ee ka jirta soomaaliya waxaan go,aansanay .
Inaan cadeyno inaan sii wadi Karin shaqadeena weriyanimo taasoo khatar
gelinaysa nafteena xiligan aan ku jirno ,tasoo aan ka cudur daaranayno
inaan xili kale oo ay yimaadaan isbedel siyaasadeed oo amaankeenu sugan
yahay aan kusoo noqon karno .
Weriyaasha maanta shaqadoodii iska casiley ayaa waxay kala yihiin kuwan
:
1-Ibraahin maxamed xuseen (jeekey) agaasimaha tv-ga Unuiversal xafiiska
Muqdisho .
2-c/raxmaan yuusuf sheikh (al-cadaala ) tifaf tiraha wararka idaacada
iyo Tv-ga shabeele
3-c/casiis maxamuud guuleed (afrika ) tifaf tirihii Codka nabada
qaybteda muqdisho .
4-maxamuud abuukar ma,-da tifatirihii wararka idaacada horn afrik
5-axmed cumar xaashi (axmed taajir) madaxa barnaamijyada idaacada
shabeele
6-c/laahi kulmiye cadoow madaxii barnaamijyada idaacada horn afrik
7-c/fataax daahir jeyte barnaamij soo saare idaacada simba
8-xasan cali geeseey barnaamij soo saarihii idaacada Somali weyn
9-maxamed ibraahin raage webmaster websit-ka shabeele
10-maxamed maxam,ud odawaa webmaster horn afrik
11-maxamed c/laahi xaaji tifaf tiraha ku xigeenka idaacada shabeele
12-cabdille cabdi maxamuud (Oday cabdille) madaxa sheekada idaacada
shabeele
13-cilmi cismaan faarax Boodhari madaxa wararka muqdisho ee tv-ga
universal
14-bashiir diiriye naaleeye agaasime ku xigeenka xafiiska muqdisho
15-xuseen nuur geeseey weriye ka tirsan tv-ga ka Universal xafiiska
muqdisho
Ugu dambayntii kulankan ay isku casilayeen weriyaashan ka howlagala
magaalada muqdisho ayaa ka dambaysay ka dib markii suuqa bakaaraha si
bareer ah loogu toogtay 7-dii bishan june ee aynu ku jirno agaasimhii
idaacada iyo tv-ga shabeele oo ka howl gasha magaalada muqdisho iyo
weliba dhaawac kasoo gaaray madaxii barnaamijyada ee isla idaacadaas
axmed taajir taasoo wel wel iyo walaac ku reebtay weriyayaal badan oo ka
howl gala caasimada muqisho oo qaarkood maanta is casileen halka qaarna
ay ka Guuxayso inay shaqada joojiyaan
Yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com\
yaasiin2006@hotmail.com


Hay’adda Calikaar ee Xuquuqda Aadanaha oo Cambaareysay Dilkii
loogeytey Madaxii TVga iyo Raadya Shabelle Mukhtaar Maxammed Hiraabe.
Hay’adda Calikaar ee Xuquuqda Aadanaha waxay cambaareynaysaa dilkii
arxan darada ahaa ee loo geystey Madaxii Idaacadda iyo Tvga Shabelle
Mukhtaar Maxammed Hiraabe, iyo dhaawacii loo geystey Madaxa
Barnaamijyada Idaacadda iyo Tvga Shabelle Axmed Taajir.
Hay’adda Calikaar ee Xuquuqul-inshaanka, waxay dilalkaas ku tilmaantay
kuwo araxan-darro ah oo lagu cirib-tirayo dadka u shaqeynaya shacabka
Soomaaliyeed ee wararka iyo macluumaadka ka siiya xaaladda iyo wixii
kusoo kordha Waddanka Soomaaliyeed.
Dadka dilalka qorsheysan geysanaya ayaa waxay yihiin dad ka
faa’iideysanaya fawdada ka jirta golaka, si tsaas looga hor-tago waxay
Hay’addu ku baaqaysaa in gebi ahaanba la soo af-jaro colaadda ka aloosan
gudaha koofurta Soomaaliya, iyadoo dadka ku nool deegaanadaas ay horey
ula diifeysnaayeen dagaallada sokeeye ee aan dhammaadka lahayn. Waxay
hay’addu ka codsanaysaa qolooyinka dirirtu ay ka dhaxayso in ay
joojiyaan colaadahaas ay ku barakacayaan Ummadda Soomaaliyeed kuwooda
taagta daran.
Hay’addu waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku hardamaya hanashada awoodda
koofurta Soomaaliyeed in ay gebi ahaanba khilaafkooda siyaasadeed ku
dhammeeyaan is-afgarad iyo is-faham, si markaas looga gudbo
mashaakillada siyaaseed ee dagaallada dabada la gala, ee markaas
barakiciya Taag-daranta Soomaaliyeed.
Ugu dambayntii waxay hay’addu u direysaa ehaladii iyo qaraaba Mukhtaar
Maxammed Hiraabe in Eebbe samir iyo iimaan ka siiyo iyo isagana Alle uu
naxariisto oo, janaddii Firdoowsa ka waraabiyo.
Cali Cabdi Rude
Xog-hayaha War-faafinta Ee hay’adda Calikaar ee Xuquuqda Aadaha.
E-mail: alikarhumanrights@gmail.com