SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Walaalka Muslimka Ahoow Fadlan Caawi Wiilkan Dhibaataysan Ee Uu Dhalay Aabaha Curyaanka Ahi

Axmed bulaale goofood waa aabe curyaan ah oo aan wax hanti ah haysan waxuuna mudo 13-sano ah la il daran yahay wiil uu dhalay oo 16-jir ah oo ay haysato dhibaato caafimaad daro oo lagu magacaabo Liibaan Axmed Bulaale islamarkaana curyaan madaxa biyo kaga jiraan iyadoo dhaqaatiirta caafimaadka qaarkood ee ku sugan muqdisho ay sheegeen inuu u baahan yahay caafimaad dibadeed taasina ay danyaridu u diidey inuu wiilkiisa geeyo goobaha caafimaadka ee dalalka dibadaha .


Aabaha dhalay wiilka xanuunsan ee Liibaan axmed Bulaale oo ah Nin Curyaan ah oo aan shaqaysan Karin ama xoogiisa ku ciil bixi Karin ayaa waxaa isugu darsamay danyarnimo iyo curyaanimo islamrkaana haysta caruur gaaraysa ilaa 6-ciyaal oo uu ku jiro wiilka ay caafimaad daradu lasoo deristay.

Axmed bulaale Goofood iyo carurtiisa oo uu ku Jiro wiilka xanuunsan ee liibaan axmed bulaale ayaa waxay ku nool yahiin xaafadaha ka tirsan degmada shangaani oo ah xaafadaha ay lasoo derseen burburkii dagaaladii muqdisho kaasoo uu ku jiro guri burbursan oo ay ka muuqato daruuf dhaqaalo xumo .


Hadaba waxaa dadka muslimka ah ee danaynaya inay wax u taraan Wiilka la ildaran xanuunka ee uu dhalay ninka Curyaanka ahi Kusoo hagaajin karaan waxay Ugu tala galeen telefoonka gacanta ee laga helo Axmed Bulaale Oo Ah Aabaha Curyaanka ah Ee Dhalay Liibaan Axmed Bulaale +2521-5126246 Muqdisho


Yaasiin Faytin
yaasiin2006@hotmail.com
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.