SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DABIN IYO DANLEY - WQ Caanageel.
caanageel@hotmail.co.uk

Aaway wariyayaashii warka dunida tabin jirey, xaquuqdii waddanigiyo waajibkuu lahaayaa weerar lagu hayaayoo laga dhigay waxaan jirin sidaas waxaa yiri marxuum ”Cabdi Muxumud” mar kalana waxuu yiri”qaran dumay qalfoofkiis ayaan hoos qandooda” qormadan waxaan ku falanqaynaya dabinadda cullimadda waranlayda ee saxadda siyaasadda hogaaminaya loo dhigay.

Xukuumaddii hore ee Mareykanka iyo ergayga gaarka ee qaramadda midoobay Soomaaliya u qaabilsan Axmed Walad Cabdalle waxay dhigeen dabin lagu majaxaabinayey halgankii umadda ee muqaawamaddu horkacaysayay loo badalo dagaal qunyar socod iyo xagjir dhex mara mirahaasna way guranayan. Danlayda uu Sheekh Shariif hogaamiyo waxay isku maleeyeen in dowlad loo dhiibay balse taas badalkeeda uu ahaa in furihii dagaalka loo dhiibey. Muqaawamo intaas cidii wax ka faahfaahsan rabta dib ha u aqriso maqaalkii Koonfurland iyo katarabiil Cusub ee aan qoray maalmihii la doortay ee dadku sacbinayey. Dabinkaas suntaa in malab laga lulo guddigii musaalixadda iyo golayaashii dhaqanka ayaa isku dayey balse garasho gaarsiisan inay hal abuurkaas u garowdo dhinacyadii is hayey lagama helin.

Xukuumadda Eretria waxay waligeed ka shaqaynaysay in dirirta u dhaxaysa iyaga iyo Itoobiya loo raro Soomaaliya (proxy war) waxayna u muuqataa in ay dabinkaasi ku guulaysatay ilaa xad. Faragelinta dadban ee Eriteria waxay bilaabatay 1997 markey Xuseen Maxamed Farax Caydiid ay maraakiib hub iyo saanad militari saran tahay intey usoo dirtay ay soo daba dhigtay xoogaa jabahadda Oramadda Itoobiya taasoo cawaaqim xumadii ka dhalatay ay noqotay in Itoobiya xoog ku qabsato saldhigii SNA ee Baydhabo isla markaasna hubayso kooxihii SNA ka soo horjeeday ee Digil iyo Mirifle.

Shalay garab istaagii golihii maxkamaddaha iyo tan manta ay garab taagan tahay xisbul islaam iyo shabaab labaduba hal ujeedo ayeey ka leedahay taasoo ah in Itoobiya ku mashquusho Soomaaliya balse waxaa yaab leh in danlayda Sheekh Xasan Daahir hogaaminayo u haystan in Eretria ku garab taagan tahay inay helaan dowlad islaam iyo Soomali ka madax banaan faragalin.

Waxaa cajiib ahaa in dawladii Carta lagu soo doortay ee uu madax ka ahaa Dr. Abdiqasim Salaad Xasan ay Eriteria diiday inay aqoonsato iyada oo ku tilmaantay Cabdiqasim inuu yahay wadaad mitid ah oo xiriir la leh islaamiyiinta xag jirka. Dowladdii Cartoo dastuurkii lixdankii qaadatay iyo tan Alshabaab iyo xisbul islaam ku haminayan ee Alqaaidda taladda wax ku leedahay baa Eriteria taageerin waa riyo maalmeed iyo dabin xitaa saqiirku garan karo.

Ururka Alqaacida ilaa bilowgii sagaashankii waxuu qorshaynayey inuu saldhigyo iyo gabaad ku yeesho Soomaliya dabinkaas waxaa ugu dhacay dhalinyaro diimeedka la baxay Shabaab oo isu haysta inay dalka cadow ka difaacayan balse taas badalkeeda cadow ku soo jeedinaya , dhanka kalana isu haysta inay shareeco islaam fulinayan balse afkaar xisbi bay garab siinayan. Hirgalin shareeco oo cullimadii umadda la qilaafay halhayskuna yahay kaligi muslim wax xikmad ah lagu gaari maayo.

Qaadiriyadda magaca Ahlusuna qaatay ee g/dhexe howlgalka ka wada qadiyadii suufiyo niman difaacaya ayeey isu haystaan balse waxay si aan qarsoonayn u fulinayan qorshayaasha Itoobiya oo ay wehliso dabinadda CIA da .

Itoobiya soo jireenka taariikhda marna ma aqbalin jiritaanka qaran Soomaaliyeed ilaa 1978 diina hadba koox baa dabinkooda ugu dhacayey una haysatay hubaynta iyo garab istaaga ay siinayaan inay dalka iyo kooxdooda ugu danaynayan balse taas badalkeeda jiritaanka qaranimo iyo nolasha umadda ayeey burburinayeen.

Kenya burburkii kacaankii lugooyo kadib waxay heshay fursad aysan waligood ku riyoon waayo dhamaan safaaradihii Soomaliya ka furaa iyo hay,adihii samafalka oo dhan waxay saldhig ka dhigteen dalkooda tiiyoo ay wehliso inay ganacsatadi Soomalidu maalgashi balaaran ku sameeyen dalkooda. Kenya iyo Ethiopia waxay wadajir ahaan u maleegayeen in aan waligeed la helin qaran Soomaliyeed. ”Bal dib u xasuuso erayadii madaxwaynihii hore ee Kenya Dabiel Arab MOI yiri markii shirka Soomalidu ka socday Kenya”Kenya iyo Itoobiya ma rabaan in Soomali dowlad hesho”.

Qurba joogtu waxay isku haystaan in magan galinyo iyo ubadkoodii oo wax barasho loo siiyey la isugu darey balse taas badalkeeda dabin baa u yaal caruurtooda oo waxay dhaxlayaan caruur intooda badan ka fog hab dhaqanka diinta, dhaqankii umadda iyo luuqadii intaasi markii ay lumaana jiritaanka Soomalinimaduna waa lumi islaanimadiina halis bay ku jirtaa waxaana intaas ka sii daran dalkii loo celin lahaa dab baa ka baxaya dadaalka kali ah oo ay u sameeyan inay dabinkaas ka baxaana waa qurbe ka guur oo qurbe u guur.

Hardanka siyaasadeed ee manta socdaa laba midkood buu u dhamaan haddii kooxda xisbul Islaam iyo Alshabaab awood roonaadan dalka dagaal kale ayuusan huri doonin oo shisheeye ayaa faragalin ku soo samayn, haddii Shariif awood roonaadana labada sano wuxuu ku dhamaysan doonaa dagaal waayo Muqdisho ilaa Kudhaa, Muqdisho ilaa Gaalkacyo yaa sifayn ka rabta sidaa darteed waa in la helaa aragti saddexaad oo ugu yaraan labadda sano kadib ama ka hor dalka lagu badbaadin karo kana madax banaan ishaysadka wadamada dariska ayna hormuud ka yihiin dad ka madax banaan kuwan is haya.

Gabagabadii mashaariicdan aduun iyo aaqiro la,aanta ee dal io diin midna aan u roonayn hadaan halaagas umadda laga deyn waxaa taariikhdu xusi doonta in danlayda mashaariicda shisheeye xambarsani ay fashil ku danbayn doonaan wadaniyad qabqabla dilay hadafkii umadda ee ahaa in dalka diinta lagu xukumana qilaafka wadaada dilaya wax aan umaddnimo lagu helina kaligi duulnimo lagu heli maayo .

WQ Caanageel.
caanageel@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Hadalkii Prof. Ibbi ee November 25, 2007 xilli uu booqday Minneapolis

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: