SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ujeedo:  Baaq Nabadeed   oo ku socdo somalida                                                5.6.2009

Gudoomiyaha ururka SORASOD:   Eng Idiris Hassan Farah waxuu ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka somaliya ka holcayo.

Sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa in si sharuud la aan ah loo joojiyo dagaalada ka hol cayo somaliya isla markaana la isugu yimaado miiska wada hadalka si looga baaqsado dhiig siidaato.

Sidaa darteed waxaan hogaamiyayaasha hogaamiso kooxaha dirirtu ka dhaxayso oogu baaqaynaa inay joojiyaan dagaalka maadaama oo 20 sano oon soo dhaafnay ragii dagaal oogayaasha ahaa aynu ognahay meeshay ku dambeeyeen adinkuna hadii aad joojin waydaan dagaalka waxaad qarka u saarantihiin inaad fashilantaa sidii kuwii horeba u fashilmeen!!!

Sidaa darted waxaan idin xasuusinaynaa in dagaalka somalida dhexdeeda ah aan cidina faaiido ka gaaraynin marka laga reebo cadawgiina (Ethiopia iwm) oo siinaaxo sidii horayba u dhacday.

Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo barakicinta labara kicinayo maatada aan waxba galabsanin waana inaad ogaataan nabadu waa furaha nolosha

Ugu dambayntii waxaan guud ahaan indheergaradka somaliyeed meel kastaa oo ay joogaan oogu baaqaynaa inay ka shaqeeyaan sidii soomaaliya loo samatabixin lahaa kana fogaadaan kala taageerida kooxaha dirirtu ka dhaxayso.

           
          Wada shaqayn wacan. 
           
          Gudoomiyaha Ururka  SORASOD 
          Eng Idiris Hassan Farah
          idirishf@hotmail.com 

Booq-Nabadeed Ku Wajahan Colaadda Koonfurta Somaaliya.

Dhaqa-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaaladda codka Wadaniyiinta,Damiirka nool ee Muwaadinka
Diintiisa iyo Dalkiisa jeceyl,codka gumeeysi diidka iyo
inta Somaalinimadu ka dhabta ah oo kula sugan Gudaha iyo
Debedaba inta ka naxnuunsanaayaa dhibaatadda Dagaalka iyo
dhiiga Sokeeye oo sida xad dhaafka ah u qubanaaya, falalka
xad dhaafka oo curyaamiyeey Dadkii kana dhigay hooyga dayaca,
Dar-xumadda iyo Nabad-gelyo la'aanta(Dal Lumay si cadna uga
Maqan Khaariidada Aduunka),lana oran jiray Somaaliya.

Hadaba Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu halkan uga
soo jeedinaayaa guud ahaanba kooxaha ku dagaalamaaya ama
dhinacyada dagaaladda iyo dhibaatada ka wada koonfurta
Somaaliya gaar ahaan dhanka Caasimadda Muqdisho Baaq
Nabadeed iyo tallo wanaagsan oo ku saleeysan Islaanimada
iyo rabitaanka aqlabiyadda Ummadda Somaaliyeed-Joojinta
Dagaaladda iyo Colaada Sokeeye, joojinta dhiiga qubanaaya
iyo bara-kicinta Shacabka dan yarta ah,Waxaa nala haboon
in Xalku ku jirro wadda hadalka, isu tanaasulka iyo Miis
wada fadhiisiga iyadoo caqliga la adeegsanaayo lagana
duulaayo danta iyo maslaxada Muwaadinka dhiban-daalan oo
19-ka Sano ku jiray dagaalka iyo colaada iyo Qaxa joogtada
ah, naxdiinta iyo tacsida joogtada ah ku jiray,quustay
ama rajo-beelka ah.


Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu Masuuliyada dhibaatada Dalka
ka taagan dusha uga ridaayaa masuuliyad darada Madaxdda
Kooxdda kala duwan oo Dalka ku herdamaaya gaar ahaan:-
Ururka Al-Shabaab,Xusbul Islaan,Maxaakiimta Iyo Garabka
Dowladdaba oo garan waayeey in Dalku iyo Dadku baahi weyn
u qabaan Nabad-gelyo iyo hanaan Maamul oo wanaagsan, sidoo
kalle waxaa wax lala yaabo ah kooxada diidan hanaanka ama
ku Dhaqmidda Shareecada Islaamka garabka Dawladu sida cad
ugu dhawaaqeen aqlabiyadda Culimaa'udiinka Somaaliyeedna
ku Taageeraan weliba kuwooda ugu waaweyn sida-Sh.Shariif
Sh.C/Nuur iyo Sh.Cumar Faaruuq, mana garan kareeyno cida
diidan ku dhaqmidda Shareecadda Islaamka in eey qiil ama
Wado xaq ah ku taagan yihiin(Laakiin wixii Mas'alo diini ah
Weey soo bandhigi karaan, kana doodi karaan wixii eey u
arkaan in eey dhimantahay ama qaloocan tahay).


Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si gaar baaq ugu soo
Jeedinaayaa:- Culimaa'udiinka Somaaliyeed, Aqoonyahanka,
Hogaan Dhaqameedka iyo Shakhsiyaadka Magaca iyo Maqaamka
gaarka ah leh Ummadda Dhexdeeda in eey iskaashadaan cod
Mideeysana la yimaadaan sida ku haboon ugu gurmadaan Dalka
iyo Dadkaba kuna dadaaliin marka koowaad joojinta Dagaalka
iyo Colaada xanuunka badan leh-gacana ka geeystaan sidda
loo heli karaayo hanaan Wadda hadal Somaaliyeed oo dhab
ah-kuna saleeysan habka ku dhaqmida Shareecada Islaamka
oo Xaqa ah iyo in si cad runta loogu sheego cidii loo arko
in eey hab khaldan ku socdaan ama dhaliiluhu dhankooda u badan-
yihiin, hadii la heli karono lagu dadaalo hab wax wada qeybsi
ah oo dheeli tirkiisa iyo hanaankiisa cadaaladeed leh, lagana
dheeraado Qof jecleysiga,qabyaalad ku dhaqmida iyo guud ahaanba
Hab dhaqameedka xun oo Dalka halkaas dhigay,gaar ahaan Caasimada
iyo degaamadda koonfureed guud ahaanba.


-Dagaal Maya- Colaada Maya- Dhibaato Maya.
-Dano Shisheeye Maya- Dano gaar ah Maya.
-Dhibka Ummadda Maya- Dhiig daadiin Maya.
-Bara-kiinta Maya- Dilalaka qorseeysan Maya.
-Jaha-wareerka Maya- Nabad-gelyo diid Maya.
-Qaraxa iyo Miino aasid Maya- Madfac Haboow ah Maya-
-Dhib oo dhan Maya-Maya iyo Maya.


-Alloow Nabad-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Af-hayeenka Guud- Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda-Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 04/06/2009-
-sharifhassan50@yahoo.com

Faafin : SomaliTalk.com | June 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: