Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta Dowladda FKMG Xildhibaan Maxamed Xuseen
Siciid “Barnaamijkeena Dalxiiska Waa Mid Islaami oo kii Hore Waa ka Duwan
Yahay…” wareysi
Wasiirka
dalxiiska iyo Duurjoogta Dowladda FKMG Xildhibaan Maxamed Xuseen Siciid oo aan
kula kulmey Hoteel Daarusalaam ee caasimada dalka Jabuuti, waxna ka weydiiyey
ujeedada safarkiisa uu ku yimid Jabuuti, waxyaabihii layskula soo qaadey shirka
wasiiradda dalxiiska Jaamacada Carabta oo uu ka qayb galey, Wasaaradda dalxiiska
iyo Duurjoogta waxyaabaha u qabsoomey intii uu xilka hayey ayaa isagoo
arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri
“wasaaradda dalxiiska hawsheeda inta badan waxay ku xiran tahay xaga amniga,
waxayna wasaaraddu u qaybsan tahay laba qaybood, qayb waa dalxiiska waxaana
baaba’san Hoteeladii dowladda oo dhan iyo goobihii dalxiiska ku haboonaa, tan
labaadna waa duurjoogta, duurjoogtuna markii xabadii iyo colaadii ay ka
badateyna wey ka haajireen, marka wasaaradda hawsheedu xiligan waa inaan qiimeyn
ku sameyno hantidii ay lahayd, dibudhis iyo maalgelina u raadino ayey hawsheenu
tahay, waxaana ilaa iyo hada aan sameyney kormeer aan ku sameyneyno Duurjoogta
goobaha ay ku hartey iyo noocyada jooga, marka intaas aan ka gudubnana aan aqoon
fiican u dhisno dadkii ka hawglayey si loo helo dad leh aqoon tayeysan iyo in
soo aruurinana shaqaalihii hore ee Wasaaradda” ayuu yiri wasiirku mar uu ka
hadlayey halka ay marayaan hawlaha wasaaradda.
Mar uu ka hadlayey ujeedada safarkiisa Jabuuti ayaa wuxuu yiri “safarkeygu wuxuu
ahaa socoto oo keliya, hore ayaan halkaan u soo marey waxaana ka qaybgaley shir
ka dhacay sanca oo ay isugu imanayeen Wasiiradda dalxiiska 22-tan dowladood oo
carbeed, marka waan soo laabtey, waxaana u socdaa wadankii”.
“shirka wuxuu socdey laba maalmood, ujeedada shirkaasina waxay ahayd si
Wasiiradda dalxiiska carabta ay dhexdooda isu kaalmeysan lahaayeen, islamarkaana
loo adkeyn lahaa amniga dalxiisayaasha Carbeed oo ay tahay Wasaaradda dalxiiska
iyo wasaaradda arimaha Gudaha ay ka qayb qaataan, shirkuna wuxuu ahaa kii 12-aad
Soomaaliyeed waligeed kama qayb gelin, waxaa keloo layskula soo qaadey sidii
dalallka dhexdooda isu caawin lahaayeen, waxaana jira Urur u qaabilsan
Jaamacadda Carabta oo ay ku mideysan yihiin 22-ka Dall, waxaana fursad u helney
inaan ka mid noqono Ururkaas, kaasoo ku hawlan sidii maamulka hoteelada iyo
shaqaalaha wasaaradda dalxiiska aqoontooda sare loogu qaadi lahaa, waxaana ka
soo baxay in laga wada shaqeeyo xaga amniga, horumarka dalxiiska dalallka
carabta, waxaa kale oo laysla qaatey mac-had sare oo wax lagu baro dadka
dalxiiska ka shaqeeya in la sameeyo, ilaa iyo heer Jaamacadeed” ayuu yiri mar uu
ka jawaabayey ujeeadada shirka wasiiradda dalxiiska.
Xildhibaan Maxamed Xuseen mar aan weydiiyey Soomaaliya maxaa dan ah oo ugu jira
shirkaas oo ka soo baxay ayaa wuxuu ku jawaabey “soomaaliya waxay ka mid tahay
dalallka carabta iyo Ururada ka jira, dowladna gees isuma taagi karto, danta ku
jirta waxaa weeye in laga helo wax-barasho, maalgelinta kaabayaasha qaar ay nala
dhisaan, marka xiga waayo aragnimo iyo aqoon is-weydaari inaan wada yeelano,
hadii dalxiisku dhaqaaqo dhaqaalaha dalka qayb weyn buu ku yeelanayaa”.
xildhibaanadu sow lama dhihi karo, waxay qayb ka yihiin nabad-gelyo la’aanta ka
jirta, maadaama xilkii ay usoo dhaarteen iyo cida ay matalayeen sidii loogu talo
galey aysan u gudan, xildhibaan kasta wuxuu degey Hoteel, hawshuna waxay noqotey
in isaga la ilaaliyo, halkii laga rabey dejinta dalka iyo dadka in ay ka qayb
qaataan?! Ayaa wuxuu ku jawaabey xildhibaanku
“runtii shaqadu waa la kala leeyahay, dowladuna waa dowlad dibu-heshiisiineed,
tirada badan ee Xildhibaanada waxaa la filayaa in wax ay ka tarto
dibu-heshiisiinta, Xildhibaanaduna waxay ka mid yihiin mas’uuliyada ciidanka
saaran ayaa iyaguna qayb ka saran, wax gaar ah oo ka saaran ma jiraan, markaan
si gaar ah u eego, waa Hay’adii dalka ugu sareysey, laakiin ma jiraan ciidan
khaas ah oo iyaga ilaaliya”
Wasiirka mar aan weydiiyey Soomaaliya waxa ka jira marka laga reebo Somaliland
oo iyadu sheegata in ay gees isu taagtey, Puntland oo iyaduna sheegata maamul
Goboleed, gobolada dalka inta kale waxaa ka jira Colaado, dowladuna gacanta kuma
wada hayso sidey Wasaaradaadu uga hawlgeleysaa hawshaas adag ayaa wuxuu ku
jawaabey Wasiirku
“Wasaaradda sida aan kuu sheegey hawsheedu waa wax ku kooban maamulka iyo
daraasaadka ayey ku egtahay, waxayna ku hawlan tahay barnaamij iyo qorshayaal
horumarineed sidii loo dejin lahaa iyo kan mustaqbalka ay dooneyso wasaaradda in
ay wax ka qabato, midkaas baanu hada ku hawlanahay, marka waqti ku haboon la
helo oo nabadan ah, aad dhaqaajisaan ayuunu leenahay hadii Alle idmo, waxaana
hada kormeer ku sameyney ilaa iyo 6-Gobol oo dhinaca Gobolada Koofureed ah, sida
labada Shabeelle, Baay, Bakool, J/hoose iyo Jubadda dhexe, waxaana helney
macluumaad ku filan 6-daa Gobol Duurjoogta joogta”.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Siciid
Wasiirka waxaa kale oo aan weydiiyey Wasaaradda dalxiiska
dowladaha qaarkood dalxiiska waxaa ka soo gala dhaqaalo fara badan, Soomaaliyana
waxay qayb ka ahaan jirtey dowladaha soo jiita indhaha caalamka, mudo 19-sano
waxaa ka jira bur horseedey dagaalada sokeeyo iyo kuwa faragelinta shisheeye
qaab sidee loogu qancin karaa dalxiisayaasha caalamka dalka Soomaaliya, maadaama
aad tahay wasiirkii dalxiiska, ayaa wuxuu ku jawaabey Maxamed Xuseen Siciid
“waqtigan lama orankaro dalxiiseyaal baa la keenayaa dalka, laakiin waxaan ku
hawlanahay sidii loo diyaarin lahaa sidii ay dalxiiseyaasha u imaan lahaayeen,
maadaama aanu nahay dowlad Islaami ah oo ka duwan kuwii hore, Barnaamijkeena
dalxiiska waa mid Islaami oo kii hore waa ka duwan yahay, sharciga wasaaradda
dalxiiskuna dhowaan ayaan geyneynaa Baarlamaanka si loo ansixiyo”.
Ugu dambeyn Wasiirka oo aan weydiiyey qaab sidee baa wax looga bedelayaa
Wasiiradda dalxiiska ayaa wuxuu ku jawaabey “wax alle wixii shareecada Islaamka
ka soo horjeeda mamm-nuuc ayey noqonayaan, waxaa weeyaan qaabka hoteelada ay u
shaqeeyaan iyo qaabka dalxiiseyaasha dalka u imaanayaan, waxay noqoneysaa wax
aan islaamka ka hor imaaneyn sida goobihii Kalaabyada ma noqoneyso wax soconaya,
sideedaba dalxiisayaasha shaqo ayey u yimaadaan meeshii ay doonaan ayaanu
geyneynaa, waxa ay doonaan ayey sawiranayaan, meeshii uu doono uu kusoo nasto
waa loo sameynayaa, khamriga iwm wadanka mammnuuc ayuu ka yahay”.
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | June 6, 2009
Faarax
Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad..
iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran
Dhuleedka... Akhri/Daawo