SHIIKH XASAN AL-BANNAA:
Shiikh Xasan bin Axmed bin
C/raxmaan AL-ban,naa Allaah ha u naxariistee wuxuu ku dhashay magaaladda Maxmuudiyah oo u dhaw AL-iskandariyah, Masar sanadkii 1906,wuxuuna ka soo baxay dugsiga Daarul Culuum ee Qaahira,wuxuuna ku shaqeeyey macallinnimo, asagoo dadka faraaya in ay ku camal falaan Quraanka ,sunaha Rasuulkana ku
dhagaan. wuxuuna Allaah gacantiisa ku hanuuniyey kumaankun dad ah oo ka mid ah dhallinta jaamicadaha,shaqaalah,beeraleyda
,iwm. Muddo ayuu magaallada Ismaaciiliyah deganaa oo uu ku aasaasay daartii ugu horeysay ee ( AL_Akhawaanul
Muslimiin). Kadibna wuxuu u soo wareegay AL-qaahira, muddo ugu yaraan 20 sano ah ayuu ku jiray Dacwad aan ka daal laheyn oo uu ku kala bixinaayey Masar oo dhan, ilaa uu Akhwaanku fara batay oo uu ku dhawaaday nus
malyuun. Wuxuu kaloo soo saaray jariidadda Akhwaanul Muslimiin ee ( AL-Dacwah) waxayna noqotay jariidad caan ah oo dunnida muslimka oo dhanba laga
akhristo.Al-shahiid Al-Shiikh Xasan AL-ban,naa waxaa la dilay sanadkii 1949.wuxuu Shahiidku muslimiinta uga tagay kitaabo aad u wanaagsan sida mudakaraatul dacwah wal daaciyah iyo majmuucatul Rasaa,il.
Shiikh la dulmiyey :
Shiikh Xaasan Al-Ban,naa waa shiikh caan ah oo uu yar yahay Ruux aan kaseynin.Se haddana dadka badankiisu ma yaqaanaan Taariikhdiisa dhabta ah.Runtii waa Shiikh weyn ooka mid ah Culumaddii ugu waaweyneyd Qarnigii 20naad.
Se nasiib daro xaqiisii lama siinin,xataa dad badan ayaan u ogoleyn in uu caalim ahaa ama wax yar xataa Diinta ka yaqaanay, taasina waa dulmi ay dad badan oo wadaado ah isku meeriyeen.Se Allaah agtiisa ayaano xaqiisu ka dhumeynin,Siduu Rabi quraankiisa ku sheegay :( Ruuxii camal wanaagsan sameeya asagoo Mu'min ah, dulmi kama baqaayo iyo nusqaamin midba) 20:112.
Shiikh Xasan Al-Ban,naa wuxuu ahaa mucjiso Allaah uu soo saaray waqti ay Muslimiintu aad ugu baahan tahay, Waqti Muslimiintii ay ku jabeen Khilaafaddii Islaamka ee la riday ee Cusmaaniyiinta 1918-1923.
Waqti ay Reer Galbeedku ay xarrigii ay muddo aadimnayeen Muslimiinta Qoorta ka sudhayn, Dhaxalkii ninkii Jiranaana ay Qeybsadeen,kadibna ay dad ay ayagu soo tababareen ay madaxa uga dhigeen Caalimkii Islaamka, Sida Mustafa Ataatoorki,Sacad zaqluul,Boqor faaruuq,Maxamed cali janaax, Shariif Xuseen, Boqor C/siis iyo kuwa kale oo fara badan, waqtiyadoodu haba kala
duwanaadeene. Shiikh Xasan Alban,naa wuxuu ka qiirooday Caalamka Islaamka iyo sida ay Diintoodii uga tageen ooy u daba raqlaynayaan( nashleynayaan) reer
Galbeedka. Markaas ayuu fikraddiisii la qeybsaday seddex nin oo Saaxiibadiis ah, Dhaqsana wey u taageereen in ay kala shaqeeyaan in muslimiinta hurdada ka kiciyaan,waxayna kala ahaayeen Ustaad Axmed Afandi ALsukari iyo Almarxuum shiikh Xaamud caskariyah iyo Shiikh Axmed
C/xamiid. Waqtigii ayaa nakala qeybiyey Afarteenii Ayuu yiri Shiikh Xasan AL-ban,naa oo Axmed Aafandi ALSukari wuxuu aaday Almaxmuudiyah, Almarxuum Shiikh Xaamud Caskariyahna Al_zaqaaziiq,Shiikh Axmed C/xamiidna Kufri Dawaar,Anigana Alismaaciiliyah , Halkaas oon ku aasaasay mirihii ugu horeeyey ee Fikradeydii , waxaana ka soo baxay ayuu yiri Hay,addii ugu horeysay ee taag yar oon u bixinay (AL_AKHWAANUL MUSLIMIIN )
Bishii Dul Caqdah sanadkii 1347Hijriyadah oo ku aadaneyd Sanadkii 1928 ee miilaadiga.
2) Baaq aan u jeedinaayo Culumada Salafiyadda Soomaaliyeed:
Inkastoo lala qabo, dadka ugu liita ee aan kaseynin taariikhdii dahabiga aheyd ee Shiikh Xasan AL-ban,naa waa culumda Salafiyada Soomaaliyeed labadooda
qeyboodba.
Sababtuna waxay tahay seddex arrimood oo been abuur ah ooy isku meeriyeen, taas oo ka kaaftoomisay in ay taariikhdiisa runta ah akhriyaan amaba baaraan:
A) in uu yahay nin siyaasi ah ee uusan caalim aheyn, taas ooy kala saarayaan siyaasadda iyo Diinta.
B) in Caqiidadiisu tahay Ashcari oo sifaadka ta,wiisha, mudneyna in wax laga qaato.
c) in uusan ku soconin manhajkii salafka ee uu yahay suufi.
Seddexdaas been oon ku cadeyn doono qoraaladiisii saxa ahaa ayaa sababtay in aysan akhrinin
ra,saa'ilkiisii dahabiga ahaa ee dacwadiisii ,ayadoo lala qabo in hal kitaab lagu soo aruuriyey oo la
yiraahdo( Majmuucatul Ra,saail Al-imaam Xasan ALbann,naa) ama kitaabkiisa ( mudakaraatul AL-Dacwah) !!!
Nin aan saaxiib nahay oo salafi ah ayaan haatan ka hor ku iri, ma akhrisay kitaabkiisa ?markaas ayuu iigu jawaabay ma
Xasan Al-ban,naa baa kitaab qoray ??? badankoodu waa sidaas xataa ma oga in uu kitaab qoray ,wax xun bayna ka sheegayaan markasta oo la soo qaado, taasina cadaalad ma
ahan.
Haddaba Akhristoow ila fiiri waxaan ka jawaabayaa Seddexdii been abuur ay iska dhaadhiciyeen salafiyadu, anigoo ka soo qaadanaaya, hadalo cad cad oo aan ta,wiil laheyn oo uu qoray
shiikhu. ugu horeyntiiba shiikhu wuxuu yiri asagoo u jawaabaaya dadka Al-Akhwaanul muslimiin ku eedeeya in ay yihiin xisbi
siyaasi:
Annaga iyo siyaasadda:
[ Dad baa oranaaya akhwaanku waa siyaasiyiin,dacwadooduna waa siyaad uun,waxayna uga dan leeyihiin umuuro kale,mana garaneyno ilaa goorma ayaa ummadeenu is tuhmeysaa,magacyana isku bixineysaa ,ayna ka tageysaa wax yaqiin ah oo waaqiceenu
cadeynaayo? Qoomkeeniiyoow:annagu waxaan idiinku yeereynaa annagoo Quraanka midigta ku haysana,sunaha nabigana nnkh bidixda ku haysana,camalkii salafkii suubanaana ee ummadaana ku dayaneyna,waxaanna idiinkugu yeeraynaa islaamka iyo islaamka barashadiisa,axkaamtiisa iyo hanuunkiisa, haddaad taas siyaasad u
taqaanaan,siyaasadeenu waa taas ee ogaada. Haddii Ruuxii sidaas idiinkugu yeerana aad siyaasi u taqaanaan annaga ayaa siyaasadaas mudan waana Allaah mahadiisa, waxna nagama dhimeyso magacyada aad noo bixineysaan haddiiba uu mowqifkeena iyo waxaan tiigsaneynaba ay cadaadaan] majmuucatul rasaa,il : Bogga 43.
Akhristoow ma ila aragtay siyaasadda lagu riixaayo Shiikh Xasan Albann,naa in ay tahay oo kaliyah dacwadii salafiyadda oo barax
tiran. Runtii waa jawaab qiimo leh oo ruux kasta oo islaamiyiinta ku eedeeya siyaasad doon loogu jawaabi karo, haddaan si kale u iraahdo hadalkaan biyo dahab ayaan ku qori lahaa.
2. Haddaan u boodo beenta labaad ee in uu yahay Ashcari,bal ila fiiri sida cadaanka ah ee uu uga jawaabay arrinkaas:
Markuu shiikhu ka soo wada hadlay madhabta salafka ee Aayadaha Sifaatka iyo axaadiistoodaba iyo tan khalafka oo uu ula jeedo Ashcariyiinta iyo wixii la hal maala sida muctasilada, ayuu cinwaankaan uga jawaabay midda uu raacsan yahay asaga iyo xarakadiisa ikhwaanul muslimiin :
Tarjiixa madhabta salafiga:
[Waxaan annagu aaminsanahay in ra,yiga Salafka ee ah in laga aamuso iyo in loo cesho cilmigeeda Allaah oo kaliyah kor ahaaye ,ayaa aslam ah haboona in la raaco,ayadaana goyneysa maadada ta,wiilka iyo tacdhiilka,haddaba haddii aad tahay mid uu Allaah ugu deeqay daganaasho iimaan,qalbigiisana ku qaboojiyey yaqiinta ,meelna ha uga bixin madhabtaas salafka, sidoo kale waxaan aaminsan nahay in ta,wiilka khalafka in uusan keensaneynin in la gaaleysiiyo ama lagu tilmaamo fasuuq,maxaayeelay dadka ugu adkaanshaha badan Ra'yiga salafka, Allaah ha ka raali noqdee ayaaba mar marka qaarkood wax ta,wiisha sida iimaanka weyn ee Axmed bin xanbal alaah ha ka raali noqdee sida uu u ta,wiishay xadiiskii : (xajarka madoow waa midigtii alle ee dhulkiisa)ama qowlkii nabiga nnkh ( Qalbiga mu,minka wuxuu ku jiraa labo farood oo ka mid ah faraha raxmaanka)ama qowlkiisa kale ee nnkh (waxaan ka helayaa naftii Raxmaanka dhanka yaman) ama sidoo kale ayuu yiri ].majmuucatul Rasaa,il :bogga 430.
Haddaba akhristoow Shiikhu ma Ashcaribaa asagoo ku leh waxaan rumaysan nahay in madhabka salafku yahay midka saxa ah ama ay mudan tahay in la raaco.mise yaan la gaaleysiinin Ashacariyada ayaa lagu eeday bal adiga lee na kala xukmi.(1)
3) beenta seddexaad ee shiikha ka faaftay waa in uusan salafi aheyn ee uu suufi yahay ??? waxaa
weynaanatay kalimad afkooda ka soo baxda ????
Bal shiikh xasanoow noo sheeg dacwadaada???? [ wuxuu shiikhu ku yiri mu,tamar,kii shanaad ee dhacay sanadkii 1357h, asagoo soo koobaaya fikradda Akhwaanka :
dacwadeenu waa dacwad salafiyah: maxaayeelay dadka waxaan ugu yeereynaa in islaamka ishiisa saafiga ah ee kitaabka Quraanka iyo sunada rasuulka u soo
noqdaan. waaa dariiqad suniyah: maxaayeelay waxay naftooda ku xanbaareen in ay ku camal falaan sunnada Rasuulka Nnkh dhinac kasta dhanka caqiidada ,cibaadada
iwm. waa xaqiiqo suufiyo:maxaayeelay waxay garanayaan in aasaaska kheyrku uu ku jiro naftoo la daahiriyo iyo qalbigoo la sifeeyo iyo
cibaadada oo la daa'imo iyo dadkoo laga jeesto iyo Allaah oo la jeclaado iyo kheyrka oo la isku
xariirsho.(2) waa hay,ad siyaasi:nmaxaayeelay waxay dalbanayaan in xukunka la hagaajiyo wadanka dhexdiisa,lana fiiriyo ummaddu xiriirka ay la leedahay adduunka kale,laguna tarbiyeeyo shacabka cizi iyo karaamo iyo in uu qowmiyadiisa
jeclaado.
Waa koox ciyaareed: maxaayeelay jirkooda ayey ku dadaalayaan, waxayna og yihiin in mu'minka xoogga lihi uu ka kheyr badan yahay midka daciifka ah sidoo kale in uu nabigu yiri nnkh ( jirkaaguna xaq buu kugu
leeyahay). waa hay,ad cilmi iyo thaqaafad: maxaayeelay islaamku wuxuu muslimiinta faray in ay wax bartaan rag iyo dumarba .
waa shirkad dhaqaale : islaamku wuxuu dhawraa maalka iyo sida loo kasbado, Nabiguna wuxuu yiri: ( waxaa nicmo yeshay maal fiican oo nin fiican
maamulaayo). waa fikrad ijtimaaci: maxaa yeelay waxay daneynayaa mujtamaca oo idil oo ay ka daaweynayaan jirooyinkiisa oo idil ].majmuucatul rasaa'il bogga 170-171.
Haddaba Akhristoow waxaan filayaa ilaa xad in uu shiikhu nooga jawaabay beenihii laga fidshay !!! bal fiiri wuxuu leeyahay dacwadeenu waa dacwah salafiyah wuuna sharxayaa, waagaas wax dacwah salafiyah la dhaho ma jirin, dacwah waahaabiyah ayaa jirtay !!! kuwa ku eedeynaaya in uu Ashacari ahaa, waxaan idin leeyahay magaciina xataa asaga ayaad ka bililiqeysateen, hortiin buu salafi ahaa. waxaa kaloo la yaableh suufinimada lagu sheegaayo waa tan uu noo sharxay ee culumada oo dhanba isku raacsan yihiin xataa shiikhuna ibnu tiimiyah in baabu zuhdi culumada qaarkood ay suufi u yaqaanaan.(3). waa inoo sitimaanka danbe iyo qeyb kale oo ku saabsan rasaa,ilkii shiikh alcalaamah, alshahiid xasan albann,aa
fii amaani laah.
1)sida haatan ka hor salafiyadu ay shiikh maxamed macallin xafidahulaah kula dirireen (1983). 2)xaqiiqada suufiyadu uu sheegaayo waa tan uu sharxay oo ah ku dadaalid cibaado ama zuhdi fi dunyaa. 3)majmuucul fataawaa, kitaabka
Al-suufiyah.
Shiikh saahid maxamed yusuf
Virginia , USA.
Mutakhasis fil xarakaat alislaamiyah.
sahid_yusuf@yahoo.com

Siddeed Caalim oon ku
soo moodnay Qarnigii labaatanaad, badelkoodii ma helnay?? Akhri
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin : SomaliTalk.com | July 13, 2009 |