SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XAFLADA QALIN JABINTA ARDAYDA REER PUNTLAND INDIA OO KA DHACDAY MAGALADA MYSORE EE DALKA INDIA, TAARIKHDU MARKAY AHAYD 6th JULY 2009

Halkan ka daawo sawiro kale oo badan

Xaflad balaaran oo sifiican loo soo agaasimay taasoo ah xafladii ugu horeysay ee ay qabsadan ardayda reer puntland ee wax kabarta dalka India ayaa waxay kadhacday magalada MYSORE ee gobolka KARNATAKA, India. Waxaana xafladan soo agaasimay URURKA ARDAYDA REER PUNTLAND ee Magalada Mysore, India (PSA-M). 

Xafladan oo ahayd xaflad aad u heersaraysay ayaa waxaa xusid mudan in ay ka soo qeyb galeen arday kor u dhaafaysa 80 arday oo ka kala Qalin jabiyay dhamaan jamacadaha dalka India sanadkan 2009, Taasoo ah tiradii ugu badnayd ee ka qalin jabisa jamacadaha India inta taariikhda lagu xasuusto. Iyo arday-da aan qalin jabin ee kaso qeyb gashay xafladan oo tiradoodu kor udhafayay 100 arday oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka India.

 

Halkan ka daawo sawiro kale oo badan

Xafladan waxa kasoo qeyb galay marti sharaf magac iyo samcad kuleh dalka India khaasatan gobolka Karnataka, marti sharaftan ayaa waxay ka jeediyeen xaflada hadalo ku beeray arday-da reer puntland qiiro kuwaas oo dhamaantood ku boorinayay ardayda inay horumariyan dalkooda (Puntland), marti sharafta ayaa waxay kala ahaayeen.

  1. Prof. R. Indira, Director international center university of Mysore
  2. Rev. Fr. Leslie Moras, Principal of St’ Philomena’s college, Mysore
  3. Prof. Basheer Ahmed, Principal of Vidya Vikas college, Mysore
  4. Prof. Nayaz Pasha, Principal of M.E.S College, Mysore
  5. Mr. Kaveesh Gowda, Secretary of Vidya Vikas Educational Trust, Mysore
 Xafladu intaysan bilaabmin ayaa waxaa lashiday barnaamij kahadlaya muuqaalka guud ee puntland kaas oo uu soo diyaariyay Mr. Mohamed Sacid cali (Xarigle) oo ah arday wax kabarta dalka India Cilmi dheerna u leh Computerka. 

Muuqaalka guud ee puntland kadibna waxaa furay xaflada Gudoomiyaha ururka arday-da reer puntland ee magalada Mysore, Mr. Liban jama Ciro, kana hadlay xiriirka soo jireenka ah ee kadhaxeeya Somalia Iyo India. Kasoo taabanaya dhinacyo badan sida waxbarashada, ganacsiga, iyo xiriirka caalamiga ah kuna baraarujiyay ardayda reer puntland in wadanka dib ugu noqdan horumarka wadankana ka qeyb qaataan, kadibna waxuu Gudoomiyahu hadalka kusoo dhaweyey madaxi marti sharafta Prof. R. Indira, oo ka hadashay sida ay ugu faraxsantahay kasoo qeyb galka xafladan qiimaha leh kuna boorisay ardayda in ay dadaalka wadaan, wadankoodana horumarkisa ka taliyan, sidoo kale marti sharafta kale oo dhan waxay si guud arday-da ugu dhiiriyeen in ay dalkooda dib ugu noqdan horumarkisana ka qeyb qaataan.waxaa iyagana qudbado soo jeediyay 

Mr.Abdullahi Abdi Mohamed (Ugaas) oo kuhadlayay magaca qalin jabiyayasha iyo Mr. Abdirashid Farah gelle (Qalinle) oo kuhadlayay magaca arday-da an qalin jabin, dhamaantood arday-da ayay uga hambalyeyen guusha ay gaareen iyo in uu wadanki sugayo oo uga baahan yahay wax qabad dhab ah. 

Qudbaha marti sharafta iyo madax-da kadib, waxaa la siiyay arday-da shahaadooyin ay usameeyeen Ururka ardayda reer puntland ee magalada Mysore (PSA-M), kadibna waxa bilowday barnaamij cilmi is waydaarsi ah (QUIZ) kaas oo ay arday-du aad usoo dhaweeyen muhiimad wayna lahaa.

Waxaa kalo xusid mudan in ay riwaayad qiimo dheer leh soo bandhigeen Arday-da reer puntland ee magalada hyderabad dalka India riwayadas oo kahadlaysay qiimaha waxbarashada iyo waaya aragnimada laga helay dalka India. 

Waxaa xaflada mahad naq kusoo xiray Mr. Cusman Abdirisaq bogcad oo kamid ah Ururka arday-da reer puntland ee magalada Mysore,  

Waxaa xusid mudan in aan kacodsanay Shirkadaha wadanka jooga in ay naga caawiyan xafladan qiimaha leh laakin codsigaasi dhag jalaq loosiin waxaan kacodsanayna cida ay qusayso in sanadka danbe laga taageero arday-da in ay qabsadan xaflad caynkaan oo kale ah.  

Waxaa mahadnaq usoo jeedinaynaa Wasaarada wax barashada DGPL, oo noo muujisay niyad wanaag in kastoo aanan kahelin wax caawin ah,  

NB- waxaa xusid mudan in ay daabacadi kusocoto buug ( Megazine) laga qoray dhamaan arday-da ka qalin jabisay sanadkan jaamacadaha kala duwan ee dalka India, buugaas oo xambaarsan warbixino fara badan waxna u tari doona ardayda wadanki joogta ee rabta in ay waxbarasho heer sare usoo doontan dalka India, buugaas oo soo baxi doona 15th of July 2009 iinsha allah,  

Kala soo xiriir waxii war bixin ah,

  1. Liban jama Ciro- Gudoomiyaha ururka arday-da reer puntland ee Mysore,
  1. Mustafe Farah hirsi – Xoghaya guud ee Ururka arday-da reer puntland, Mysore,
  1. Osman Abdirisak bogcad – gudoomiye ku xigeenka Ururka PSA-M

Halkan ka daawo sawiro kale oo badan

Gudoomiya ururka PSA-M
Liban Jama mohamud
Mob:00-9199-8653-8733
Mysore,India

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version