SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ku: Dhinacyada Dagaalamahaya
Ka: Haweenka Soomaliyeed ee ku nool Washington DC, Virginia, Maryland

Baaq Nabadeed


Anagoo ah haweenka Somaliyeed ee ku nool Washington DC iyo nawaaxigeeda (Virginia iyo Maryland), waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku dagaalamaya gobolada Banaadir, Hiiraan, Galguduud, Shabeellaha Hoose iyo intii kale oo u halqataageysa dagaallo cusub :

1. In ay shuruud la’aan xabadda u joojiyaan dhiig dambana ladaadin.

2. In ay Ilaahaygooda abuurtay ka baqaan, kana daayaan xabada shacabka tabaaleesan ee mudada dheer lagu gumaadayay dalkooda hooyo oo ay xaq leeyihiin inay nabad ugu noolaadaan.

3. In ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka, si xilkasnimo lehna ku wada gaaraan isafgarad loo wada dhan yahay ee warara.

4. Aduunweynaha waxaan ka codsaneyaa in ay naga qabtaan cidkasta oo dab dhex dhigeysa gedisocodka nabadda Soomaaliya, naguna taakuleeyaan dib u dhiska dalkeena.

Waxaan rajeyneynaa in dadaalada nabadeed aan marnaba laga quusan, Ilaahayna waxaa ka baryeynaa inuu sharafteenii iyo ciskii qarankeena noosoo ceesho. Allaahayow Aamiin.






Dadka ka hadaly waa:

Xildhibaan Faduma Cabdullahi Insaniye
Maryan Cabdulle
Basro Aden Salaad


Waxaa marti ku ahaa oo ayana ka hadlay:
Xildhibaan Sheikh Zayed Mohamed Yusuf
Prof. Ahmednur Sheikh Cali

Waa kulan ka dhacay Virginia oo ay soo qabanqaabiyeen haweenka Somaliyeed ee ku noo Washington DC, Virginia iyo Maryland ayadoo hormud u ahayd Xildhibaan Faduma Cabdullahi Insaniye. Murtida kulankaan wuxuu ahaa in baaq nabadeed oo ay kaga codsanayaan kooxaha ku dagaalamaya dalka in ay xabadda ka daayaan shacabka soomaliyeed ee ka daalay dagaalka sokeeyey.Arintaas oo ay ka deeli doonin ilaa dagaalka istaago

May 22nd, 2009


Hagi Abdullahi Abdiaziiz Sh Hassan
abdullahi_h@hotmail.com


Hadalkii Prof. Ibbi ee November 25, 2007 xilli uu booqday Minneapolis

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: