SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

GuddigaWariyasha Somalida ee dibad jooga oo canbareyay afduubka wariye jeekey, codsanadayna in lasii daayo

Guddiga wariyaasha Soomaaliyeed ee dibad jooga ayaa canbareyay afduubka loo geystay agasimaha TV-ga UNIVERSAL ee bartamaha iyo koofurta Somaliya Ibrahim Maxamed Jekey.

Waxa aan aad u canbareynenaa afduubka loo geystay agasimaha TV-ga UNIVERSAL ee Somaliya Ibrahim Jekey, waxana ka codsanaynaa kooxaha afduubtay inay soo daayan" ayuu yiri Maxamed C/nuur Maxamed "Sacudi" oo xiriiriyaha guddiga wariyasha dibad jooga Soomaaliyeed.

Tani waxa ay sii kordhinaysaa dhibatada faraha badan ee lagu hayo wariyasha Soomaaliyeed ee gudaha ka shaqeyo"

waxa nagu maqaalo ah in qaar ka tirsan wariyasha ka shaqeyo idacadaha Local-ka ah ay shaqadooda ka tagayn markii ay nafsadooda qatar u gashay in la dilo ama loogu hanjabey gudashada wajibadka ay u hayaan dadka iyo dalka " ayuu raaciyay Maxamed Sacudi.

sidoo kale waxaa loogu baqiyaa qeebaha isku hayo siyaasada gudaha dalka soomaaliya in ay badbadiyaan wariyaasha dhaqaatirta iyo dadka birimageeda ah ee qiimaha u leh bulshada sidaa daraadee saxaafafa madax banaan kamid mahan siyaasadaha is diidan waxaan weeye doorkooda dhax dhaxaad nimo iyo cadaalad waxaan ugu baqeen a kooxda haysata gasimaha TVga UNIVERSAL ee bartamaha iyo kofurta soomaaliya mudane ibraahim jeekay in si shuruud la aan ahi lagu sii daayo ayuu ku yiri baaqiisa Maxamed C/nuur Maxamed "Sacudi"oo xiriiriyaha guddiga wariyasha dibad jooga Soomaaliyeed ee kusugan dalka kenya

Maxamed C/Nuur Maxamed "Sacudi" Coordinator Committee of the United Somali journalists in Exile
cusjeinfo@yahoo.com cusjeinfo@gmail.com +254-710233216 or +254-715100901

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2009


Hadalkii Prof. Ibbi ee November 25, 2007 xilli uu booqday Minneapolis

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: