SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay’adda Calikaar ee Xuquuqda Aadanaha oo Cambaareysay Dagaallada ka soo cusboonaadey Koofurta Soomaaliya

Hay’adda Calikaar ee Xuquuqda Aadanaha waxay cambaareynaysaa dagaallada Sokeeye ee marka kale ka aloosmaya gudaha koofurta Soomaaliya, iyadoo dadka ku nool deegaanadaas ay horey ula diifeysnaayeen dagaallada sokeeye ee aan dhammaadka lahayn. Waxay hay’addu ka codsanaysaa qolooyinka dirirtu ay ka dhaxayso in ay joojiyaan colaadahaas ay ku barakacayaan Ummadda Soomaaliyeed kuwooda taagta daran. 

Hay’addu waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku hardamaya hanashada awoodda koofurta Soomaaliyeed in ay gebi ahaanba khilaafkooda siyaasadeed ku dhammeeyaan is-afgarad iyo is-faham, si markaas looga gudbo mashaakillada siyaaseed ee dagaallada dabada la gala, ee markaas barakiciya Taag-daranta Soomaaliyeed.

Cali Cabdi Rude

Xog-hayaha War-faafinta Ee hay’adda Calikaar ee Xuquuqda Aadaha.

E-mail: alikarhumanrights@gmail.com


Hadalkii Prof. Ibbi ee November 25, 2007 xilli uu booqday Minneapolis

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: