SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

91,000 oo Qof oo ilaa hadda ka Barakacay Dagaalada ka Socda Muqdisho...

Dagaalka u dhaxeeya kooxaha Muqaawamada iyo ciidanka DFKMG waxaa ku barakacay dad tiradoodu gaarayso 91,000, ilaa markii dagaalkaasi bilowday 8dii May 2009 ilaa (4 Jun).
 

91,000 oo qof waxay aadeen ama u barakaceen:
o 25,000 ilaa Afgooye goobaha barakacayaasha ee loo yaqaan IDP settlements
o 34,000 xamar dhexdeeda Mogadishu ilaa cirifka Muqdisho, sida:
§ 12,000 ilaa Dayniile (oo ay ku jiraan KM10-13 iyo Garas Baaley)
§ 8,700 ilaa Dharkenley (oo ay ku jirto Kax Shiqaal)
§ 7,300 ilaa Kaaraan (oo ay ku jirto Jabuti Gode iyo Galgalato)
§ 2,700 ilaa Wadajir/Medina
o waxaa kale oo 32,000 waxay aadeen goobo sii durugsan oo ay ka mid yihiin:
§ 10,000 ilaa Galgaduud.
§ 6,800 ilaa Shabeellada hoose (oo aysan ku jirin Afgooye)
§ 6,200 ilaa Shabellada Dhexe
§ 2,100 ilaa Gedo
§ 1,900 ilaa Jubbada Hoose

Dadkaas tiradoodu gaarayso 91,000 waxay ka barakaceen meelaha kala ah:
o 26,000 ka barakacay Yaaqshiid (oo ay ku jirto Towfiiq, Ceel Tubba Weyne, Fagax, Jungaal)
o 14,000 ka barakacay Wardhiigley (oo ay ku jirto Cali Kamiin, Stadium, Hararyaale, Buur Hindi)
o 7,400 ka barakacay Hawl Wadaag (oo ay ku jirto Warshadda, Jidka 30-ka, Black Sea, Bar Ubax)
o 5,200 ka barakacay Hodan
o 4,500 ka barakacay  Boondheere
o 4,400 ka barakacay  Dharkenley
o 2,800 ka barakacay Wadajir
o 2,800 ka barakacay Kaaran

Toddobaadkii hore (31 May – 5 Jun) dadka barakacay badankoodu waxay ka yimaadeen Yaaqshiid, Kaaraan, Dharkenley, iyo Wadajir. (4 Jun)

Khariidada hoose waxay muujinaysaa meelaha barakacayaashu ka tageen iyo meelaha ay u barakaceen ee (Mogadishu iyo Afgooye).


Eeg Sawirka oo Weyn (pdf)


Isha warka: Roberta Russo
Associate Public Information Officer /UNHCR Somalia
Nairobi


United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) 

XAFIISKA QARAMADDA MIDOBAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA SOOMAALIYA (UNPOS)

WAR-SAXAAFADEED 019/2009

SARAAKIISHII SARE EE CIIDAMADII HORE E DALKA SOOMAALIYEED OO KU SHIRAYSA WASHINGTON, DC 

Nayroobi, 3 Juun-2009, Saraakiishii Sare ee ciidamadii hore ee Dalka Soomaliyeed ayaa ku kulmaya Waashington  inta  u dhaxeeysa 4-5 Juun 2009. Waxaana abaabulay shirkaasi Xafiiska Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaalia,UNPOS, waxaana shirka  hagaaya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaliyeed. 

Shirku waxa uu ahaanayaa mid hordhac ah oo loogu go’ogol xaarayo siddi lagu helilahaa tageerada iyo ka soo qaybgalka Saraakiisha caanka ah ee hogaaminta Ciidamada Soomaaliyeed. Waxaana la filayaa in shirkan uu ka dambeen doona shir kale oo dhici doona daba-qaayada bisha Juulaay. 

Ayada oo la dhowrayo Heshiiskii Jibuuti iyo sida ay Xukuumaddu ooga go’antahay in ay dib oogu dhisto Hayadaha Nabadgelyadda Qaranka, ayaa shirku waxa uu eegayaa sida uu ahaa qaab-dhismeedkii ciidamadda  Xooga Dalka Soomaaliyeed intii aysan Dowladii burburin iyo sida oogu haboon ee wax looga qaban karo baahidda hadda jirta iyo tan mustaqbalkaba. 

‘Waxaan rajaynaynaa in uu shirkan noqdo shirkii oogu horeeyay ee shirar badan oo mira dhal ah oo laqandoono’, ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,  Ahmedou Ould-Abdallah. “ Saraakiishan Sar-sare ee ka soo qayb-galaya shirkan waa saraakiil lagu xurmaynayo khibradda iyo aqoontoodi hore ee ciidannimo -wakhtigoodina waxaa Soomaaliya taariikh ahaan laga codsan jiray in ay wadamo kale oo African ah u tababarto ciidamo.  

Mudadda Shirka uu socdo, ka soo qayb-galayaasha shirka waxa ay ka hadli doonaan sida oogu haboon ee lagu horumarin karo qay-baha nabedgelyadda qaabilsan.  

‘ Tani waa fursan aad oogu wayn Ummadda Soomaliyeed waayo waxa ay cashar kabaranayaan sida ay horay u ahaan jireen si ay xal oogu helaan  mustaqbalkkoda’  ayuu yiri Mudane Ould Abdallah.                  

--------------------------------------------------------------------------------------------------------

For more information please contact: Susannah Price or Donna Cusumano,

Public Information Officers, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel: +254 20 762 7132/7133 or +254 733902020/ 737400133 Please visit: www.UN-Somalia.org

 
 



Faafin : SomaliTalk.com | June 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: