SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Beesha Axmed Harti ayaa Hanbalyo iyo Bogaadin u dirtay Madaxwaynaha Cusub ee Sheekh Shariif.

February:-01,2009,Dhawaan Shir Balaadhan oo taageero ah oo ay isugu yimaadeen Beelwaynta Axmed Harti ayaa ujeedka shirkaasi lagu sheegay mid ah Taageero iyo Hanbalyo ay u dirayaan Hogaanka Cusub ee haataan ku guulaystay Xilka Madaxtinmo ee Somaliya, Mudane Sheekh Shariif , Beesha oo Kulankaasi ay ka Joogeen Qaybaheeda kala duwan sida, Ganacsato, Aqoonyahano, Culumo, iyo Siyaasiyiin, ayaa si Cad u Qeexay inay soo dhawaynayaan Madaxwaynaha cusub ee TFG-da kaasi oo ay sheegeen in lagu Doortay Doorasho Xalaal ah.

Beesha Axmed Harti ayaa si Buuxda uga dhawaajiyay inay la shaqaynayaan Madaxwaynaha cusub ee Somaliya,iyaga oo xusay in ay Hor yaaliin Arimo badan, waxay sheegeen inay ilaahay uga Bar yayaan, inuu shaqada Hortaala inuu u fududeeyo, oo la Garab galo shaqada loo doortay, waxay kaloo sheegeen in Madaxwaynaha cusub inuu Noqdo, mid Somaliya walaaleeya oo ku dhaqa Cadaalad, Sinaan, Xaqsoor.

Kulankan Taageerada ah ee ay Beeshu Yeelatay ayaa ka dhacay Gudaha Magaalada Bosaaso, dhamaan dadkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Somaliya wakhtigan u Baahan tahay Nin soo Celiya Nabadii Luntay ee Somaliya, si Loo gaadho, Bay Yirhaadee, Barwaaqo.

Waa Taageerada Beesha Axmed Harti ee Madaxwayne Sheekh SHariif ayaa ah tii ugu horaysay ee ay diraan qaar ka mid ah Beelaha Degan Gobolada Puntland, taasi oo Meesha ka saaraysay Go"aankii diidamad ah ee uu dhawaan Qaar ka mid ah Warbaahinta ka sheegay C/raxmaan Faroole oo ah Hogaanka Talada Puntland, sidoo kale Baaqa Beeshan ayaa waxa laga dha dhansanayaa, sida ay Beelaha degan Gobolada Puntland u doonayaan inay Somaliya hesho Dawlada Buuxda.


Jaamac Feyte
Somalitalk.com

Wararkii: Feb 2

Bayaan ay Beesha Cusmaan Maxamuud Kasoo Saareen Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar  + Sawirro  - Feb 2

Hogaanka gudaha ee Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaalieed oo soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sh.Shariif Sh. Axmed - Feb 2

Qalin Jabintii Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika, Qaybta Gaalkacayo - Feb 2

Daladda SOYDEN oo Saddex Bilood tababar Saxaafadeed u furtey Dhalinyaro - Feb 2

Beesha Axmed Harti ayaa Hanbalyo iyo Bogaadin u dirtay Madaxwaynaha Cusub ee Sheekh Shariif. - Feb 2

Kulan Qado Sharaf ah oo ka dhacay Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Jakarta, Indonesia (pdf) - Feb 2

ONLF oo u Hambalyaysay Madaxweynaha Cusub ee la Doortay (English) - Feb 2

Baaq: Jaaliayadda Puntland ee magaalada malmö ee dalka swedan - Feb 2

War-saxaafadeed: Dahabshiil Bank oo Jibouti laga furayey  - Feb 2

MAQAAL: WADAAD, WARANLE IYO WADANI - Bukhaari


MAQAALKII MAKHTAL

makhtalMadaxweynaw yaad Madaxweyne u tahay? iyo Maxaaa La gudbon Madaxweyne Shiikh Shariif Akhri...

QORMADII NAJAX

najaxGabaygii Dowlada Usheega iyo Abwaan Xasan Garaad Warsame.. Akhri...

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: